Sign in to follow this  
Cige

Yariisow - Doollarkii Madoobaa Xagguu Geeyay?

Recommended Posts

Cige   

Immisuu Mudaharaad soo qaban qaabinayay? Immisuu habro Caydh qaata Guryaha ka soo saarayay? :rolleyes:

 

Ma waxaan lala dhuumanbaa haddii aad Doollarkii Madoobaa iyo Khaddii iyo Farsamo-yaqaankii isla heshay :D

 

Bariisana Xoogaagiisa u Tuur :cool: waayo Berigii C/laahi Yuusuf dhacdhaca soo baxa kuwo baasoo Buurtinle iyo Minesota ka soo shaqo tegaybaa Afka u dhigan jiray LOOOOOOOOOOL smile.gif

 

An Interesting Article.

 

Ma dhabaa in saraakiisha dowladda Somalia ay qabteen, ka dibna qariyeen ninkii watay lacagtii dolarka Madow aheyd ee maalmo ka hor lagu soo bandhigay garoonka Aadan cadde?

 

Lacag gaareysa hal milyan oo dollar oo dowladda Somalia ay sheegtay maalmo ka hor in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho xili si kootrooban ahaan ah looga duulin rabay halkaasi ayaa waxaa ka soo baxaya warar SIR ah oo dheeraad ah kana duwan qaabkii ay dowlada markii hore wax u sheegtay.

 

 

Wasiirka Lacagta ee xukuumadda Somalia Ing. Yariisow iyo afhayeenka ciidanka Booliska G/sare Bariise oo saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay garoonka Aadan cadde xilli ay lacagtaasi u soo bandhigayeen warbaahinta ayaa waxay sheegeen in qofkii watay lacagtaasi oo boorso ku jirtay la waayey ka gadaal markii uu ogaaday in baaritaan adag la marayo, waxaana Col. Bariise uu afka ku dhuftay in hadda ka hor ay ku qabteen isla garoonka dawada lacagtaasi dollarka madow ah lagu cadeeyo, wuxuuna balan ku qaaday iney gubi doonaan lacagtaasi isla xiligaasi iyadoo warbaahintu ay xaadir tahay.

 

Hase ahaatee sidaasi wax uma dhicin, lacagtiina iyadoo aan la gubin ayaa goobta lagu kala dareeray, taasoo la yaab ku noqotay suxufiyintii halkaasi looga yeeray oo sugayey iney sawiro ka qaataan lacagtaasi falsada ah oo la gubayo, waxaana arintaasi ay dhalisay tuhun ah in lacagtaasi laga damacsan yahay ujeedooyin kale

 

 

Shakiga ayaa sii kordhay markii ay soo baxeen warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ninkii lacagtaasi watay ay qabteen ciidamada ilaalada garoonka dayuuradaha hase ahatee saraakiisha dowladda ay qariyeen arintaasi, waxaana ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cumar ******ow in la qabtay oo uu gacanta ugu jiro ciidamada dowladda xaqiijiyey qaar ka mid ah eheladiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay in Cumar uu ahaa nin weligii ku shaqeysan jiray cadeynta Dollarka madow, sababta warbaahinta looga qariyeyna ay tahay iyadoo saraakiil ka tirsan dowlada ay doonayaan iney ku shaqeystaan ninkaasi si uu ugu cadeeyo lacagaha dollarka madow ah ee hadda la qabtay oo aan la gubin iyo kuwo kale oo meelo kale ay ku’og yihiin.

 

Ninkan lagu magacaabo Cumar ******ow ee eheladiisu ay sheegeen in dowladda ay ku qabatay lacagta ayaa la sheegay inuu qabo fanaanad caan ka ah Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Farxiyo kaanglii, waxaana dad badan ay wax iska weydiinayaan waxa ka dhalan kara marka la isu geeyo 3 arimood oo kala ah, Dolarka madow ee dowladu ay qabatay hase ahaatee aan la gubin, dawada lagu sifeeyo oo iyana ay sheegtay in hadda ka hor lagu qabtay garoonka dayuuradaha iyo ninka ku xeeldheer sifeynta Dolarka madow ee saraakiisha dowladu lagu eedeeyey in ay qarsadeen, warbaahintana u sheegeen inuu baxsaday?

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Cige:

Immisuu Mudaharaad soo qaban qaabinayay? Immisuu habro Caydh qaata Guryaha ka soo saarayay? :rolleyes:

 

Ma waxaan lala dhuumanbaa haddii aad Doollarkii Madoobaa iyo Khaddii iyo Farsamo-yaqaankii isla heshay
:D

 

Bariisana Xoogaagiisa u Tuur :cool: waayo Berigii C/laahi Yuusuf dhacdhaca soo baxa kuwo baasoo Buurtinle iyo Minesota ka soo shaqo tegaybaa Afka u dhigan jiray LOOOOOOOOOOL
smile.gif

 

Cige waxaad sidaan ula bururaysaa marka Dayniilaa...mise waa isyeelyeel waxaani...Weli wax kale oo proof ah ma haynaa oo arrintaan caddaynaya...aan ka ahayn inaad taqaanid xoogaa yar oo warbixinta wasiirka ah oo aad sii buunbuunineysid? lol..malaha adiguu guri kaa saaray intaad marfish u bedeshey :D joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Cige waxaad sidaan ula bururaysaa marka Dayniilaa...mise waa isyeelyeel waxaani...Weli wax kale oo proof ah ma haynaa oo arrintaan caddaynaya...aan ka ahayn inaad taqaanid xoogaa yar oo warbixinta wasiirka ah oo aad sii buunbuunineysid? lol..malaha adiguu guri kaa saaray intaad marfish u bedeshey joke.

Mafrashka horta wan illobay :cool: ,

 

waa runta qaar badan buu Mafrashka ka soo kicin jiray iyagoo calankii Somaliland wata ayay C/laahi ku mudharaadi jireen.

 

Dayniilana hadduu warkiisa 99% been tahay tan 1% ka runta ah ka soo qaad :rolleyes:

 

waayo maxaa lacagta loo gubi waayay, ******oowna loo qariyay :eek:

 

warku waa iska cad yahay :rolleyes: raggu waa soo shaqo tegay ama London ama Ohio ama Buur-dhuubo ha laga yimaadee soow Caynkaa maaha? :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this