Sign in to follow this  
Saalax

Beeralayda Iyo Reer Guuraaga Somaliland Oo Lagu Caawin Doono $6.5 Million Muddo Afar

Recommended Posts

Saalax   

Beeralayda Iyo Reer Guuraaga Somaliland Oo Lagu Caawin Doono $6.5 Million Muddo Afar Sanadood Ah

 

Hargeysa, (ceerigaabo.com) - Dadka Beeralayda ah iyo reer guuraaga ku nool Somaliland ayaa heli doona mashruuc caawimo ah oo wax ka qaban doona horumarka beeraha iyo xoolaha. Mashruucan oo uu maal geliyay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, International Fund for Agricultural Development (IFAD), waxa ku bixi doona lacag dhan $6.5 Million, taas oo ay fulin doonto hay’adda TRANSTEC.

 

“IFAD Waxay Ula Dhaqantaa Somaliland Sidii Dal Madax Banaan Oo La Mid Ah Dalalka Kale Ee Dunida, Mashaariicdiisuna Waa U Gaar” Dr. Nadim Khouri

 

Sida uu sheegay Dr. Nadim Khouri oo ah Agaasimaha bariga dhow iyo woqooyiga Afrika u qaabilsan IFAD, waxa Mashruucan ka faa’iidaysan doona 53,000 qoys oo ku nool gobolada Awdal iyo Hargeysa.

 

Dr. Nadim Khouri waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Wareysi khaas ah siiyay Haatuf, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxan aan halkan u imid qorshe si wada jir ah ay iskaga kaashanayaan Beeralayda Somaliland, IFAD iyo Sanduuqa Caawimada Quutal Daruuriga ee dawlada Belgium iyo weliba lacag ay iska soo ururiyeen Beeralayda Somaliland oo iyaga laftoodu ka qayb qaadanaya horumarka Beeraha dalkooda. Lacagta aanu ku maal gelinayno Somaliland waxay dhan tahay $6.5 Million Dollar. Mashruucani wuxu qaadanayaa 4 sanadood, taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan Beeralayda iyo reer miyiga Somaliland, waxanu qayb ka nahay Qaramada Midoobay. Meelaha ka faa’iidaysan doona Lacagta waxa ka mid ah Beeralayda yar yar, Kalluumaysatada iyo reer guuraaga iyo dadka aan dhulka haysan. IFAD waxay fahansan tahay in laga caawiyo dadka Beeralayda ah iyo reer miyiga siddii ay qodaal u qodan lahaayeen, xoolahooda u naaxin lahaayeen, Kalluumaysi u sameyn lahaayeen. waxa jiray mashruuc IFAD ka fulisay Somaliland oo dhamaaday laba sanadood ka hor, waxaanu qiimeynay mashruucii kaddibna waxanu bilaabaynaa mashruucii labaad. Waxa kale oo ka mid ah meelaha mashruucani xooga saari doono, horumarinta Beeraha iyo Xoolaha, Biyo saafi ah in la helo, caafimaadka xoolo dhaqatada iyo Beeralayda iyo maamul wanaaga bulshada ka faa’iidaysan doonta mashruuca”.

 

S: Guud ahaan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruucan waa imisa?

 

J: waa 6.5 Million Dollar.

 

S: Waa kuwee gobolada Somaliland ee ka faa’iidaysan doona mashruucan?

 

J: Mashruucan waxa ka faa’iidaysan doona labada gobol ee Awdal iyo Woqooyi-Galbeed (Hargeysa), waxa ka faa’iidaysan doona 318,000 qof , ama 53,000 qoys, oo degan 160 tuulo ama degmo oo ka tirsan labadaasi gobol.

 

S: Maadaama Somaliland tahay dal madax banaan, mashaariicda aad fulinaysaan ma u tixgelisaan siddii dal jira mise Somaliya ayaad ku dartaan?

 

J: IFAD waxay ula dhaqantaa Somaliland siddii dal madax banaan oo la mid ah dalalka kale ee dunida, mashaariicdooduna waa u gaar.waxan kuu sheegi lahaa, Somaliland waa meesha keli ah ee IFAD ka shaqeyso marka la eego dalkii la isku odhan jiray Somalia.

 

S: Mustaqbalka maxaad ugu talo gasheen inaad ka qabataan Somaliland?

 

J: mar kasta waxanu ku saleyn doonaa waxqabadkayaga kolba baahida dalka taala, inta dadka reer Somaliland aaminsan yihiin in aanu caawinayno oo aanu garab taaganahay anaguna waanu joogi doonaa.

 

S: Somaliland waxa ka dhacda abaar soo noq noqota, dadka reer guuraaga ahina inta badan waxay ka cawdaan biyo la’aan marka balayada iyo barkaduhu ka qalalaan, haddaba mashruuciina ma ku jirtaa in aad biyo xidheeno u sameysaan dadkaasi?

 

J: Haa, in la helo biyo saafi ah oo la cabo waa mid ka mid ah mashruucayaga, waxanu sameyn doonaa biyo xidheeno nadiif ah oo reer guuraagu ka cabaan xiliga abaaruhu dhacaan ama jiilaalkii, waxanu ka dhisi doonaa meelaha ku haboon, laakiin muhiimadu waxay tahay in dadka la baro siddii biyaha looga faa’iidaysan lahaa. Shalay (doraad) waxan tagay Abaarso, Taysa iyo Gabiley, waxan weydiiyay dadka halkaa ku nool waxay u baahan yihiin, waxay sheegeen inay aad ugu baahan yihiin biyo nadiif ah iyo dawooyin, markaa anagu mar kasta waxanu ahmiyada siinaa baahida dadka. Waxa ila socday Tawfiq Al Zabri oo IFAD u qaabilsan Somaliland, Rose oo iyaduna ka socota Sanduuqa Lacagta ee dalka Belgium, Dr.Mohanad Al-Assaad oo ah agaasimaha TRANSTEC oo fulinaysa mashruuca iyo Hans-Juergen oo isaga laftiisu ka socda TRANSTEC.

 

S: Ugu dambeyntii, maxay tahay fariinta aad u dirayso dadka mashruuca IFAD ka faa’iidaysan doona?

J: Waxan odhan lahaa ha ka imanina beeraha iyo miyiga, waayo dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ka imanaya beerahoodii iyagoo u soo dhaadhacaya magaalooyinka, sidaa darteed in dadku joogaan beeraha iyo miyiga, waxay ka mid tahay ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay IFAD

 

 

 

ceerigaabo.com

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

“IFAD Waxay Ula Dhaqantaa Somaliland Sidii Dal Madax Banaan Oo La Mid Ah Dalalka Kale Ee Dunida, Mashaariicdiisuna Waa U Gaar” Dr. Nadim Khouri

IFAD has completed four projects in Somalia. Since the collapse of the country's central government, the organization has chosen to concentrate its development operations in the northern regions of Somaliland and Puntland, where a relative degree of security is guaranteed.

 

IFAD continues to support agricultural development efforts in Somalia through small grants. The main focus of IFAD's operations in the country’s northern regions is to ensure food security in Somaliland and Puntland. In line with development guidelines established by the UNDP/WB Joint Needs Assessment of Somalia, activities focus on generating livelihood opportunities through livestock production (by increasing production and processing of livestock and dairy products and helping improve the export service sector), and agricultural production (by increasing and diversifying smallholder cash crop production, and developing irrigated and rainfed farming).

 

Verification from IFAD website can be seen below for those interested

http://www.ruralpovertyportal.org/web/ifad/operations/country/home/tags/somalia

 

PS: Sacad why do you do this to yourself? your people are liars bro, even your media. Wake up Sacad. How many evidences do you need to see this before you wake up?

 

Somaliland is not viewed as separate country as qaran tries to say, it is viewed as region among somalia just like puntland. So quit the posting of somaliland news sxb, this somalia forum where the intellectuals come and not the merfish smoking qowdhan on crack!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Sacad well why do you trust somaliland news when you can see their lying straight up? do you want somalis to join the snm in the big day-dream they are living for 20 years? We will not join you, nor do we want to the khat you been chewing because it has robbed your people of their SANITY!!!

 

Now we as somalis refuse the snm to rob us of our sanity thats all, so stop it sacad and get in line you know what the world views you as and dump qaran and those somaliland propaganda media because think about it why no other somali media sources their garbage because they knows its dangerously fake

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Cowke, don't worry about somaliland, worry about faroole lying to his people about the luutah company who was suppose to build the run away terminal airport properly, or the so called stadium of garowe, and the so called englargement of bosaso port, and the oil drilling where is all that hype? think before you try to throw stones from a glass house, i can post all the lies of puntland in here but i am not interested in your pirateland get the hint loser. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Sacad you know why I don't like Somaliland? Because they are trying to live a delusion and opposing my system of government "federalism" other then that I would not care for that qowdhan pisspot!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Sacad you know why I don't like Somaliland? Because they are trying to live a delusion
and opposing my system of government "federalism"
other then that I would not care for that qowdhan pisspot!!!

:D:D So u dont like Somaliland because we dont want to be part of TFG :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaji yes because I believe the federalism can solve somalia problem if people are only rational, for example when hamar is settled and the dust settles and regional administrations are formed in the southern states and the federal institutions are streghtened you know they are going to hargeisa and holding talks with them and about their representation. I just don't want hargeisa to stumbling block to peace in Somalia in the future when negiotations takes place.

 

The politicians from hamar will be very clear and concise with the somaliland politicians and tell them "Listen you have no support for your recognition, you have nothing to bargain with nor the right to make demands, you will be given what you deserve and nothing more because justice is paramount in keeping the peace" It's injustices that has brought somalia to where it is today and therefore repeating the same thing that brought us down is unwise.

 

The snm will be told they can keep their administration and their udubs and kulmiyes and can be president of hargeisa and a minister in hamar, what do they have to lose? nothing. They can keep their security also kind of like ismamulka somalida ethiopia that somalia will have states with that sort of capacity level.

 

They would be told that is best option for you as snm because u have awadalites who are only somaliland for riyale, you have a crisis raging in sool and sanaag, plus you have extreme divisions within the snm itself to the point they dont trust each other and trust an awdalite to be the leader. The dilemmas of burco will always be mentioned to them and how they are not really somaliland and evidences used such as silanyo speeches in the past and also burco currency as an example of why they dont trust hargeisa with controlling their business activities.

 

Once alot of daliil and pro's and con's are laid out to them and shown the lack of international support they have be it ethiopia/u.n/a.u/igad and also the domestic issues they have inside somaliland from border issues all the way up to snm intra conflicts, plus the solution of federalism and the guarantee they have nothing to lose because they will still keep their administration/security intact if they are reasonable and merfish high they will accept.

 

If they however don't accept it, then the president of somalia will have no choice but to appeal firstly to u.n/a.u/igad/ and even ethiopia to come in and settle this issue and ethiopia will tell riyale this is good deal take it and then its most likely going to be over and somaliland ppl can move forward without living dreams anymore.

 

I doubt their will be war between hamar or hargeisa for unity lol, we share the same ally be it tfg/punt/sland. They will simply referee for us an Since the tfg and punt and pretty much everywhere else in somalia are unionist the international community will see that union is the only option due to the fact that seccessionism is to outnumber to stand a chance to win a war against all these unionist on somalia soil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this