Sign in to follow this  
Liibaan

Osman Jamaac oo Hunguraynaaya in uu La-jaanqaado Maxkamada Mugdishu.

Recommended Posts

Liibaan   

okalun.jpg

Osman Jaamac oo ahaan jiray Siyaasi reer Somaliland ah ayaa hadal jacbur ah oo uu ka sheegay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Maanta 25/07/2006 ku aflagaaday Jabhada SNM ee dhalisay Xornimada Somaliland ee lagu caano-maalay. Mudane Osman oo had iyo jeer hadalkiisu duqeeyo meelo aanu ugu talo-galin ayaa yidhi Jabhadihii Somalia ka dagaalamay oo ay ku jirto SNM waxa baabiiyey ama Burburiyey Qabyaalada. Hadalkaa Osman ayaa ah mid aan Qiimayn badan lahayn, isla markaana meel ka dhac iyo Gef ku ah Jabhada Barakaysan ee SNM iyo Madaxdeedii Geeriyootay iyo kuwa nool-ba. Mr. Osman oo jecel in uu wax ka noqdo Somalia ayaa ka soo duday, kan soo cadhooday kooxdii Carta ee Cabdiqaasim hogaaminaayey ka dib markii wax tix-galin iyo Maamuus ah uu ka waayey.

 

Osman markii uu ku soo fashilasy Carta ayuu qabtay Kenya si uu uga qayb-galo shirkii Qabqablayaasha Somalida ee lagu soo yagleelay Maamulka Imbagaati ee Baydhaba ku sugan, sida Rag goob joog ka ahaa shirkaas ay sheegeen.... Osman waxa Geeska ku Feedhay Mr. Buubaa iyo Sifir oo ka Riixday Jagadii Madaxnimo ee uu ka hunguraynaayey kooxda Imbagaati. Adeero Osman oo aan u hubsan isbedelada Siyaasiga ah ee ka dhacaaya Somalia ayaa maantana u hanqal-taagaayaMaxkamadaha uu hogaaminaayo Wadaaadka dad-dilka ah kornayl-Sheikh Hassan Dahir Awes.

 

Waxaan dadweynaha Xasuusinayaa Maqaalkan hoos ku qoran oo layidhaahdo (Faras Qaayihiisii iyo Qiimigiisii Quus-buu ka joogaa). Maqaalkan oo ku saabsan dhacdooyinka Siyaasiga ah ee Osman ayaan qoray 28/02/2004,

Faras Qaayihiisii iyo Qiimigiisii Quus-buu ka joogaa.

 

Aragtida dadweynaha reer Somaliland ee gudaha iyo debedaba ayaa ka midaysan Mawqifka siyaasiga ah ee Osman Jama, taas oo ah mid faashila oo aan dhinacna u fayoobayin

 

Mr. Osman oo markii uu kooxda Al-carta ku biiray si toos u lumiyey kalsoonidii siyaasiga ahayd ee reer Somaliland u hayeen ayaa haddana ka faraxashay kartidii Siyaasigu wax kula soo bixi jiray markii uu ku hungoobay ee waxba ka noqon waayey xataa kooxdii Al-carta ee uu seddexda sano la joogay......Taa soo keentay ka ma danbeyntiin in uu Hadh-cad ka soo baqoolay.

 

Hadaba waxa mudnaan leh oo la is weydiinayaa …. Mudane Osman oo xaaladiisa Siyaasiga ahi Iminka ku Qiimaysantahay *laba jeer khasaar*, koonfur iyo kooxdii Cabdi qaasim ee Al-cartana ka gubatay oo Quus ka jooga, Somaliland aanay jahaba u wada tukanayn, Xaga uu ka keenaayo Karaamada iyo kartida uu Somali ku midaynaayo.

 

Waxaan ku gunaanadaya qoraalkayga Adeer *laf ayaad toobin ku haysaa* ama *Haan gun la' ayaad dhaaminaysaa oo ka midho dhalin kari maysid Midnimada Magac u yaalka ah ee aad meel walba la taagantahay, waxa jirtay Maahmaah odhanaysa Afkaan reer hebel ku amaanayo maan Waalidintay Faataxo ugu akhriyo* Taas oo aan uga jeedo Tamarta iyo Awooda aad Somaliweyn ku luminayso in aad wax kale oo ku haboon ku isticmaasho ayaa ka fiican.

 

Gabagabo…waxaan kuu sheegayaa oo adna aad naftaada u sheegtaa..... mid kuu dhaw iyo Mid kaa dheer, mid kula dad ah iyo mid kula dal ah oo kaa dhegaysanayaana ma jiro Somali-weyntan ma dhalayska ah. Hadaba………

 

*Ka tasho Cismaanow in tuu Tuhunku sii muuqdo

 

By:Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. 28/02/2004. E-mail: sooldhuub@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali oo maanta ka baxsaday Baydhabo iskana dhiibay Muqdisho Muxuu Ka yidhi Sifir iyo Buubaa?

 

 

 

 

 

Tan iyo dhawrkii todobaad ee la soo dhaafayba waxa war war iyo walaac weyni ay la soo gudboonaadeen dhamaanba ragii ka soo jeeday Somaliland ee sida sharci darada ah uga qayb galay shirkii Imbigaati, isla markaasna xilal ka qaatay dawlada fashilantay ee fadhigeedu yahay magaalda Baydhabo.

 

Hadaba maanta waxa ka soo goostay oo ka soo baxsday magaalda Baydhabo xildhibaano iyada oo ay ayaamahii ina dhaafayna ay qaar kale ka soo carareen magaaldaasi oo uu fadhigoodu ahaa, Xildhibaanadan hada u soo goostay Xamar badankoodu waxa ay ka soo jeedaa magaalada Muqdisho, xaga xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobolo kalena ay u goosteen meelihii ay asal ahaan ka soo jeedeen, qaar kalena ay ayaamaha soo socda laga yaabo in ay ka kala yaacaan magaalda Baydhabo.

 

Hadaba xildhibaanda maanta goostay ee isu dhiibay ciidmada maxaakiimta Islaamiga ah waxa ka mid ah Xildhiban Cabdaala Xaji Cali oo isagu asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, Cabdalle oo aan cidna matalin ayaa maanta talo ka cadaatay meeshii uu naftiisa ku bad baadin lahaa taasi oo ay ku kaliftay in uu iska dhiibo magaalda Muqdisho.

 

Xildhibaan Cabdalle oo maanta ka mid ahaa xildhibaanda Muqdisho iska soo dhiibay ayaa sheegay in waxyaabaha uu uga soo baxsaday dawladii uu ka tirsanaa ay tahy, been iyo daacd daro ay ku kacday isla markaasna ay khiyaamanyso shicibkii iyo dalkii ay doonayeen in ay hanato isla markaasna u soo kaxaysatay ciidamo Itoobiyaan ah oo ay doonayso in ay dalka ku celiso dagaal iyo dhiig danbe oo daata, Xildhibaan Cabdalle oo ka hadlay ciidamda Itoobiyaanka ahi in ay Baydhaba soo galeen iyo in kale waxa uu yidhi.

 

Anigu waxa aan Baydhabo ka imid saaka waxa aan xaqiijinayaa in ay Baydhaba soo galeen ciidamo laba kolonyo ah oo ciidamo Itoobiyaan ah iyo waliba saraakiil Itoobiyaan ah oo ka tirsan ciidamda Itoobiya, Xildhibaan Cabdale isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu dhaliilay dawlada Cabdillahi Yusuf oo uu ku sheegay mid beenaly ah oo dadka khiyaamaynaysa, taasi iyo waxyaabo kalena waa waxyaabaha aan uga soo cararay ayuu yidhi xildhibaan Cabdalle.

 

Mar wax laga waydiiyay xaalada xildhibaandii kale ee ay ka soo wada jeedeen asal ahaan Somaliland, waxa uu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo waxa aanu sheegay in ayna intooda meesha joogtay ee ay ka soo wada jeedaan Somaliland ayna isku wada calool furnayn isla markaasna aanu xidhiidhkooda iyo wada hadalkoodu aanu fiicnayn, lakiin hadana waxa uu sheegay xildhibaan Cabdalle in ay dhamaantood ay ka wada go'antahy in ay ka baxaan Baydhabo oo ay iskaga tagaan, sababta oo ah meesha kama muuqato dawlad Somaliyeed oo danaynaysa dadkeeda iyo dalkeeda, Cabdalle oo hadalkiisa sii wata hadana waxa uu yidhi'' Waxa igu maqaalo ahyd in Mudane Buubaa, uu naawilaayay in uu u baxo dalalka Carbta xaga mudane Sifirna ay wararkiisu ay igu soo duulayeen in uu rajaynaayay in uu u baxo dalka Kiiniya mana garan karo xaga uu uga sii kici doono.

 

Xildhibaan Cabdalle waxa uu amaan u soo jeediyay madaxda ciidamda maxaakiimta ah waxa uu ugu mahd naqay sida fiican ee ay isugu fureen magaalda Muqdisho, oo hada la moodo ayuu yidhi sidii ay ahaan jirtay waayo waayo, waxa uu xusay in uu ka soo baxay meel aan la ogolayn in la hadlo oo xildhibaan kastaaba uu naftiisa u baqanaayo, tan iyo intii ay Xabashidu soo gashay ayuu yidhi Baydhabo iyo nawaaxigeedaba waxa aanu ku booriyay in la ilaashado magaalda Muqdisho oo aan Cabdilaahi Yusuf aan laga ogolaan in uu soo weeraro isla markaasna dhan looga soo wada jeedsado oo la iska difaaco isga iyo Xabashida uu watoba.

 

 

Waxa iyaguna meesha ka kala hadlay xildhibaandadani oo maanta saxaafda kula hadlaayay Hotel-ka nabada ee magaalda Muqdisho, waxa ayna ka koobnaayeen. Xildhiban Cabdaala Xaji Cali Xildhiban Cali Calas Qareey,Xildhiban Axmed Diiroye Maxamed, ,Xildhiban Caamir Maxamed Jakeeti,xildhibaan Yuusuf Mire iyo Kuwo kale oo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Mudane Buubaa, uu naawilaayay in uu u baxo dalalka Carbta xaga mudane Sifirna ay wararkiisu ay igu soo duulayeen in uu rajaynaayay in uu u baxo dalka Kiiniya mana garan karo xaga uu uga sii kici doono.

 

how ironic and prtedictable to see the small group of people who commited treason againts somaliland are running leaving their shoes behind in their rush to abadoning c/y and jumping to sides. :D:D

 

Buuba is said to be running to he arabia and sifir to kenya with the rest joining the maxakamiin with no doubt their pockets filled :D:D

 

how long before we see these mercenaries once more crawling back to somaliland and asking for pardone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

But given the fact that these pple are changing sides,maybe they don't wanna be separatists..,There is nothing called somaliland,all somalia is a somali land and i don't see why they should separate themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

This is funny. I said I said before, I am waiting for Riyaale Kaahin and when he switches.

 

Keep on switching peoples smile.gif , I am just wondering how some people can believe these people?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Qudhac welcome to Somali politics and there is nothing you can do to these guys, TOL bey leeyihiin smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this