Sign in to follow this  
General Duke

Meet Puntland's fourth President: we must support our state

Recommended Posts

C/raxmaan Faroole oo ku guuleystay doorashada m/weyne ee P/land

 

Garoowe, Puntland, Somalia (Calanka.com) 08-Janaayo-09

 

Waxaa goor dhoweyd doorashada xilka madaxtenimo ee maamul goboleedka Puntland ku guuleystay musharaxa lagu magacaababo Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole, kaasoo ka guuleystay mushaxa kale ee la tartamayay isaga ee lagu magacaabo Ilka-Jiir

 

Madaxweyne xigeenka ayaa isana isla daqiiqado ka dib loo doortay Cabdi-Samad Cali Shire, kaasoo ey soo doorteen sida la sheegay gudiga doorashada Puntland.

 

Amaanka giid ahaan caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta ahaa mid aad loo adkeeyay, waxaana ey doorashada maanta bilaabatay xiliga markuu ahaa sideeda sibaxnimo.

 

Maamulkan cusub ayaa xilka kala wareegi doona maamulkii hore ee talada hayay uuna madaxda u ahaa Gen. Cadde Muuse Xirsi islamarkaana xilka hayay mudo afar sano ah.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by General Duke:

I like Gen Abdisamad.

That's convenient. smile.gif It does help when one likes their leadership.

 

PS Congrats to the rest of the team.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Genral duke thanks for the update this is historic election. Puntland's 4 th election. Congarates Mr Faroole Congrats to the people of puntland in general and Mr. President-elect Farole in particular.

 

 

Hiiraan Online

 

Thursday January 08, 2009 (HOL) - Pundlanders have voted for a new President and Vice President today. The new President and Vice President will lead the semi autonomous region in the north east of Somalia in the next four years.

 

Mr. Abdirahman Faraole has been elected the President, beating second place candidate General Abdulllahi Ilka-Jiir. Mr. Abdirahman got 49 votes of the 66 of votes in the Parliament while Ilka-Jiir received 17 votes in the second round of the elections which took place in the city of Garoowe, the capital of Puntland region.

 

The current President Mr. Ade Muse was also in the second round but

received only 8 votes. After the results of the elections were made public, thousand of supporters of the President-Elect came out on the streets to celebrate and show their support for the newly elected President.

 

The election of the President was followed by the election of the Vice President where Mr. Cabdisamad Ali Shire won over his rival candidate Mr. Suleiman Toosiye, marking the end of presidential election in Puntland.

 

It is important to note that election took place democratically and without any problems, a milestone in the evolution of democracy in the region

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe ka dhacaya damaashaad

Thursday, January 8th, 2009 at 4:13 pm

Horseed Media

Garowe-Puntland

 

Dareenka dadka ku nool caasimada ayaa ahaa mid aad u sareeya ka dib markii maantay lagu dhawaaqay in Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu ku guuleystay Jagada Madaxweynaha Puntland.

 

Guusha Madaxweyne Faroole ayaa aheyd mid dadka ku nool caasimada Puntland ee Garowe ay aad u soo dhaweeye Wadooyinka waa weyn ee Bartamaha Caasimada DGPL ayaa waxaa soo buux dhaafiyey Kumanaan dadweyne ah.

 

Boqolaal qof oo isugu jira rag,dumar iyo caruur ayaa waxa ay wadooyinka Caasimada ku soo mareen Socod dheer iyaga oo ku dhawaaqayey hadlo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha Cusub Dr.Faroole.

 

Dhanka kale Horseed Media ay Microphone-ka la dhex qaaday dadka reer Garowe ayaa waxa ay sheegeen in tani tahay mid Taariikhi u ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba.

 

Madaxweynaha Cusub Dr. C/raxmaan Faroole ayaa ugu dambeyntii waxaa dadkii ay isugu tageen guriga uu ka degan yahay Caasimada halkaas oo ay buux dhaafiyeen dadka aad iyo aad u fara badan iyadoo welina ay halkaas ku sii socdaan dad kale.

 

Doorashada Dr. C/raxmaan Faroole ayaa waxa ay noqneysaa mid taariikhi ah ka dib markii uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee Puntland yeelato kaas oo hela 49 cod oo ah Kalsoonida Barlamaanka Puntland oo Buuxda.

 

Magaalada ayaa weli waxaa laga dareemayaa dabaal degyada loo sameynayo Madaxweyne Dr. Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo hadalkiisii Labaad ka jeediyey Masaajid weyn oo kuyaala Magaalada Garowe ee Caasumada Puntland.

9. januar 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha Cusub ee Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole oo shalay ay baarlamaanka Puntland udoorteen Madaxweynaha Puntland sii maamuli doona 4-ta sanno ee nagu soo aadan ayaa maanta hadalkiisii labaad ka jeediyey Magaaladan Garowe ee Caasumada Puntland, isagoo hadalkan ka jeediyey Masjidkii uu Salaada Jimcaha maanta ku tukaday.

 

Madaxweynaha ayaa soo qaaday xaalado dhowr ah oo ka taagan deegaanada Puntland, wuxuuna diirada saaray xaaladaha qalafsan ee ka taagan deegaanada Puntland, lagana doonayo in uu dhayo Bilaha ama sannadaha fooda nagu soo haya, isagoo sheegay in uu si deg deg ah ku soo celinayo deegaanada ka maqan Puntland, isagoo aan ka dheeraan qodobkaasi.

 

Faroole wuxuu tilmaamay in uu meesha ka saari doono amaan la'aanta ka taagan gobalada Puntland, wuxuuna tibaaxay in uu dibu habeyn balaaran ku sameyn doono ciidamada amaanka ee dawladda Puntland, uguna yeeray Ciidamada in ay ka shaqeeyaan amaanka deegaanada Ismaamulka Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale soo qaaday arinta ay Caalamku qaatiga ka taagan yihiin ee Burcad Badeeda, kana qowlaysata Biyaha Puntland iyo Soomaaliya-ba, wuxuuna si adag usheegay in uu difaacayo Biyaha deegaanada Puntland uuna dagaal adag la gali doono Kooxaha Burcad Badeeda ah, ayna doonayaan in ay Maamulkiisu wax ka qabtaan.

 

Madaxweynaha Cusub ee shalay la doortay ayaa sheegay in uu Isbadal deg deg ah sameyn doono, kaasoo ay wada arki doonaan Bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland oo dhan, isagoo Isbadalkaasi sheegay in uu ku keenayo wada tashi iyo Cadaalad uu usameynayo 7 Gobal ee Puntland.

 

Warkan uu jeediyey Madaxweynaha Cusub ee Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa ku soo beegmaya xili ay deegaanada Puntland mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal ka soo horjeeda amaanka gobalka, markaasna dhibaato ba'an ku hayay socodsiinta howlaha kala duwan ee ka socday gobalada Puntland, inkastoo ay Maamulkii hore mudo badan isku dayeen in ay wax ka qabtaan xaaladaha gobaladan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheele.T..I don't trust Somali leaders period, even more so the ones with record. These men must give way to new generation or someone that hasn't been part of the gang. On positive, Cadde left without making a big fuss.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Che, adeer it does not matter what you trust, we will work with our leaders to better ousr people and state. We have no time trying to create some fake saint, they do not exist.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qado Sharaf uu u sameeyay Madaxweyne faroole Musharaxintii latartantay

 

Qado sharaftan oo ay ka soo Qeyb galeen Dhamaan Musharaxiintii u tartameysa Xilka Madaxweyne nimada DGPL masuuliyiin ka tirsna Dowladii hore Puntland Qaar ka mid ah Golaha Wakiilada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada PL iyo Laamaha Amaanka ayaa waxa soo agaasimay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Musane C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole .

Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole

 

 

Qado sharaftan ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiin farabadan oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Haatan ee Puntland C/Raxmaan Max’ed Faroole waxuuna u mahad celiyay Mudane yaasha Golaha Wakiilada “Waxaan u mahad celinayaa Mudane yaasha Golaha Wakiilada Puntland kuwas oo shalay aniga iyo saaxiibkey C/samad Cali shire Hogaaminta 4sano ee soo socota Maamul Goboleedka Puntland” Waxaa sidaasi ku hadaaqay madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Mudane Cali Cabdi Awaare oo ka mid ahaa Musharaxiintii la tartamay Madaxweynaha Ladoortay.

 

 

Qado sharaftaasi ayaa sidookale waxaa ka hadlay Qaar ka mid ah Musharaxiintii u taagneyd xilka Madaxnimada Puntland taasi oo uu ku guuleytay Madaxweynaha Cusub Wa C/raxmaan Faroole waxaana musharaxiintaasi ka mid ahaa Mudane Cali Cabdi Awaare waxuuna salaam dheer ka dib halkaasi ka soo jeediyay qudbad dheer taasi oo uu ugu mahad celiyay Madaxweynaha Cusub asagoo ugu hambalyeeyay Xilkan madaxweyne nimo oo uu ku guuleystay wauuna u balanqaaday in uu la shaqeyn doono.

 

Waxaana musaharaxiintii kale ee ka soo qeybgashay Qado sharaftaasi islamarkaana halkaasi ka hadlay ka mid aha musharixii hore Nuuradiin aadan Diiriye Iyo Musharaxin kale

Nuuradiin Aadan Diriye oo ka mid ahaa Musharaxiintii la tartamay Madaxweynaha Ladoortay.

 

 

Qado sharaftan uu sameeyay Madaxweynaha ayaa waxaa sidookale goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire Waxayna U dhacday Qado sharafta Sidii loogu talagalay .

 

Madaxda Ladoortay Ee Puntland

 

 

Cali Dhegjar

SBCInternational- Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha PL oo khudbeeyey Masjid

9 Jan 9, 2009 - 11:49:35 PM

 

Madaxweynaha MGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta [Jimce Jan 9] casuumaad Khado sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, qadadaasi oo ka dhacday Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, waxaana ka qeybgalay casuumaadaasi Xildhibaanada Baarlamaan iyo Musharaxiintii tartanka uu kaga guuleystay.

 

Md. C/raxmaan Faroole oo casuumadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada qadadani ay tahay in uu u mahad celiyo Golihii Wakiiladda PL kalsoonidii ay shalay siiyeen Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa iyo in mar kale ay dib isugu soo noqdeen Musharaxiintii u tartanmeysay xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee markii danbe cododka lagu kala haray, wuxuuna Faroole uu sheegay in Musharaxiinta ay ka shaqeynayeen dib u heshiisiinta iyo isbadal ka dhaca Puntland, isagoo ku tilmaamay doorashadii shalay mid Dimoqraadiyad, Musharaxiin kalena uu sheegay in ay tanaasuleen markii ay qiimeeyeen xaalada dalka.

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo hadal gaaban oo hambalyeyn ah ayuu sheegay in wax badan uu ka hadlay siyaasadda balse maanta hadalkiisa uu ku kooban yahay mid mahad celin ah oo uu u jeedinayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Musharaxiintii uu ka guuleystay.

 

Dhanka kale Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa maanta khudbad ka jeediyay Salaadii Jimcaha kadib Masjidka Saxaaba ee magaalada Garoowe, isagoo khudbadiisa ku saabsan xaaladda Puntland iyo sida wax looga qaban karo, wuxuuna sheegay in uu u istaagi doono sidii uu isbadal ugu dhalin lahaa dhinaca amaanka.

 

Waxaa uu ka hadlay Mr. Faroole dhibaatooyinka burcad badeeda iyo mida amni ee ka jirta deegaanada Puntland, isagoo in guud ahaan amniga bad iyo bari xoogga la saari doono sidii loo soo afjari lahaa dhibaatooyinkaasi.

 

Waxaa kaloo uu balan qaaday Madaxweynaha shalay loo doortay hoggaaminta Puntland in uu ka shaqeyn doono sidii horumar muuqda loo gaarsiin lahaa guud ahaan gobolada Puntland ay ka kooban tahay, wuxuuna Faroole uu sheegay in maamulkii hore uu wax badan ka qabtay horumarka bulshada inkastoo aan la gaarin meeshii la rabay.

 

Faroole wuxuu sheegay in hadii aysan shacabka la shaqeyn Dowladda aysan wax wadi karin, sidaasi darteedna wuxuu ka codsaday shacabka in ay noqdaan kuwo maalin iyo habeen u taagan la shaqeyn dowladda si howlaheeda ay u noqdaan kuwo hirgala.

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa tan iyo markii uu shalay ku guuleystay waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadanayey waxgaradka, siyaasiyiinta, Isimada, Musharaxiintii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka soo gaarayey halmbalyooyin.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen duke I told you ILka jir didn’t stand a chance now the maakhir folks don’t hold any post in puntland govt. Somaliland will give them a good post. Maybe gudoomiyaha Udub or so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this