Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Komishinka doorashada oo booqday badhan Sanaag.

Recommended Posts

Wefti ka Socda Komishanka, Xisbiyada, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Akaademiga oo Booqday Badhan

Written by Qarannews

Nov 10, 2008 at 06:45 PM

Ceerigaabo(Dham)-Wefti ka socda Gudidad Doorashooyinka Qaranka,Axsaabta,Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Akaademiga Nabada ayaa ka soo laabtay safar xaqiiqo raadis ah oo ay ugu kicitimeen degaamo ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag.

 

Weftigan oo ka tegay Hargeysa ayaa ujeedadad socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay xog sugan uga keeni lahaayeen sida ay uga suurta geli karto diiwaan gelinta codbixiyayaasha degaamadii aanay hore doorashooyinku uga qabsoomin.

 

Md Axmed Xaaji Cali Cadami oo weftiga ka mid ah ayaa xalay isagoo ku sugan magaala madaxada G/sanaag ee C/gaabo wuxuu khadaka telefoonka noogaga waramay waxayaabihii ay kala soo kulmeen safarkii ay ku tageen Degaamada Bariga[safarkaasi si guula ayuu ku soo dhamaaday waxanu ka koobnayn Komishanka,Sadexda Xisbi Qaran,Wasaarada Arimha Gudaha iyo Xubin ka soctay Akaademiga,Markaa meeshii la odhan jiray waa derbiga Berlin oo lagama gudbo waanu ka gudubnay nabad baanuna kaga soo noqonay dadkuna niyad wanaag bay noo mujiyeen wax kastaba ha tawdeen wacyi gelintu hawgu sii daraatee xaqa ay u leeyihiin inay is diiwaan geliyaan oo doorashaduna ka danabayso iyagoo aan cidna ku libaynayn inay ka qayb qaataan bay noo muujiyeen maca suladaankii guud ee mandaqada joogay oo habeenkii na casumay anagoo ugu tagnay xaruntiisa hadaaftimo wuxuna noo sheegay in wadanku nabad yahay aanuna u fasaxanahay halkii aad ka gaadhi kartaan oo tamartiinu tahay waad soo wada mari kartaan insha alaah wanaag mooyee dhibaato ku arki maysaan ayuu na yidhi sidiisii bayna noqotay waanuna ka soo noqonay iminkana waxaanu u baxaynaa dhinacii Koonfurta sanaag oo berto(Maanta) waanu kalahaynaa degmooyinkaa baanu soo maraynaa kolba intii waqtigu noo saamaxo ka dibna Sool baanu u gudbaynaa hadii ilaahy yidhaahdo] ayuu yidhi Cadami

 

Md Cadami oo sii sharaxaya muhimada uga weyn oo socdaalkooda ay ku tageen Gobolka Sanaag iyo Badhan wuxuu tilmaamay in dhulkii aan doorashadu ka dhicin[Maxaa ka suurta geli kara diiwaan gelinta mar hadii iminka sharci jiro oo qofku hadii aanu is diiwaan gelin aanu doorasho geli karin,In dadku tabaabulshaysto taa macanaheedu maaha in meeshii la tegyaba goob la siinayo anagu gudi qiimayn samaynaysa baanu ahayn nabad gelyada waa la qiimaynayaa,Xasiloonida mandaqada waa la qiimaynayaa dadka degaanka iyo wixii ay ku hadlaan waa la qiimaynayaa,Joogitaanka Ciidankeena waa la qiimaynayaa dhulkii hore doorashadu uga qabsoonta waa ‘’A’’ oo iyaga layskuma hayo, Ilaa Dhahar oo halaka ugu shishaysa waa la gaadhay nabad baanuna kaga soo noqonay alxamdulilah baanu leenahay]

 

 

Md Cadami oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha warar lagu baahiyey Internetka oo sheegaya in carqalad weftigu kala kulmay Degmada badhan wuxuu yidhi[Waa jeebkooda cidii warkaa sheegtay soo dhoweyn heerka ugu fiican ah ayaanu halkaa[badhan] kala kulanay dadku waa dadkayagii weliba anigu qariib kuma ihi hadii wax dhibaato ahi jiraan waa sheegi lahaa ,Carabtu waxay tidhaahdaa warku lama mid ah aragtida]

 

Ugu danbayntii Axmed Xaaji Cali oo ka waramaya dhinaca nolasha dadka degaanka ku dhaqan wuxuu sheegay in xiligan abaartii jabtay ka dib markii raxmaad ay halkaa ka da’een in kastoo ay jiraan meelo aanay roobabku gaadhin balse dadku ay wada daaqaan meelaha jimcoon waa arimha sahalaya in diiwaan gelintu meelo badan si fiican uga dhacdo ayuu yidhi Md Cadami.

 

Dhambaalnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this