Sign in to follow this  
Hassan6734

Hassan Dhair aweys phone calls Sheikh Shariff begging for 2nd chance

Recommended Posts

What a joker, after realising that he's ******** militias hve been uprooted by somali Government troops in Mogadishio, the animal is now asking sheikh shariff to call off the Government secruity operations.

 

Dhair Aweys is now calling for peace as if he cares abt the people of somalia. He is only doing this because he faces defeat.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

source

 

 

Dhaaaaalaaaaaaaaaaaa aaala, dhalalalaaaaaaaaaam, dhaaaaaaaalmam.

 

 

Xogheynta Shiriifka : Hello, Salama Caleykum

 

Sh.Hasan Aweys: Adeer Galaadu salaanta xaq uma uma laha ee ma jooga Ninkii murtidka ahaa, ee ridoobey

 

Xogheynta: Adeer cid murtida ahi halkan ma joogto ee yaad rabtaa.

 

Sh.D.Aweys : Adeer ma la hadli karaa ninka aad M/weynaha ku shegeysaan ee Muslinka ka weecday.

 

Xogheynta : Madaxweyne nin dagaalansan baa ku raba.

 

Sh.Shiriif: Salaama Caleykum Akhii waa kuma!!.

 

Sh.H.Aweys : Waar shiriif Salaanta islaamka ha yeerin, sowtaad muslinka ka baxdey.

 

Sh.Shiriif : Waan ku gartey inaad Saxiibkeygii Sh.Hasan Dahir tahey, walaal aniga Islaamnimo ma ka bixin, ee ma laga yabaa in adigu adgu qarda jeexdey ama aad dayaysan tahey, hada maxaad ii soo wacdey, sow maad go`aamin in Muqdisho iyo Koonurta Somalia dhiigii daadanayey ee aan is lahaa jooji, uu halkii ka sii socdo.

 

Sh.H.Aweys : Anigu Mujaahid Alla yaqaana oo xaq wada ayaan ahaa, hadana aan ahey. Adigaa na khiyaamey oo gaalada raacey, hadana waxaan kuu soo wacey in hadhow intii la dhihi lahaa nin baa la diley aad meesha iskaga cararto ciidakeena Mujaahidiinta ahi dhawaan waa soo galayaan Madaxtooyada. Dhiiguna wuu daadanaya inta ujeedadeena aan gaareyno insha Allah.

 

Sh.Shiriif: Ina Daahir Aweysow labadeenu weynu is ognahey, waxan dadka caamada aad ugu sheekeynasana weynu isla garananeynaa, walaalow maad qunyar iska dhahdid, kursiga ii banee waan u dhimanaya si looga fogaado dhiiga barbaarta Somaliyeed oo qubta iyo maatida barakaceysa. Nin dad maata ah oo muslina hoobiya ku garaacaya oo hadana leh Muslin baan ahey, mujaahidiina waan wataa adiga hortaa lama arag.

 

 

 

Sh.H.Aweys : Shiriifow adiga waxoogey waa run waa is ognahey, lakiin wixii aynu isku ogeyn sow adiga maad ka bixin, oo kursigii aan idin dhahey waar walaalow hadee aniga reer Gaalkacayo ahe ha la ii daayo, marka uu Cabdilaahi Yusuf tago, sow intaad dustey maad aayar ku fariisan :D , oo imaanad daba marteynin. Sidii ku heshiin karaa oo dhiig loo joojin karaa anigoo aan Madaxweyen noqon.

 

 

 

Sh.Shiriif : Haa waad nagu dhahdey lakiin sow ma ogid in adigu aad macangag aheyd oo markii aan ku dhahey, aynu miiska wadahadalka fariisano oo Abdilahi Yusuf iyo Xabishadana dalka ha laga saaro sidaana aan dhulkeena, Somalida Koonfureed ee colaada, Barakaca iyo abaaruhu ay dileen aynu ugu talino, sow maanad diidin oo maad dhihin, Asmara iyo Erateria oo Xabashi 2 ah, oo teedii u qiil la aynu iska dhex joogno. Markaa ayaan anigu tashadey oo aan ku dhaqaaqey in aan xalka meel kale ka doono

 

 

 

Sh.H.Aweys : Hadee walaalow Shiriif, waa laga yabaa in markii aad wada hadalka gashey aad sax aheyd balse waxaad khaldantey markii aad ogaaltey in adiga M.Weyne laguu doorto.

 

 

 

Sh.Shiriif : Maxaan ku khaldamey Ina Dahir Aweysow, sow koley meesha ninuun M/weyne kamuu nodeen.

 

 

 

Sh.H.Aweys : Hadee waxaad ku khaldantey waxey aheyd inaad tiraahdo Duqa Sheikh Hassan Aweys ee Asamara jooga ayaa kursigaa jecel ee ha loo daayo, oo dawlada inteeda kale ha la dhiso. Maanta dhiigaasi muu daateen. Alshaababkan iyo nimankan hada saaxiibka ku nahey in adiga lagu rido markaa meel ay markeen lama arkeen. Inkastoo hadaba aan ka cabsi qabo in dhexdayada ay ka qarxdo. Waxaan ka cabsi qabaa in Marka uu Afewerki i soo waco, ay dhahaan ` Gaal baa ku soo wacey dabadeed waad gaalowdey` :D:D

 

 

 

Sh.Shiriif : Waar Sheikh Hassan kursigan Xaga rabi ayaa laga qoraa, anigana weligey isma dhihin M/weyen noqo, dhiigna maan ku daadina, hadadana dalka ayaan rabaa in aad badbaadiyo, marka adiga diintan iyo Jihaadku waa kaa afka baarkiisa ee Kurisgan ayuun baad rabtaa, adiga mooyee cidii kale ee ku fariisatana waa gaalo murtidiin ah. Alshaababna waad ogtey in hadii aad dawlada rido in markaa sheekadinu aynu noqoneyso labadii dhurwaa ee Libaaxa raqda ka eryay ee dabeed ay dhexdooda ka qaraxdey. Hada maxaad xalka u aragtaa, dagaalka se ma joojineysa, oo dawlada ma soo raceysa

 

 

 

Sh.Hasan Aweys : Shiriifow nin aad kursigisii aad ku fadhido xalka lagama warsado , xalkana adiga ayaa haya, dhiiga Somalida ee dadaadanayana anigu ninkii kowaad ee daadiya ma ihi,raga iiga horeeyey waad garansyaa:- Siyaad Bare, Caydiid, Cali Mahdi, Cabdilaahi Yusuf, Yalaxow, Maxamed dheere, Moorgan gar dheere, Bare Hiiraale, Indhacadahan muslinka nasakhan ah :D iyo qaar kale oo badan, markaa mar hadii la joogo xiligii aan anigu ugu jaaniska fiicana dagaalku wuu soconaya inta Mujaahidiintu ay kursiga igu hubsanayaan.

 

 

 

Sheikh Shariif : Aweysow Ragaa aad sheegtey, Shiikhyo iyo diin midna mey sheegan jirin,ajanabi Afka duubteyna maatida Somaliyeed kumey karbaashi jirin, adigu maxaa diidaya hadii aad dhahdo Kursigaan rabaa ha la iigu dhinto.

 

 

 

Sh.H.Aweys: kkkkkkkk. Shirifow filimkan Shiekha iyo Mujaahidka ayaa imika socda, hadii aan dhaho Kursigaan wax ku dilayaa Mujaahidinta Qaadka cuneysa , dagaalkuna wuu karaar jabaya, markaa adiguba kurisga waxaad ku heshay Shiikh Qunyar Socad ah :D , anigu Shiikh xoog u socda ayaan ahey waxaa inoo balana Villa Somalia. Ama Afircan u yeero ama Reer Galbeed u yeedho ama Carab u yeero ama Mududool oo dhan u yeero kursigaa ku fadhiyi maysid. Mida kale Ajanabiga Afka duuban waxba ha dhihin adba African fuq waaweyn ayaa ku waardiyeeya

 

 

 

Sh.Shiriif: Ina Daahir Aweysow, rag hadii uu caaro dhuubta isla dhaco ninkastaa cidii uu doonayo ha u yeerto ee adiguna ama Daaliban u yeero ama Carab u yeero ama qaar diintu jiidhey u yeero, ama Indha Cade ha yiraahdo waleekeen oo Muslina ayaan hubkii ku wareejiyey, waxaanse kuu sheegaya wadadii saxaabiinkagii reer Galkacayo ee Cabdilaahi Yusuf marey ayaa ku huran ama meydkaaga Muqdisho la jiidjiid. Aniga Africanka i waardiyeeya Dal baa soo direy oo ay ka yimaadeen. Waxaase cajiiba nin Afka duuban oo dalkii uu ka yimid aan la garaneynin oo carruutaadii iyo maatidaadii qixinaya. Misana ku leh Muslin khaalisa oo diin iyo xaq ku taagan ayaan ahey. Aweysow wixii dhaca waa adiga iyo kuwaa afka duuban dumadiina.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this