Sign in to follow this  
General Duke

Shiekh Sharif to step down as head of courts...

Recommended Posts

A remarkable man, his actions are unlike the usual..

 

_41733734_ahmed203afp.jpg

 

Sheekh Shariif "waxaa la gaarey xiligii aan iscasili lahaa"

 

Nairobi- 07.June.2006 Gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaadey in uu ka

fakarayo sidii uu isaga casili lahaa xilka uu hayo ka gadaal markii waa sida hadalka uu u dhigay'e ay gaareen maxkamaduhu guulo la taaban karo oo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen maleeshiyaadka Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysan yihiin qabqablayaasha dagaalka.

 

Shariif Sheekh oo u waramayey Wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa tilmaamey in sababah uu u qorsheeyey in uu xilka ka dego ay tahay ay tahay isagoo doonaya in uu fursad siiyo dadka la midka ah ee shaqadan ka bixi kara.

 

Sheekh Shariif wuxuu la yaab ku tilmaamey tabardarada ka muuqata hogaamiye kooxeedyada, isago sheegay inay aheyd mucjiso guushii ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo tilmaamey in la gaarey xiligii guusha.

 

Wareysigan ayuu Sheekh Shariif wuxuu tibaaxay in uu si weyn uga walaacsan yahay fargalinta Mareykanka ee ku aadan arimaha Soomaaliya, isagoo iswaydiiyey cidda xaq u siisay Mareykanka inay garsoore ama macalin ay u noqoto Caalamka, "Mareykanku sidaa sameeya iyo sidaa ka fogaada ayuu dadka ku leeyahay" ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in uu filayo duulaan uu ku soo qaadayo Mareykanku iyo in dalal kale loo adeegsado weeraradaas, wuxuuna si kulul uu u cambaareeyay hadal ka soo yeeray Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka oo ka sheekaynayey cabsida Washington ay ka muujineyso xaaladda cusub ee Muqdisho ay lugta la gashay inay fududeyso in hoy ay u noqoto firxadka Al-Qaacida, waxaana uu yiri “ Maxaakimta ma taageerayaan argagaxisada, mana ogolaanayaanâ€.

 

Keyse Caamir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Maxaakimta Islaamiga oo sheegay inuu iscasilayo.

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu ku fekarayo sidii uu isku casili lahaa kadib markii guulo is xiga ay ka soo hoyiyeen dagaaladii ay la galeen Maleeshiyaad ka Hogaamiyaasha ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Shariif oo 42 jir ah ayaa Telefonka ugu sheegay Wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa London in guul aanu fileyn uu ka gaaray dagaalkii uu la galay hogaamiyaasha, waxaanu yiri “ waxaa la gaaray xilligii muhiimada ii laheyd, Alxamdulilaah, waxaana jeclahay inaan fursad siiyo ragga sideyda oo kale ah ee howshan ku haboonâ€.

 

Guusha ay ka soo hoyiyeen hogaamiyaasha dagaalka ayuu ku sheegay wax mucjiso ah, isagoo ka hadlayay tabar darada heysatay xag qalab, wuxuu sheegay inuu filayo duulaan Magaalada uu ku soo qaado Mareykanka ama howlgal loo soo adeegsado Ethiopia, si warcelin ay ugu noqoto guulaha Maxaakimta ay soo hoyeen.

 

Shariif ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeeray Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka oo ka qisoonayay cabsida Washington ay ka muujineyso xaaladda cusub ee Muqdisho ay lugta la gashay inay fududeyso in hoy ay u noqoto firdhadka Alqaacida, waxaana uu yiri “ Maxaakimta ma taageerayaan argagaxisada, mana ogolaanayaanâ€.

 

Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka inay tahay dowladda ugu weyn ee argagaxisada Caalamka, waxaana uu is weydiiyay cidda xaq u siisay Mareykanka inay garsoore ama macalin ay u noqoto Caalamka, waxa ayna dadka ku oraneysaa “ sidaa sameeya, kaana ka fogaadaâ€.

 

 

Cali Suxeyfa

Wayaha-Muqdisho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif Axmed oo shaaca ka qaaday in uu ka degi doono jagadii uu u haayay maxkamadaha, mana caddayn in lagu beddelayo sheekh Daahir Aweys

Somaliweyn -Holland - 07/06/06

 

Guddoomiyaha isbahaysiga maxkamadaha islaamiga sheekh Shariif Axmed ayaa caddeeyay in uu Soomaaliya ka dhisi doono dawlad islaami ah,wuxuuna Shariifku hadalkaa sheegay kaddib markii ay isugu soo baxeen boqolaal taageerayaashiisa ka mid ah,wuxuuna caddeeyay in dagaalka islaamka oo ka bilowday Soomaaliya la wadi doono ilaa aan ka taagayno dawlad islaami ah.

 

Fu'aad Axmed oo isagu xubin ka ah maleeshiyada daacadda u ah maxkamadaha islaamiga ayaa wakaaladda waraarka ee Royters u sheegay in halgankani uu yahay halgan islaam ah oo dheer wuuna socon doona ilaa dalka oo dhan la hoos keeno xukunka shareecada,waxaana diyaar u nahay in aynu dhiiggeena daadino ilaa uu halgankayagu uu guul ku dhammaanayo,wararkaa oo shalay iyo maanta lagu faafiyay mediaha adduunka ayaa haddana wareysi uu siiyay Shariifka BBCda carabiga wuxuu u sheegay in maxkamaduhu aysan ahayn dhaqdhaqaaq siyaasadeed,waxaana doonayna buu yiri in xukunka aan ku wareejino shacabka Soomaaliyeed si ay ugu suuraggasho in uu go'aankiisa qaato aayatiinkiisuna uu ka taliyo.

 

Dawladda Washington waxay iyadu si dadban u aqoonsatay in maxkamadaha islaamiga ay la wareegeen magaalada Muqdishow,afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Mareykanka wuxuu sheegay in ay cabsi jirto oo ku saabsan in waddada ay u furnaatay dhaqdhaqaaqa Al-Qaacidda si ay meesha ugu noqoto hooy nabadgelyeed,waxaana si dhab ah u aaminsanahay buu yiri afhayeenku in Soomaaliya ay ku sugan yihiin argaggixiso ajnebi ah.

 

Maxkamadaha islaamiga waxay imminka qorshaynayaan sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Baydhabo,hayeeshe waxaa kaloo jira abaabulo ka dhan ah maxkamadaha oo ay wadaan kooxo ka tirsaan isbahasiga la dagaalanka argaggixisada.

 

Dhinaca kale wuxuu wargeyska asharqalawsat uu maanta (07/06/2006) daabacay in uu wareystay guddoomiyahay maxkamadaha islaamiga sheekh Shariif Axmed kuna waresytay telefoon isagoo shariifka jooga Muqdishow,wuxuuna sheegay in uu ku fekerayo sidii uu uga degi lahaa jagadii uu haayay,waxaana jeclahay buu yiri in aan fursad siiyo dadka kale si ay u qabtaan mas'uuliyaddaa aan hayo.

 

Shariifka oo 42 jir ah wuxuu ka gaabsaday in uu caddeeyo in jagadiisa lagu beddelayo sheekh Daahir Aweys,go'aankaasina buu yiri waxay u taal maxkamadaha,wuxuu kaloo shariifku sheegay in Mareykanku uu duullaan ku yahay Muqdishow isagoo kaalmaysanaya Ethiopia,wuxuuna shariifka canbaareeyay hadalkii afhayeenka Mareykanka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo sheegay in Muqdishow ay hooy u noqotay Al-Qaacidda,wuxuuna Shariifku ku eedeeyay Mareykanku in uu yahay argaggixisada ugu weyn addunka.

 

Shariifku wuxuu kaloo sheegay in dagaalkii Muqdishow ay qayb ka qaateen haween niqaabka sitay.

 

Somaliweyn media center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

It was truly a miracle from Allah, the courts had no plans to capture the city but it was Allah's plan that the warlord should start a war that would be their end. Now even the SNA of Xuseyn Ceydid bow down to the power of the courts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke, the news you are reading now is an examplery move for your ailing uncle in Baydhabo. Only if he could resign after his apparent inablity to make a breakthrough in the political deadlock our country is faced. It was in his inagurational speech that he would resign if he couldn't bring about any results in his post as the president of the country.

 

Too bad, indeed. You have one thing in common with your uncle, that you never resign from your rubbish propoganda against Muqdisho, as it is the same with your uncle of not resigning from his failed mission.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Tell me how and what propelled him to start his unacceptable mission now? Abdullahi Yuusuf is not only gone from the political scene in terms of our senses, but also in the eyes of (the enemy~Ethiopia) his friends.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

the Old man have now another opportunity, what he is going to do is another question? But in order to get more money you have to spend more money. The court victory gives him another chance to get cash needed from international community but only with clear political strategy. To begin with he must go father from Baydhabo soon. politically or military. otherwise the next peace confress is in the corner. Very little time left for him to manover.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle Ubahane, who lost out? The courts only beat the obsticle to the TFG, the warlord minister who split the governemnt and who yesterday you was cheering for. The ones who were working with Sharif Xasan and Xasan Dahir only yesterday who with Inda Cade were meeting up in Balcad to derail the government. Big mouth Qaynyare, Sudi and ignorant bafoon Mohamed Dheere are finished, and it topok the courts 6 months and a thousand souls to claim a partial victory.

 

I dont see how it bothers the government in any way if those who opposed it are wiped out? It is the logic of the ignorant to pretend otherwise. The TFG has not lost one soldier or an inch of territory, and its worst enemies have been defeated by the people renegade ministers are gone.

 

Lets suppose this is al Itixad all over again.

Give me a break will you, Xasan Dahir lost Gedo and Bari before who is to say he will be successful this time?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Shariif Sheekh Axmed waa qof degan, and I have my deepest respect for him. Ma'aha reero seef labood, oo waxee isku fikrad ahayn aanan ixtiraamin oo caay ugu daro waliba. You can even see his pictures how humble he looks, if sawiro can be believed

 

Perhaps it has to do with his upbringing, I guess. His father, Sheekh Axmed, was a well-known suufi mowlac, whose grave at Shalanbood to this day some followers of certain dariiqo visit.

 

Unlike others he shares in religious ideology, he, Shariifka that is, respects dariiqyada suufiyooyinka and doesn't badmouth them. Sababta ay afhayeen ugu dhiibteen saas ayaa ugu wacan aan u maleynaa, his deganaansho, that is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

LOL@ cartoon.

 

Is that suppose to be Indho cadde or summthin? Besides, is he like the only taint on the Maxkamadaha? I betchu its tribal all the way down. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

A remarkable man, his actions are unlike the usual..

 

_41733734_ahmed203afp.jpg

 

Sheekh Shariif "waxaa la gaarey xiligii aan iscasili lahaa"

 

Nairobi- 07.June.2006 Gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaadey in uu ka

fakarayo sidii uu isaga casili lahaa xilka uu hayo ka gadaal markii waa sida hadalka uu u dhigay'e ay gaareen maxkamaduhu guulo la taaban karo oo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen maleeshiyaadka Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysan yihiin qabqablayaasha dagaalka.

 

Shariif Sheekh oo u waramayey Wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa tilmaamey in sababah uu u qorsheeyey in uu xilka ka dego ay tahay ay tahay isagoo doonaya in uu fursad siiyo dadka la midka ah ee shaqadan ka bixi kara.

 

Sheekh Shariif wuxuu la yaab ku tilmaamey tabardarada ka muuqata hogaamiye kooxeedyada, isago sheegay inay aheyd mucjiso guushii ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo tilmaamey in la gaarey xiligii guusha.

 

Wareysigan ayuu Sheekh Shariif wuxuu tibaaxay in uu si weyn uga walaacsan yahay fargalinta Mareykanka ee ku aadan arimaha Soomaaliya, isagoo iswaydiiyey cidda xaq u siisay Mareykanka inay garsoore ama macalin ay u noqoto Caalamka, "Mareykanku sidaa sameeya iyo sidaa ka fogaada ayuu dadka ku leeyahay" ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in uu filayo duulaan uu ku soo qaadayo Mareykanku iyo in dalal kale loo adeegsado weeraradaas, wuxuuna si kulul uu u cambaareeyay hadal ka soo yeeray Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka oo ka sheekaynayey cabsida Washington ay ka muujineyso xaaladda cusub ee Muqdisho ay lugta la gashay inay fududeyso in hoy ay u noqoto firxadka Al-Qaacida, waxaana uu yiri “ Maxaakimta ma taageerayaan argagaxisada, mana ogolaanayaanâ€.

 

Keyse Caamir

This whole news is utterly bogus. A tribalist like General Duke would dare to post everything anti-Islamic Courts to stire confussion!

 

Ilaahey baan ka magan-galnay shartaada!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this