Sign in to follow this  
ansaar17

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo beeniyay War ay baahiyeen Warbaahinta Beenaaleyaasha

Recommended Posts

ansaar17   

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo beeniyay War ay baahiyeen Warbaahinta Beenaaleyaasha ah ee Gudaha Muqdisho ka hawlgala.

 

 

Nairobi,26,March-07 ( Qaadisiya.com) Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah ganacsatadii kaalinta muuqata ka qaatay kacdoonkii shacabka ee ku guuleystay nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar umadda jahwareer geliyay kaasoo oranayay in uu heshiis la galay dawladda maqaar saarka ah ee la shaqeysa gaalada ku soo duushay dalka.

 

Xaajiga oo waraysi siiyay idaacada BBC-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa si kulul uga jawaabay wararka beenta ah ee laga baahiyay, isagoo tilmaamay in aaney jirin wax heshiis ah oo uu la gaaray ragaasi marka laga reebo kulan iscafis ah oo dhex maray rag ay isku heyb ahaayeen oo ku jira dawladda maqaar saarka ah.

 

"Waa la yaabanahay waxa banaanada laga sheegayo heshiis ay gaareen, kadaa ay gaareen, yaa heshiis aan la gaaranaa yaase heshiis laga gaari karaa, waxaan ahaa kacdoonkii dadweyne ee ka dhashay Muqdisho iyo maxkamadaha taageeradoodii ayaan ahaa haddii wixii aan soo marnay oo Ilaahey noo sahlay nalaga jajabshay waan ka soo tagay" ayuu yiri Xaaji Abuukar oo caddeeyay mowqifka uu ka qabo heshiis la sheegay in uu la galay rag ku jira maamulka maqaar saarka ah ee Gaaladu ay ka dhisatay dalka Soomaaliya.

 

Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa ku baaqay in ciidamada xooga ku jooga dalka ay baxaan isla markaana loo daayo Soomaalida in ay ka taliyaan aayahooda, isagoo tilmaamay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho in uu u dhaxeeyo ciidamo ajaanib ah oo aan laga rabin dalka iyo dad ka soo horjeeda.

 

Xaaji Abuukar ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax heshiis ah la geli doonin raga hormuudka u ah ciidamada duulaanka ah ee dalka la soo geliyay, isagoo si cad u sheegay in uusan kaligiis ka talin karin masiirka umadda, balse ay u taalo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogtaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ganacsade Abuukar oo beeniyay in heshiis uu la galay dowladda

 

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 26, March.07 ( Sh.M.Network) Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa beeniyay in uu jiro heshiis uu la galay dowladda KMG ah ee Somalia, xilli xiisado dagaal ay ka taagan yihiin magaalada Muqdisho.

 

Ganacsade Abuukar Cumar caddaan oo u waramayay shabakada warbaahinta shabelle, isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxa uu warba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyo la sheegay in uu la galay dowladda KMG ah, balse uu la kulmay xubno uu ka mid yahay Ra'isulwasaare Ghedi, Max'ed Dheere iyo rag kale oo ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.

 

Xaaji Abuukar ayaa waxa uu sheegay heshiiska ay gaareen isaga iyo Ra'isulwasaare Gheedi uu ahaa mid beeleed isla markaana aanu aheyn mid dowladeed, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay waxyaabaha ka dhacaya magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu ku tilmaamay odayaasha beelaha ****** ee haatan dadaalada nabadda ka wada caasimadda in ay yihiin dadkii taageeri jirey Maxkamadaha isla markaana haatan lagu dhibaateynayo magaalada Muqdisho.

 

Mar wax laga weydiiyay in uu ka qeybgalayo shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayuu sheegay in arinkaasi uusan u qorsheysneyn xilligaan.

 

Hadalka Xaaji Abuukar Cumar caddaan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii dowladda KMG ah danjiraheeda u jooga magaalada Nairobi Max'ed Cali America uu sheegay in heshiis uu dhex maray dowladda KMG ah iyo Ganacsade Xaaji Abuukar oo gacan saar la lahaa golihii Maxkamadaha islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xaaji Abuukar Cadaani Oo Codsi Geedi Uga Yimid Shardi Ku Xiray

Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version

 

 

Cali Maxamad Geedi, Maxamad Dheere iyo Salaad Cali jeele oo kulan aan lasii qorshaynin oo kedis ah ugu tegey Xaaji Abuukar Cadaani ayaa Xaajiga ka codsaday in

 

ay iska cafiayaan gefkii ay ka galeen iyagoo garwaaqsaday in ay Xaajiga ka gardardaaneeyeen waalidkood ka wayna uu yahay oo uu iska cafiyo. Waxay kaloo Xaajiga ka dalbadeen inuu dib u heshiisiinta Soomaalida ka qaybqaato

 

 

 

Xaajiga ayaa ragas u sheegay inuusan haatan wax danbi ah oo gaar ah uusan u haysanin uuna iska cafiyey. Xaajiga ayaa sheegay inuu weligiis diyaar u ahaa ka shaqaynta maslaxadda umadda Soomaaliyeed haatana u diyaar u yahay, laakiin shardiga taa ku xiran ay tahay in ciidanka Itoobiya Soomaaliya laga saaro, Soomaalidana arrimaheeda loo daayo oo ay si madaxbanaan uga tashato.

 

Gabagabadii kulanka ayaa Cali Geedi wuxuu Xaajiga ka dalbaday in ay sawir wada galaan, laakiin Xaaji uu arrinkaas ka diiday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this