Sign in to follow this  
Gabbal

The University of Southern Somalia at Baidoa

Recommended Posts

Gabbal   

Kulan Dhaqaale Aruurin ah oo loo Sameeyey Jaamacada Koofurta Soomaliya ee Baydhabo “the University of Southern Somalia @Baidoa”

 

Xaflad lagu taageeraayo Jaamacadda Koofurta Soomaaliya ee Baydhaba (Southern Somalia University at Baidoa) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio oo ay ka soo qeyb galeen dadweeyne aad u fara badan oo isugu jira culuma’uddin, aqoon yahano, odey dhaqammeedyo, haween, arday iyo dadwayne kale oo fara badan.

 

Xafladda waxaa lagu qabtay school ka mid ah schoolada soomaalida maamusho oo la yiraa Zenith Academy. Waxaa halkaa ku soo dhaweeyey martidii iyo dadkii ka soo qebgalay madax ka socota jaamicaadda koofurta Soomaliya oo meelo badan ka kala yimid iyo guddi hooose oo reer Columbus ah oo xafladda soo qaban qaabiyey.

 

 

 

Xafladda waxaa lagu furay aayado quraan ah oo uu akhriyey Dr. Mohamed Sambul, waxaana xiriirinaayey Professor Abdullahi Abdinoor. Waxaa warbixin jaamicadda aasaaskeeda, dhulka iyo dhismaha jaamicadda oo uu yaboohay marxuum Abdulkadir Mohamed Aden (Zoppo) ka jeediyey). Cabdiaziz Abukar Osman (Baffo Waxaa kaloo halakaa khudbado bogaadin ah ka soo kala jeediyey Malaaaq Mukhtar Mohamed Aden oo la dhashey marxuum Zoppo, Wasiirkii hore ee dowladii Soomaliya Xaaji Mohamd Nur Haji Omaroow, Dr. Hassan Ali Mire oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarshada, Axmed Hamuud oo matalaayey ganacsatada Ohio iyo Dr. Cali sacid Faqi oo ah aqoon yahan Soomali. Waxaa kaloo shirka ka hadeley Professor Omar Abdulkadir Eno oo ka hadley taariikhda waxbarashada gobolka iyo baahida loo qabo waxbarsho sare.

 

 

 

Xafladda waxaa ka soo jeediyey khudbad muhiim ah oo taabaneeysay abaabulka jaamicadda iyo dowrka Soomaalida qurbaha deggan, muujiyeyna sawiro iyo warbixin laga soo diray Soomaaliya Professor Cabdi Maxamed Kuusow oo ka mid ah aasaasayaasha Jaamicadda Koofurta Soomaliya ee Baydhabo. Dhaqaale uruurinta waxaa si sharaf mudan u hogaamiyey Dr. Cabdinur Sheikh Maxamed oo ka mid ah aqoon yahanada soomaliyeed oo deggan gobolka Ohio. Waxaa halkaa lagu uruuriyey lacag gaareeysa $35,000.00 oo Dollarka mareeyka ah (Soddon iyo Shan Kun oo dollar).

 

Maamulka Jaamicadda Koofurta Soomaliya waxay u mahadcelinaayaan dhamaan dadweynaha reer Columbus oo taageeradooda tahay mid ku dayasho mudan. Waxaa iyadana qabanqaabineeysa lacag uruurin noocaan oo kale ah dadka Soomaaliyeed ee deggan magaalada Portland ee gobolka Oregon oo madashoodu tahay maalinta Sabtida ee Bisha June 9keeda 2007.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this