Sign in to follow this  
General Duke

TFG laughs of fake agreement....reason

Recommended Posts

DFKG oo beenisay Heshiiska ay wada gaareen Itoobiyaanka iyo Odayaasha ******.

 

Muqdisho:-Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somalia Max’ed Max’ud Ghacma Dheere ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo xukuumadu gtahay oo dhex maray ciidamada Itoobiya iyo Odayaasha ******.

 

Dowladda KMG lama socoto Wax heshiis ah oo lala galay dowladda ama Itoobiya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka KMG ah oo sheegay inaysan marna heshiis la galayn kooxaha uu ku sheegay arga gixiso.

 

Kooxaha naga soo horjeedaa waxay ku qaraabtaan shaarka ******,waxaanse ognahay inay ka mid yihiin arga-gixisada caalamiga,mana soconayso inay Shaar ****** wax ku kharribaaan ayuu mar kale yiri Mr.Gacma Dheere.

 

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in Odayaal sheeganaya inay beelaha ****** matalaan ay heshiisyo iyo kulamo ay la qaataan ciidamada Itoobiyaanka iyagoo is hilmaansiinaya dowlada Somalia oo iyadu ku howlan howlaha umadda ay matasho waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Gamca Dheere wuxuu ugu danbeyn ugu baaqay wax garadka beelaha ****** iyo cid walba oo DFKG ka cabanaysa inay u yimaadaan si la isula meel dhigo,khilaafka u dhexeeya dowlada iyo iyaga.

 

 

 

Xarunta Wararka ee Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: "Wax heshiis ah oo aan og soonahay ma jirto oo lala galay dowladda KMG ama Itoobiya" Wasiirka arrimaha gudaha

4. April 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud "Gacma Dheere" ayaa sheegay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya aysan wax heshiis ah la gelin kooxaha ka soo horjeeda ee maalmahan dagaalada kula jiray ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda.

 

"Wax heshiis ah oo aan og soonahay ma jirto oo lala galay dowladda ama Itoobiya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gacma Dheere oo intaa raaciyay in halkii heshiiska uu ka dhacayey aysan joogin dowladda KMG.

 

Gacma Dheere ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha ka soo horjeeda aan la oran karin waa qowmiyada ******, balse ay yihiin wax uu ku sheegay argagixiso lagana yaabo in ay ku jiraan xubno yar oo hugsan shaarka ******.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa ku eedeeyay beelaha kooxaha ka soo horjeeda dowladda in aysan aqoonsaneyn dowladda oo heshiis ay la galeen saraakiisha ciidamada Itoobiya, taasina aysan iyagu wax dhibaato ah ku aheyn hase, ahaatee dowladdu qorshaheeda aysan hakad gelin doonin arimahaasi.

 

Gacma Dheere ayaa horay ugu baaqay waxgaradka beelaha qaar ee ka soo horjeeda dowladda in ay dowladda u yimaadaan si wada hadal ay ula galaan hase ahaatee ma jirto weli wada hadal dhex maray dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiisyada ay wada gaareen saraakiisha Ethiopia iyo kooxaha kacdoonka wada maxaa ka run ah???.

 

Kooxaha dawlada ka soo horjeeda ayaa ku guulaystay inay bahdilkii ugu xumaa u gaystaan dawlada kadib markay sitoosa ula xirteen saraakisha Ethiopia ee ku sugan Muqdisho iyagoo xiligii ay doonaan dagaal la gala sidoo kalana nabad la saxiixda markay damcaan xabad joojin, iyadoo wax qaymayn ah iyo tixgalina aan laga siin Dawlada Somalia oo madaxdeedii ugu saraysay ay ku sugan yihin Muqdisho, hadaba su’aalaha lays waydiin karo ayaa ah, Waasee Xiriirka Dawlada iyo Saraakiisha Ethiopia?, Maxayse Saraakiisha Ethiopia xiriirka tooskaa ula sameeyaan Kooxaha kacdoonka wada?.Mise Ethiopianku cida kaliya ee ay aamineen dhib iyo dheefba waa kooxaha rabshadaha wada??!!!.

 

Hadaba hadaan siday u kala horeeyaan u galo qodobadan marka koobaad Dawlada Ethiopia saraakiisheeda ku sugan Muqdisho waxay sitoosa amarka uga qaataan Addis ababa iyagoo ka sir iyo hawlgal duwan Dawlada somalida sidoo kalana marar badan weeraro ku qaaday meelo ay naf tooda uga baqeen in wax lagu yeelo sidoo kale xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dawladu aad ayuu usareeyaa marka dhinacyo badan laga eego sida iyagoo si toosa ay isugu dhafan yihiin ciidamada labada dhinac waa Ehtiopia iyo Dawlada FKS.

 

Waxay sidoo kale dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin dawlada somalida oo iyadu dhabarka uridatay kharashaadka ciidamada ay u yeeratay wallow dhinaca qalabka Military ay ka helaan dalkooda Ethiopia.

 

Qodobka kale oo ah sababta Saraakiisha Ethiopian ku ula sameeyaan xiriirka tooska Kooxaha kacdoonka wada ayay dadku u fariseen siyaabo kala duwan iyadoo dadka qaar ku macneeyeen in hoos ay kawada socdaan dawlada iyo saraakiisha Ethiopian ka heshiisyada ay saraakiisha Ethiopia lagalaan kooxahana ay dawladu la socoto iyadoo ay yihiin heshiisyadaasi kuwo xeel dagaal ah ethiopiana ay gasho markasta oo ay diyaarinayso qorshe kale oo ay ku badalayso xeesha dagaal ee ay markaasi wado ama ay ugu diyaar garoobayso dagaal kale oo ay qaado.

 

Qodobka ugu dambeeya ayaa ah in dadka siyaasada indha indheeyaa qabaan in Xukuumada Addis ababa aysan aaminsanayn inay kooxaha wax rabshaa yihiin kuwa kaliya ee wax laga waydiin karo Somalia balse ay siwayn uga go’an tahay ciribtirka kooxahan iyagoo marnaba aan cid ku aaminin soo afjarida hawlaha kooxahan ay wadaan sidoo kale xukuumada addis ababa waxay siwayn isha ugu haysaa in heshiis ay kooxahani la galaan dawlada

Share this post


Link to post
Share on other sites

The point, the last four days was devestating for the clown court millitia, the talk of ceasefire is from one side, no single Ethiopian, Ugandan or TFG official has signed it or spoken on it.

 

The collection of dead and the safe passages for the civilians means only that the second phase will begin soon in clearing out the city..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

So the Ethiopian scrambled to send hundreds of their troops from Somalia, for a defeated group? The Ethiopian left some of their bases because they had defeated the group?As i understand the two warring parties were right infront of each just two days ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^I presume you mean me? Why is the TFG not announcing the 'defeat' if it is so? Very little they seem to be saying regarding the results of the battles.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The point, the last four days was devestating for the clown court millitia, the talk of ceasefire is from one side, no single Ethiopian, Ugandan or TFG official has signed it or spoken on it.

 

The collection of dead and the safe passages for the civilians means only that the second phase will begin soon in clearing out the city..

Share this post


Link to post
Share on other sites

GeelJire, you seem not to undertsand the scope of the clean up operations.

 

The city will be cleaned up house to house searches, the gun market the time of voluntery pleading with clowns is over.

 

As for the troop movements, it only highlgihgts the seriousness of the matter, more boots on the ground, Ethiopoian, Ugandand, TFG and soon more African troops.

 

GeelJire, who signed for the otehr side if there is an agreement?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, I gave the franks answer. The Ethiopian troops take orders and direction from the TFG, they will not sign any agreement with this group as the TFG wants no agreement, simple really.

 

Even the clown media is reporting more troops moving towards Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo sheegay inaysan aqoonsanayn heshiiskii dhex maray...

 

Posted to the Web Apr 04, 12:24

 

Muqdisho (PP) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) oo uga warramay saxaafadda sida ay dowladda Soomaaliya u aragto heshiiska dhex maray xubno ka tirsan beelaha ****** iyo saraakiisha Ethiopian-ka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin heshiiskaas.

 

Gacmo-dheere; wuxuu sheegay in aysan jirin wax heshiiskaas ay ka ogtahay dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan aqoonsanayn dhammaantiis, waxaana uu ku tilmaamay in heshiiskaas uu yahay mid aan dhaqangalayn.

 

“Dowladda Federaalka wax ay ka ogtahay heshiiskaas ma jirto, waxaase sheegayaan in uusan dhaqangal noqon Karin heshiiska la sheegay inuu Muqdisho ku dhex maray Ethiopian iyo ****** inta ay dowladdu ansixinayso oo ay aqoonsanayso” ayuu yiri Gacmo-dheere.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadayso howlgallada ay ku doonayso inay ku sugto ammaanka Muqdsiho, wuxuuna sheegay inay la dagaalamayaan kooxo uu ugu yeeray inay xiriir la leeyihiin shabakadda Al-Qaacida oo ka tirsanaa Maxkamadihii Midoobay.

 

“Dowladdu waxay sii wadaysaa howlgallada ay ku nadiifinayso kooxaha xag-jirka ah ee Muqdisho dagaalka ka wada, mana dhacayso inuu joogsado howlgalka ay dowladdu waddo inta ay kooxahaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), wuxuuna intaas ku daray: “Ciidammada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho waa kuwo ku shaqeeya amarrada dowladda, mana dhacayso inay heshiis dhab ah la galaan kooxo aysan dowladdu waxba ka ogeyn, inkastoo ay dowladdu soo dhaweynayso wax walba oo heshiis loo arko ciddii wadda”.

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya lagu wargeliyay heshiiska ayna waddo qorshayaal ay kula hadlayso xubnaha beelaha ****** oo la sheegay inay xiriir la sameeyeen dowladda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
“Dowladdu waxay sii wadaysaa howlgallada ay ku nadiifinayso kooxaha xag-jirka ah ee Muqdisho dagaalka ka wada, mana dhacayso inuu joogsado howlgalka ay dowladdu waddo inta ay kooxahaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere),

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this