Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Hospital in Lasanod

Recommended Posts

Waxaa maanta laga furay magaalada Laascaanood isbitaalkii labaad ee ay magaaladu yeelato,isabitaalkaas oo ah isbitaal dhamaystiran oo ay yaalaan qalabka caafimaadka oo casri ah. Dr C/rashiid Maxamuud Cali oo ah agaasimaha guud ee dhakhtarka cusub ee magaalada Laascaanood oo maanta u waramay saxaafada ayaa ka warbixiyey hawlada uu qaban doono isbitaalku iyo sida loo qalabeeyey.

 

"Waxa uu ka kooban yahay 25 sariirood oo loogu talo galay jiifka bukaanka,waxaana si khaas ah loo tixgeliyaa dumarka iyo caruurta,wuxuu kaloo leeyahay isbitaalku qaybta dhalmada(Delivery department) oo dhamystiran,oo ku qalabaysan qalab casri ah,oo uu la socdo qalabka Ultra-soundka,oo ay hirgelisay hay'ada Manhal,waxaa kaloo diyaar ah qolkii qaliinka oo ku qalabaysan qalab casri ah,kaasoo lagu sameeyo qaliimada fudud iyo kuwa fududba,waxaa isna diyaar ah shaybaar casri ah,qalabka lagu baadho xaga wadnaha oo uu ku xidhan yahay qalbka kumbuyuutarka,kaasoo si fudud u sheegaya xanuunada wadnaha,waxaa iyaguna dhowaan na soo gaadhi doona qalabka raajadii(X-ray) iyo ambalaaskii isbitaalka"Sidaas waxaa yidhi Dr C/rashiid oo ka waramaya qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka kooban yahay

 

"Waxaa iyana qayb ka ah isbitaalkii qaybtii bukaan socodka oo ka jooban 5 qol,oo ay fadhiyaan dhakhaatiir halkaa diyaar ku ah,farmasiigii oo isna halkaas ku yaala oo ay yaalaan dawooyin tayo sare leh,iyo weliba ilaa 15 shaqaale isugu jira Midwife,iyo kalkaaliyaal caafimaad ah(Nurses),iyo weliba sidoo kale shaqqale u qaabilsan isbitaalka arimaha dhaqaalaha iyo maamulka guud."ayuu hadalkiisa raaciyey Dr C/rashiid oo balan qaaday inay dadka reer Laascaanood ka maarmi doonaan inay gobolo kale u aadaan arimo caafimaad,oo ay labada isbitaal ka heli doonaan dhamaan baahiyaha caafimaadka oo dhan.

 

Dr C/rashiid ayaa sheegay inay wada shaqeeyaan dhakhaatiirta kale ee ka hawlgala isbitaalkii hore ee magaalada,oo uu ugu horeeyo Dr Jirde M.Sugule oo hada hawlo dib loogu casriyaynayo isbitaalka ka wada,isagoo dhowaan ka soo guuray dhinaca Hargeysa oo uu mudo dheer ka hawlgeli jirey,isagoo iridaha u soo laabay xarumihii caafimaad ee uu ku lahaa magaalada Hargeysa,si khibradiisa uga faa'iideeyo dadka reer Laascaanood.

 

Dr C/rshiid ayaa sidoo kale sheegay inay wada shaqeeyaan dhakhaatiirta kale ee ka hawlgasha isbitaalada Boorama,Hargeysa,Burco iyo Xamarba,iyagoo kala tashada hadba sia ugu fiican ee la isaga kaashan karo hawlaha caafimaadka..

 

Si kastaba ha ahaatee isbitaalka cusub ee ay yeelatay magaalada Laascaanood ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatey shacabka reer Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

siduu farax macalin u sheegay, S/land marwalba waxay diyar u tahay una shaqaysa sidii aay u horumar u gadhsiin layad magalada lascanood.waxana markhati ah lacaqti shaqalaha ee dawlada laga jaray iyo mashruuci biyaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by TogaHerer:

siduu farax macalin u sheegay, S/land marwalba waxay diyar u tahay una shaqaysa sidii aay u horumar u gadhsiin layad magalada lascanood.

Sow adigii habaarayey Reerka uu Farax ka dhashay ,,, gormaad is badashey... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

Originally posted by Kamavi:

quote:Originally posted by TogaHerer:

siduu farax macalin u sheegay, S/land marwalba waxay diyar u tahay una shaqaysa sidii aay u horumar u gadhsiin layad magalada lascanood.

Sow adigii habaarayey Reerka uu Farax ka dhashay ,,, gormaad is badashey...
:D
xaji kala sar ONLF iyo Ogadeenka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^War hadaan kala saaro ,,,, beri adaa dhihi waa isku mid...

 

Xunjuf, buuri iyo qaad intaad daanka dhigatay maxaad dhaanto ku tuuratay? War reerku waa wada halyey codowgooda uun baa badan ,,,, adna waad ogathay... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this