Sign in to follow this  
Nationalist

New wars in Galgudud

Recommended Posts

Dagaal Maanta ku dhexmaray Deegaanka Guriceel Maleeshiyo Beeleed Ka Soo Jeeda Beelaha ********* Iyo Cayr

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ee gobolka galguduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta uu dagaal si kadis ah ugy qarxay deegaankaas.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka qarxay ka dib markii Gaari tikiniko ah oo ah loo yaqaan BEEBEE 14 oo laga lahaa degmeda Balanballe ay si qarsoodi ah ay dabceen inay ku kala gataan niman ganacsato ah oo ka seeda deegaanka Guriceel iyo koox aan lahayn mas'uuliyada Gaarigaas.

 

Waxaana ay gaarigii labadii kooxood ee rabay inay kala iibasadaan ay si qarsoodi habeenimadii xalay abaarihii 4:00 habeenimo Saqdii dhexe ay kala tageen degmeda Balanbale oo kala dhuumanayeen inay arkaan dadka Deegaanka Balanbale ee ay isku Beesha ka soo jeedaan kooxda la baxsaneysay BEEBEE-ga.

 

Hadaba markii uu waagu baryay Balanbale ayaa waxaa ka daba baxay kooxdii lafakaday gaariga, odayaal iyo ciidan raacdo ah kuwaas oo doonayay inay Gacanta ku soo dhigaan gaarigaan ay kooxda burcadi ah kala fakanayeen.

 

Odayaalkii Raacdada ahaa waxaa ay kaga dabatageen gaarigii ay raacadysanayeen Magaalada Guriceel, waxaana Halkaas ka qarxay dagaal lamo filaan ah oo u dhexeeya raggii raacdada ahaa ee raadinayay Baabuurka iyo Kooxdii Fakadka la ahayd dagalkan oo ka dhacay Magaalada gudaheeda waxaa uu Sababay Dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhimatay 4 qofood, waxaana ku dhaawacantay dad gaaraya 17 qofood, hasae ahaatee dadka dhintay ayaa waxaa ay ka soo jeedaan beesha degta Balanbale.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray deeganka guriceel waxaa ay sheegayaan in uu socdo dadaal lagu doonaayo sidii aysan arintu faraha uga sii bixi lahayn oo uusan udhicin dagaal hor leh, waxaana ay wali ay isku hor fadhiyaan labadii qolo ee ku dagaalantay gaariga meesha gaarigu yaalo ah oo bakhaaro ay leedahay shirkad ganacsi oo la yiraahdo Bader ee magaalada guriceel.

 

Wixii war ah oo kasoo kordho arintaan dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa insha allaah.

 

Said Mohamed Ali "Qodax"

Gedonet Central Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guriceel: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Maanta Guriceel ka Dhacay

- Wednesday, January 12, 2005 at 17:19

 

Guriceel (AllPuntland)- 3 qof ayaa geeriyootay 17 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii dagaal kharaar ku dhex maray laba malleeshiyood degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

 

Dagaalkaan ayaa ahaa mid u dhexeeya malleeshiyaad fariisimohoodu kala yihiin deegaanada Guriceel iyo Balanballe kuwaasoo dirirtoodu ku salaysan tahay muran u dhexeeyay maalmihii ugu danbeeyay oo sababay inuu gacan kahadalkan dhoco.

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ayaa sheegaya in gacan kahadalku uu ka dhashay kadib markii gaari tikniko ah oo noociisu yahay Bee Bee ay sheegtay maleeshiyada reer Guriceel inay kasoo iibsadeen deegaanka Ballanballe balse maleeshiyada reer Balanbale ayaa sheegatay inayan jirin wax iib ah oo ay soo iibsadeen gaariga.

 

Dagaalkan oo ahaa dagaal aad u kharaar ayaa saamayn ku yeeshay magaalada Guriceel ,ayadoo dagaalkuna uu ka dhacay bartamaha magaalada .

 

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada waxaa halkaasi lagu gubay gaari noociisu yahay xaajiyad oo ay maleeshiyaadkii dirirayay ay gubeen.

 

Gaarigii gacan kahadalka dhaliyay ayaa waxaa gacanta ku haya waxgaradka Guriceel oo ku dadaalaya in mar danbe uusan dagaal dhicin ayagoo taleefon u diray beelaha Balanballe inay wadahadallada arimahan lagu qaboojinayo kusoo biiraan.

 

Duhurnimadii maanta ayaa odayaal kasocda deegaanka Balanballe ay soo gaareen deegaanka Guriceel halkaasina ay ka bilaabeen wadahadallo ay la leeyihiin beelaha kale .

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland, Gaalkacyo

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugu Yaraan 6 Qof oo Ku Dhimatey & 22 kale oo Ku Dhaawacantey Dagaal Ka Dhacey Guriceel

Guriceel-11.January.2005 Ugu yaraan 6 Qof ayaa dhimatey 17 kalena way ku dhaawacmeen dagaal xoog leh oo maanta ka dhacey Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee Hubka dagaalka ayaa yimid ka dib markii laba kooxood oo ka soo kala jeeda Deegaanada Guriceel iyo Balanballe(********* iyo Cayr) ay isku qabsadee Gaari ka mid ah Gawaarida Dagaalka gaar ahaan Nooca loo yaqaan Beebe oo laga soo gatey Deegaanka Balanbal.

 

Dadka dhintey iyo ku dhaawacmey ayaa badankood waxay ahaayeen Dadleydii dagaalameysay walow ay jiraan warar sheegaya in Gaari Xaajiyad oo safar ahaa ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dad Rayid ah.

 

Wariye ka tirsan Idaacada SBC ayaa soo sheegaya in qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmey dagaal Kooxeedkaas la geeyey Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo qaar ka mid ah Xaalkooda caafimaad u yahay mid liita.

 

Duqeyda dhaqanka ee Deegaanka Guriceel ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayaan Beebihii xiisadu ka curatey iyadoo la filayo in xiisada la qaboojiyo isla markaana la isku yimaado Gogol Nabadeed oo looga fogaado xiisad iyo dhiig dambe oo halkaasi ku daata.

 

Maxamed Cabdi Bootaan

SBC Baladweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaari Beebe ah oo sababay dhimashada 4 qofood & dhaawaca 24 qof degmada Guriceel ee gobolka Galguduud

Guriceel

 

 

Bartamaha degmada Guriceel waxaa iska horimaad uu ku dhexmaray saaka maleeshiyooyin galbinayey gaari Beebe ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho & maleeshiyo kale oo ka soo horjeeday in gaarigaasi la iibsado, waxaana dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ka dhashay qasaaro dhisamasho & dhaawac ah.

 

Gaarigan Beebaha ah ayaa laga soo iibsaday ganacsade u dhashay beesha ********* , waxeyna warar aan la xaqiijin sheegayaan in gaarsigaasi uu soo iibsaday ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, iyadoo gaarigaasina soo gudbintiisa loo xilsaaray maleeshiyooyin isku dhaf ah oo ka soo jeeda beelaha ********* & Cayr, waxaana maleeshiyadaasi weerar kedis ah ku soo qaaday maleeshiyooyin ka careysan in gaarigaasi la iibsado, iyadoo iska horimaadkaasina ay ku dhinteen 4 qofood, waxaana tirada dadka ku dhaawacmay lagu sheegay in kabadan 24.

 

Dagaalka saaka ka dhacay Guriceel ayaa waxaa ku soo baxay waxgarad kala duwan oo ka soo kala jeeda beelaha dega Guriceel & Balanbale, iyadoo waxgarad-ku ay ka tashanayaan sidii laga yeeli lahaa xiisad dhalisay dhimashada & dhaawaca

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this