Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiyaha Baaarlamaanka iyo Gudoomiyaha Ucid oo shahaado sharafyo lagu gudoonsiiy

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiyaha Baaarlamaanka iyo Gudoomiyaha Ucid oo shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyay dalka Finland.

Helsinki(Ramaas) Feb.16, 2010 - Labada gudoomiye oo beryahanba safaro shaqo ku maraayay wadamada yurub iyo kuwa barwaaqo sooranka ayaa kulan xogwaran ahaa oo ay la yeesheen 13.2.2010 dadweynaha iyo suxufiyiin reer finland ah ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay kulankaas shaahdo sharafyo lagu xusay heerka ay ka qaateen iyo halganka ay ugu jiraan dimuqraadiyada, nabada iyo aqoonsiga Somaliland.

 

 

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Horn Organisation for Peace and Democracy isagoo la kaashanaya odayaasha iyo dhalinta reer Somaliland ee Finland waxaa ka soo qayb galay dadweynaha Somaliland ee Finland rag iyo dumarba, dhalin iyo dhalaan, odayaal, waxgarad iyo wadaado intaba, waxaa kaloo goob joog ka ahaa saxaafada Finland iyo marti sharaf kaleba.

 

 

Kulankan waxaa furay Gudoomiyaha Horndemocracy Dr. Maxamuud Maxamed kuna soo dhaweeyay Xuseen Sulub oo ayaado quraan ah ku bilaabay kulankan. Waxaa mar kale mikrafoonka la wareegay Dr. Maxamuud oo u mahad celiyay dadweynihii kulankan ka soo qayb galay, kuna soo dhaweeyay Mudane Ing. Faysal Cali Waraabe,gudoomiyaha xisbiga Ucid ahna musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid.

Waxaa uu Faysal ka xog waramay waxyaabahii uu kala soo kulmay baarlamaanka yurub isagoo sheegay in si fiican loogu soo dhaweeyay halkaasi, haday ahayd jaaliayada Somaliland ee Brussel iyo baaralmaanka yuruba, waxaa uu gudoomiyuu halkaasi kula kulmay xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka yurub kana wada hadleen arimaha Somaliland iyo sidii wada shaqayn joogtoa ah ay u yeelan lahaayeen.

 

 

Waxaa kaloo Faysal ka waramay qorshaha xisbiga Ucid uu dalka ku maamuli doono hadii uu talada wadanka qabto, taasi oo sau,aalo badan laga weydiiyay, kuwaasi oo uu gudoomiyahu ka jawaabay.

Intaa ka dib waxaa mikrofoonka lagu marti qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu gudoomiyahu ka waramay mudadii uu baaralamaanka madaxda ka ahaa waxyaabahii u qabasoomay iyo arimaha doorashada Somaliland oo labada gudoomiyeba ku qanciyeen dadwaynahii kulanka ka soo qayb galay inay doorashadu wadanka ka dhacayso oo komishanakuna ay hawlahoodii ku guda jiraan.

 

 

Dahlinyarada reer Somaliland oo uu hadalaayay gudoomiyaha ururka dhalinyarada LANDERS Ismail Yussuf Xaluulad ayaa isaguna halkaasi ka soo jeeday waxqabadkooda uguna baaqay inay isutagaan dhalin ta Somaliland oo ay wax wada qabsadaan. Intaa ka dib ayaa xildhbaan Roda Xasan oo ah xildhibaan golaha deegaanka magaalada Turku ahna gudoomiye ku xigeenka Horn Democracy ay la wareegatay hadalka iyadoo sheegtay halka Somaliland ay ka liidataa inay tahay inaan dumarka kaalintoodii laga siinin maamulka dalka iyo xisbiyada midnaba, ayna tahay in xisbiyadu ay ku dadaadlaan sidii sinaan loo heli lahaa oo dumarka qaybtooda uga qaadan lahaayeen dhisida dalkooda hooyo, iyadoo sheegtay in sharafta dalkaagu ay adiga wax kaa dhigayso hadiise aadan dal fiican lahayn aanad sharaf yeelanayn sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in dalka wax kastoo loo qaban karo loo qabto mucaarad iyo muxaafidba.

 

Waxaana qadar daqiiqado ah la galay nasasho iyadoo hakaasi lagu cunay laguna cabay cuno fudud , cafee iyo shaah ay marwooyinka Somaliland ku soo dhaweeyeen dadweynii shirkaasi ka soo qayb galay.

Waxaana la galay qadar su,aalo iyo jawaabo ah oo dadweynaha iyo madaxdu halkaasi isku weydaarsadeen.

 

 

nfodi8.jpg

 

 

o0bixc.jpg

 

 

Waxaana madaxdan gaar ahaan musharaxa madaxweynaha loo soo jeeday talooyin wax ku ool ah, odayaashii iyo dadweynihii halkaa ka hadlay waxaa ka mida ahaa Saleebaan Maxamuud Guuled (Saleebaan dheere),Oday Hangool,Oday Cabdillahi Xasan iyo dhalinyaro reer Somaliland ah.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa madaxda qaranka la gudoonsiiyay shahaado sharafyo kuwaasi oo uu gudoonsiiyay Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan, madaxduna ay uga mahadceliyiin dadweynaha reer Somaliland ee Finland kulankan qiimaha badan iyo taageerada joogtada aha ee dadaweynahani la garab taagen yihiin ummadooda iyo dalkoodaba.

Mahad alle

Horn Democracy

Helsinki, Finland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this