Sign in to follow this  
AYOUB

HABAARKA DIGAAGU KUMA DHACO DHUURYADA

Recommended Posts

AYOUB   

HABAARKA DIGAAGU KUMA DHACO DHUURYADA

 

Waxaa Digaag ah:

 

Laanta Soomaaliyeed ee BBC-da iyo ****sh Yuusuf Garaad, Kooxda Carta iyo Dhagarqabe Cabdiqaasim Salaad, Dhamaan Dagaal Oogeyaasha Somalia, Maamul Goboleedka ******nia iyo Dhagarqabe Cabdillaahi Yuusuf, Jabhad Ku-sheega ee ONLF, iyo Damiirlaaweyaasha inaga dhashay ee kaba leefka ah ee u adoomoobay Wanlaweynta dhaqanka xun ee danlaaweyaasha ahi.

 

 

Waxaa Dhuuryo(haad ka adag) ah:

 

 

Shacbiga Somaliland ee gesiga ah, Jaaliyada Somaliland ee firfircoon ee Qurbajooga ah, Guurtida Somaliland, iyo Jamhuuriyada Somaliland.

 

Su’aashuna waxa weeye:

 

 

1.) Waa maxay sababta ka dambeysa in xaqiiraada qaawan iyo beenta joogtada ah ee BBC-du iyo warbaahinta UN-ta ee IRIN ee ay hadh iyo habeen afuufayaan kuna liidka ah ummada iyo dalka Somaliland ay ugu guul dareysteen falalkoodaas foosha xun ee xaqdarada ahi?

 

 

2.) Waa maxay sababta ka dambeysa in xaasidnimada, baroobagaandaha diciifka ahi, ka daba niicleynta, ka daba lulashada jaahilnimada ahi, iyo ka daba tumida daasada madhan ee Wanlaweynta Somalia oo dhami iyo xulufadoodu ay kaga soo horjeedeen qadyada Reer Somaliland taaso hada quus joogta waxna ugaga qaadi kari waayeen jiritaanka Somaliland, mudada dhan 13-ka sannadood?

 

 

Hadaba, Sawaaxiligu waxay ku maah maahaan (u akhri sida far soomaaliga): Dua La Kuku Halimpati Mwewe; taaso marka loo turjumo Soomaali noqonaysa: Habaarka Digaagu Kuma Dhaco Dhuuryada (haad ka adagta); taaso haddii Ingiriisi lagu turjumo iyana noqonaysa: The Curse Of The Chichken Does Not Befall On The Eagle.

 

 

Maah maahdan Sawaaxiliga ahi waxay ku soo baxday sida hoos ku xusan:

 

 

Sida aad ula socotaan, digaagu cadow badan ayuu leeyahay sida xoorka, maska, iwm., hase yeeshee, cadowga koowaad ee digaaga waa dhuuryada ama haad ka adagta taaso aan digaaga wax iskaga tirin argagixisona ku noqotay. Dhuuryadu cabsi weyn bey ku haysaa digaaga naftiina wey isugu keentay waayo hab heer sare ah ayey wax u ugaadhsataa oo marba intay digaaga cirka kaga soo boodo ayey dhashooda yar yar hadba mid daftaa oo cuntaa. Sida keliya ee digaagu isku badbaadin karaa waa haddii ay iyagu hor arkaan dhuuryada intaan iyaga la hor arkin taasoo ku keliftay inay digaagu had iyo jeeraale cirka ka baadi goobaan dhuuryooyin si ay isu badbaadiyaan.

 

Marka ay digaagu arkaan dhuuryo hawada lalaysa, qaylo ayey ooda ka wada qaadaan iyagoo leh qu-qu-qa-qaaaq, qu-qu-qa-qaaaq........taasoo u dhiganta hayaay wataa dhuuryadii ee iska jiraay, markaasey digaagu cagaha wax ka dayaan oo meelo ay dhuuryada kaga gabadaan raadiyaan sida musaska, godadka, iwm., hase yeeshee, dhuuryadu ma weydo qaar meelay galaan la’ oo weli sii kabash kabash leh ama kuwo markoodi horeba meel banaan ah u foof tegay kuwaaso ay si dhib yar u dafto una cunto.

 

 

Marka dhuuryadu digaagad dafto lana duusho, ayaa digaagii kale oo dhami musaska iyo goobihii ay isku qarinayeen kasoo wada baxaan iyagoo cirka wada eegaya ayey dhuuryadi wax ka dishay ka daba qayliyaan iyagoo hadana leh qu-qu-qa-qaaaq, qu-qu-qa-qaaaq.......taasoo ay Sawaaxiligu u qaatey in digaagu habaarayo dhuuryada maadaama aaney si kale wax isaga celin karin.

 

 

Hadaba, markii Sawaaxiligu u fiirsaday colaada u dhaxaysa digaaga iyo dhuuryada, ayaa waxay isku raaceen in habaarka digaagu aanu ku dhicin dhuuryada waayo wataa dhuuryadu sii najaxayso ee ilaa iyo maanta hadba digaagad hawada kaga soo boodayso ama dafeyso welina cunayso; sidaaseyna maah maahdani ku soo baxday.

 

 

Sidaas daraadeed, markii Dhuuryada Somaliland aayaheeda ka tashatay ee ay hadba arrin muhiim ah soo dafeysay khaas ahaan aasaaskii SNM, Halgankii hubeysnaa ee aanu kaga adkaanay rigiimkii fashiistaha ahaa ee hororkii haligmay ee Siyaad Bare, Shirkii Burco ee 1991 ee beelahi Sanaag Bari iyo Sool saamaxaada balaadhan loo fidiyey dhibadana loogu aasey gooni isu taaga Somaliland, Dhisiddii dowladdii koowaad ee marxuun Cabdiraxmaan Tuur, Shirkii Borame ee 1993 ee lagu soo dhisay dowladdii labaad ee marxuun Cigaal, Sameynta Dastuurka iyo Sharciyada dalka, Sameynta labada gole ee baarlamaanka, Laanta Cadaalada, iyo Madaxtooyada, Sameynta lacagta Somaliland, Xalinta dagaaladii sokeeye, Shirkii Hargeysa ee 1997, Hirgelintii Aftidii dalka ka dhacday, Aasaaskii asxaabta badan ee aanu Dimoqraadiyada dhibada ugu aasney, Xil wareejintii Dastuuriga ahaa ee Daahir Riyaale hogaanka dalka loogu wareejiyay ka dib geeridii marxuun Cigaal, Hirgelintii Doorashooyinkii Degaanada taasoo xisbiyadii badnaa ay isku kala reebeen kuna soo hadheen saddexda xisbi ee maanta dalka ka jira sida dastuurka ku cad, Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo M/Ku-xigeenka, iyo dhamaan dhisida iyo hirgelinta hawlaha kala duwan ee uu qaranka Somaliland fuliyo kuwaaso guul iyo gobanimo iyo horumar laga wada gaadhey.

 

 

Hase yeeshee, Digaagii Somalia iyo xulufadoodu khaas ahaan BBC-da iyo Yuusuf Garaad, warbaahiinta runta ka fog ee IRIN, Dhamaan Wanlaweynta Somalia iyo xulufadooda dhoohan sida cagadheerta ONLF wey habaartamayeen oo waxay mudadaas dhan 22-ka sannadood (1982 - 2004) ee aanu marba arin xasaasi ah xasilinaynay ama soo dafaynay sidi habkii Mujaahid Harag Waafi, Alle ha u naxariistee, ayey intay indho xun xun inagu soo eegaan ayey qu-qu-qa-qaaaqdaas lahaayeen oo marba kabash kabash lahaayeen iyagoo shabakadahooda ku soo bandhigaya been abuur iyo qabyaalada sumeysan ee ay adeegsadaan; marna waxay isku qaadaan oo e-mail-lo iyo warbixiino diciif ahi ku faafiyaan dacalada aduunka sida xafiisyada UN-ta, EU-da, AU-da, Jaamicada Carabta, IGAD, Ururka Dalalka Islaamka, State Department-ka Mareekanka, Hay’adaha Caalamiga, Mudahaaraadyo fool xun, iwm., kuwaasoo ay ku wada guul dareeysteen waxna inaga qaadi kari waayeen waayo habaarka digaagu kuma dhaco dhuuryada; Somalilandna xaq bey ku taagan tahay guushana iyadaa leh guul darona waxaa leh Somalia iyo Wanlaweynta dhaqanka xun waayo xaasid weligii ma aflaxo.

 

 

Ugu dambeyn, waxaan ku boorinayaa shacbiga Somaliland inay nabadgelyadooda iyo dalkooda ilaashadaan daacadna isu noqdaan waxna wada qabsadaan cadowga gudaha iyo ka debedana meel uga soo wada jeestaan geedigana halkaa ka sii wadaan. Waxa hubaal ah in Wanlaweynta digaaga ahi aaney waxba inaga qaadi karin dalkana la aqoonsan doono ee yaanu inagu cadowga isu jebin waana inaanu isku duubnaano sidaasna beelaheena, dowladeena, iyo dalkeena ku badbaadino horeyna ugu socono ilaa iyo inta laga gaadhayo halka aanu hiigsanayno.

Guul iyo Gobanimo,

 

Reported By: Faarax Cali Jaamac,

Email: fjama022@uottawa.ca

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Guys, I don't understand, is this is Somaliland PR website, why should such people can post whatever they like in the name of freedom press.

 

I hope that the ADMIN should ban such people whose jobs are to say i'm better than the others, while the reality is that they're the worst at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

 

Marka dhuuryadu digaagad dafto lana duusho, ayaa digaagii kale oo dhami musaska iyo goobihii ay isku qarinayeen kasoo wada baxaan iyagoo cirka wada eegaya ayey dhuuryadi wax ka dishay ka daba qayliyaan iyagoo hadana leh
qu-qu-qa-qaaaq, qu-qu-qa-qaaaq
.......taasoo ay Sawaaxiligu u qaatey in digaagu
habaarayo
dhuuryada maadaama aaney si kale wax isaga celin karin.

loooooooooooooool dang! I see the frustration (no recognition) and shifting the blame to others. It will be alright guys waa la iska heshiin doonaa I'A.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Sahal:

I hope that the ADMIN should ban such people ..

Sahal the topic is: HABAARKA DIGAAGU KUMA DHACO DHUURYADA How ironic! The writer summed it up when he said: intay indho xun xun inagu soo eegaan ayey qu-qu-qa-qaaaqdaas lahaayeen oo marba kabash kabash lahaayeen iyagoo shabakadahooda ku soo bandhigaya been abuur iyo qabyaalada sumeysan ee ay adeegsadaan; marna waxay isku qaadaan oo e-mail-lo iyo warbixiino diciif ahi ku faafiyaan dacalada aduunka

 

Baashi

Have you written to the US Senetors yet? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Ayoup The reality is that u cann't rule youreselves you need Wanlaweyn people for many reasons from politic to the down homework :D .

So wait us until we gain some agree in Nairobi and we'll come.

don't be panic, because it's some proceess and we will finish soon. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this