Sign in to follow this  
BiLaaL

Ethiopia punishes civilians in rebel crackdown: group

Recommended Posts

BiLaaL   

NAIROBI (Reuters) - A U.S.-based human rights group accused the Ethiopian military on Wednesday of burning homes and forcibly displacing thousands of villagers in a campaign against separatist rebels in the southeastern ****** region.

 

Prime Minister Meles Zenawi announced a crackdown last month on insurgents in ****** who raided a Chinese-run oil exploration field in April, killing 74 people.

 

The ****** National Liberation Front (ONLF) is seeking more autonomy for its ethnically Somali region, bordering Somalia. Addis Ababa says it is a terrorist group bankrolled by arch-foe Eritrea.

 

Human Rights Watch (HRW) said soldiers had destroyed property, confiscated livestock and reduced recent harvests to cinders as part of an escalating crackdown on the group.

 

Quoting witnesses, it said in a few cases Ethiopian troops fired on and killed fleeing civilians.

 

"Whatever the military strategy behind them, these abuses violate the laws of war," HRW Africa director Peter Takirambudde said in a statement.

 

Ethiopian officials declined comment.

 

HRW accused security forces of being responsible for the arbitrary detention in the ******'s larger towns, particularly of family members of suspected ONLF insurgents.

 

It alleged Ethiopian troops killed 21 villagers on June 18, in Labiga village, south of Dhagahbur town, as they resisted military attempts to take their livestock.

 

HRW said Ethiopian authorities had blocked trade to ****** since June, squeezing food supplies to the remote region of largely nomadic herders.

 

HRW said ONLF fighters allegedly targeted two large gatherings in the towns of Jigjiga and Dhagahbur with hand grenades in May. The blasts and the crowd stampedes they caused killed 17 and wounded dozens including ******'s regional leader.

 

HRW said the ONLF, which denied responsibility for the attacks, has a record of targeting officials and clan leaders who refuse to support the insurgency.

 

"Civilians in Somali region are trapped between the warring parties," Takirambudde said.

 

"The Ethiopian government appears to be pursuing an illegal strategy of collective punishment of the civilian population, and the ONLF has targeted civilians for attack."

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

War bixin ku saabsan tacaddi ciidamada Ethiopia ay ka geysteen dhulka ismaamulka Somalida

 

Mogadishu 04, July 07 ( Sh.M.Network)-Warbixin ay maanta soo saartay hay'ada u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Right Watch oo nuqul ka mida la soo gaarsiiyey Shabelle ayey ku sheegtay in militariga Ethiopia ay si qasab ah ku barakiciyeen kumaan kun oo rayid Soomaali ah oo ku dhaqan bariga dalka Ethiopia todobaadyadii dhowaa, iyadoo ololaheeda ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa gooni goosadka ah ee ka dagaalama dhulka Soomaalida ee Ethiopia ee ONLF.

 

Hay'ada waxa ay leedahay labaduba; dowlada Ethiopia iyo jabhada xoreynta ********iya ONLF waa inay ilaaliyaan rayidka oo ay xaqiijiyaan inay galaan gal u heli karaan samafalka bani'aadnimo.

 

Gudaha gobolada Soomaalida ay degto ee bariga dalka Ethiopia ee loo yaqaan kililka Shanaad, militariga Ethiopia waxa ay weeraraan tuulooyinka, waxay barakiciyeen rayid ku dhaqnaa aagaga Wardheer, Qorahey iyo Dhagahbur iyo xitaa meelaha aan lagu aqoon in ay joogto ONLF.

 

"Ciidamada Ethiopia waxa ay burburinayaan tuulooyinka iyo hantida dadka, waxay la wareegaan xoolaha, waxay ku qasbaan shacabka inay guuraan," ayuu yiri Peter Takirambudde, oo ah agaasimaha xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch qeybta Afrika oo intaasi raaciyey "istiraatiijiyad kasta oo arrintan laga leeyahay waxa ay xadgudub ku tahay xeerarka dagaalka,"

 

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Human Rights Watch in ciidamaad Ethiopia ay gubeen ama ay ku amreen dad rayid ah inay ka tagaan tobaneeyo tuulooyin ah oo ku yaalley hareeraha magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabridahare iyo Wardheer.

 

Aaga Wardheer , dad badan oo ku deganaa dhul masaafihiisu dhan yahay 100 km ayaa lagu qasbay inay ka tagaan aqaladooda sababo la xiriira weeraro lagu soo qaaday tuulooyinkooda oo ay soo qaadeen militariga Ethiopia, kuwaasoo dagaalo ay dhexmaraan jabhada ONLF.

 

Tuulooyinka ku teesday magaalada Shilaabo ee aaga Qorahey iyo nawaaxiga magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Qabridahare ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay ololaha dagaal ee ay ciidamada Ethiopia kaga soo horjeedaan ONLF.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay gubaan guryaha iyo hantida oo ay ku jirto dalagii dhowaan go'ay iyo keydka kale ee cuntada ee loogu talagalay dadka rayidka, waxayna sidoo kale askarta Ethiopia ay la wareegaan xoolaha nool iyo iyadoo mararka qaar geysta dilal iyo barakacin rayid.

 

Ciidamada amaanka ee Ethiopia ayaa sidoo kale mas'uul ka ah xariga aan kala sooca laheyn ee ka dhaca magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan xariga loo geysto qoysaska la tuhmo in dadkooda ay ku xubno ka yihiin ONLF.

 

Magaalada Dhagaxbuur, ugu yaraan 20 qoys oo looga shakiyey inay qaraabo la yihiin ONLF ayaa lala wareegay geelooda .

 

18-kii bishii June, tuulada Labiga oo ku yaalla koonfurta magaalada Dhagaxbuur ayaa ciidamada Ethiopia waxaa la sheegay inay dileen 21 qof oo tuulo joog ahaa kuwaasoo madax adeygay markii ciidamada Ethiopia ay isku dayeen inay dhacaan xoolahooda .

 

Ururka Human Right Watch waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in dowlada Ethiopia ay sidoo kale xayiraad xaga ganacsiga ku soo rogtay gobolka ilaa bishii June, iyadoo markaa uun loo ogolaa badeecooyin yar oo ay ku jiro raashinka, waxaana gobolka kililka 5aad uu ganacsi ahaa ku xiran yahay waqooyinka Soomaaliya oo ay deris yihiin, gaar ahaan magaalooyinka hargeysa iyo Boosaaso.

 

Gabagabeynta lagu hayo tuulooyinka iyo xayiraada xaga dhaqaalaha ayaa warbixinta lagu sheegay inay qeyb ka yihiin istaraatiijiyada kumaan kun oo dad ah looga soo rarayo miyiga oo loo keenayo magaalooyinka, laguna baabi'inayo saldhigyada taageerada ah ee la siiyo ONLF.

 

Warbixinta Human Rights Watch waxay kaloo sheegaysaa in ONLF ay mas'uul ka aheyd xadgudubyo badan oo dhacay.

 

Bishii April ee la soo dhaafay, weerar lagu qaaday deegaanka Cobol ee shidaalka laga soo saaro, waxaa laguy dilay tobaneeyo rayid ah oo ay ku jiraan sagaal shaqaalaha saliida oo Chinese ah iyo ugu yaraan 28 rayid ah oo la shaqeenayey shirkada Chinese-ka ah meel ku dhow tuulada Sandhore.

 

28-kii bishii May, dagaalyahaniinta ONLF waxaa la sheegay inay weeraro bam-gacmeedyo ah la beegsadeen meelo ay ka socdeen xaflado oo ku kala yaalla magaalooyinka JigJiga iyo Dhagaxbuur.

 

Waxaa dhacay qaraxyo iyo isjiirid ay sameeyeen dadkii isku soo baxay, waxaana meelahaasi la weeraray lagu dilay 17 qof iyo dhaawac soo gaaray tobaneeyo kale oo uu ku jiro madaxweynaha is-maamulka Soomaalida Ethiopia.

 

Badi dadka ku dhintay labadaasi weerar ee isdaba yaalay waxaa ku jiray 17-jir arday ahaa iyo tiro haweena.

 

ONLF waa ay beenisay mas'uuliyada weeraradaasi laakiin waxaa hay'adu ay sheegtay in ay taariikh u leedahay beegsiga mas'uuliyiinta rayidka iyo hogaamiyayaasha qabaa'ilka ee diida inay taageeraan kacdoonka.

 

"rayidka ku dhaqan gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia waxay ku dhex go'doomay dhinacyo iska soo horjeeda," ayuu yiri Takirambudde oo intaasi ku daray in ciidamada dowlada Ethiopia ay u muuqdaan inay wadaan qorshe sharci daro ah oo lagu ciqaabayo rayidka.

 

Hay'ada Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowlada Ethiopia iyo jabhada ONLF inay hubiyaan in rayidka iyo hantidooda ay ka nabad galaan weerarada aan kala sooca laheyn isla markaana hay'adaha gargaarka ee caalamiga ee madaxabanaan galaan gal loo siiyo in kaalmada bani'aadnimo la gaarsiiyo rayidka u baahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Crackdown in Ethiopia condemned

 

Ethiopia's government has been accused of forcing thousands of civilians from their homes in a campaign against separatist rebels in the south-east.

US-based Human Rights Watch says troops had burned homes, seized livestock and carried out arbitrary arrests.

 

The group also accused the rebels of targeting officials and clan leaders who failed to support its insurgency.

 

Security was stepped up in April in the remote Somalia region after a deadly rebel raid on a Chinese-run oil field.

 

The ethnic Somali rebels - the ****** National Liberation Front (ONLF) - have been fighting for secession for the Somali region, also known as the ******, since the 1990s.

 

Eyewitnesses

 

"The Ethiopian government appears to be pursuing an illegal strategy of collective punishment of the civilian population, and the ONLF has targeted civilians for attack," Human Rights Watch's Africa director Peter Takirambudde said.

 

"Whatever the military strategy behind them, these abuses violate the laws of war," his statement continued.

 

But Bereket Simon, special adviser to Ethiopia's prime minister, denied the accusations.

 

"The facts on the ground are absolutely different from what they say," AP news agency quotes Mr Bereket as saying.

 

HRW's Tom Porteous told the BBC's Focus on Africa programme that the report was based on evidence collected from people fleeing the region, mainly to neighbouring Somaliland.

 

"Whatever the sympathies of those civilians in the Somali region, it is quite clear under international humanitarian law that targeting these civilians is illegal and acceptable," he said.

 

"In the long run it's counter-productive; it's likely to lead to an escalation of the conflict rather than a de-escalation of it. This conflict has serious regional implications."

 

Meanwhile, about 100 Somalis are reported to be stranded on the border after being deported from Ethiopia, but refused permission to enter Somaliland.

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Dhagaxbuur, ugu yaraan 20 qoys oo looga shakiyey inay qaraabo la yihiin ONLF ayaa lala wareegay geelooda

It is these kind of actions that many people have left no choice but to join the resistance. May Allah grant them victory. amin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

18-kii bishii June, tuulada Labiga oo ku yaalla koonfurta magaalada Dhagaxbuur ayaa ciidamada Ethiopia waxaa la sheegay inay dileen 21 qof oo tuulo joog ahaa kuwaasoo madax adeygay markii ciidamada Ethiopia ay isku dayeen inay dhacaan xoolahooda

Waxaan aad ugu farxay geesinimada ay reerkani muujiyeen shacabkana u horseedeen markay qoyskani geeloodiina xabashida kariteen 25 xabashina ay maydkoodii is duldhigeen. Arintani waxay sababtay inayna xabashi geel dambe qaadin isla-markaasna waxay shacabweynihiina bartey inaa xabashida xoolaha laga dhacsankaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this