Sign in to follow this  
Scientist

SHARIIF DISEASE SPREADS TO SOMALILAND

Recommended Posts

Talaado, November :Xubnaha cusub ee Golaha Baarlamaanka Somaliland oo maanta kulankoodii ugu horeeyay qas iyo fowdo ku bilowday Waxaa maanta kulankii ugu horeeyay ee kalfadhigooda koowaad magaalada Hargeysa ku yeeshay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka cusub ee Somaliland, kuwaasi oo dooran lahaa shir guddoonkooda, hayeeshee halkii laga filayay in ay arrintaas dhacdo wuxuu kulankii maanta noqday mid ku soo idlaaday qas iyo fowdo.

 

Kulankii maanta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee Mucaaridka Md. Feysal Cali Waraabe iyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Ugu horeyntiiba waxaa shirka ka hadlay Madaxweyne Riyaale oo ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha looga baahan yahay Xubnaha Baarlamaanka sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay, kadibna waxaa xubnihii Baarlamaanka si dhib yari ah u dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Feysal Xaaji Jaamac Geedi, iyadoo kadibna loo gudbay in la doorto shir guddoon KMG ah.

 

Waxaa nasiib u helay in uu shir guddoon KMG ah noqdo Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere), kaasi oo loo gartay in uu ahaa ninka ugu da'da weynaaday 82ka Mudane ee Baarlamaanka Somaliland, kaasi oo weliba ka soo jeeda Xisbiga talada haya ee UDUB. Mudane Dhaadheere markii uu daqiiqo kooban hadlay, isla markaana uu ka mahadceliyay xilkii loo doortay ayuu ku dhawaaqay in shirka uu xiran yahay, isla markaana ay Mudanayaasha shir kale isugu yimaadaan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

 

Hadalkaas ka soo yeeray Shir guddoonkii KMG ahaa wuxuu keenay in ay mudanayaashii xisbiyada Mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid ay ka soo horjeestaan, isla markaana ay miiska garaacaan, iyagoo dalbanaya in aan shirka loo kala kicin, isla markaana la guda galo doorashada shir guddoonka Baarlamaanka.

 

Talo faraha ayay ka baxday, goobtiina waxay noqotay mid buuq iyo sawaxan uu hareeyay, sidaas darteedna waxaa shirkii isaga baxay Mudanayaashii UDUB, iyadoo goobtiina ay kaliya isugu soo hareen 49-kii Mudane ee Xisbiyada Mucaaridka, kuwaasi oo dhaqsiba iska dhex doortay shir guddoon KMG ah, kaasi oo loo gartay Prof. Maxamed Cumar Jiir, kadibna waxay mudanayaashii sii doorteen Guddoomiye ka soo jeeda UCID iyo labo ku xigeen oo iyana ka soo jeeda Kulmiye.

 

C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland, halka ku xigeenadiisana ay noqdeen C/Casiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Cadde, inkastoo doorashadaas aysan ka qeybgelin 33-ka Mudane ee Xisbiga UDUB.

 

Waxaa xusid mudan in intii ay doorashada socotay ay ciidamada Booliska Somaliland gudaha u galeen halkii shirka ka socday, isla markaana ay amar ku bixiyeen in shirka lagu kala tago, inkastoo ay mudanayaashii oo qaab gacan taag ah wax u dooranayay ay howshoodii iska sii wateen, iyagoo laga maqlayay qaarkood ereyo ay ka mid ahaayeen "booliska haddii uu doono hana dhameeyo annagu joojin meyno shirka".

 

Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheer) oo ahaa shir guddoonkii KMG ahaa ee ku dhawaaqay in shirka uu xiran yahay oo BBC-da u waramayay ayaa sheegay in doorashadaas ay ahayd mid inqilaab ah oo sharcigii lagula tuntay, heybaddii dastuurkana wax loogu dhimay, isagoo sababtii uu shirka u xirayna ku sheegay xiligii salaaddii duhur oo la taagnaa iyo iyadoo mudanayaasha dhexdooda ay xaalad ammaan darro ka muuqatay, halka Guddoomiyaha ay doorteen Xisbiyada Mucaaridka C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) uu isna ku doodayo in ay doorashadaas ahayd mid xaq ah, isla markaana si aqlabiyad ah lagu doortay, iyadoo weliba uu buuxay kooramkii loo baahnaa oo dhan 42 Mudane.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee seddex doorasho oo qaab Dimoqraadi ah uga dhacday Somaliland sanadihii aynu ka soo gudubnay kadib ma ahayn wax laga filayay Somaliland in ay ku soo leexato wadada ay ku socdaan Baarlamaanka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo horaantii sanadkan shir uu ku yeeshay Magaalada Nairobi iyadoo la isku buuqayo oo dagaalna dhacayo qaab gacan taag ah wax u ansixiyay, iyadoo haatana magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee ay ku kala sugan yihiin labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka dhacaan shirar go'aano lagu gaaro, kuwaasi oo aan loo heynin kooram buuxa oo go'aano Baarlamaani ah lagu gaari karo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this