Sign in to follow this  
Wiilo

Laba wariye oo caddaan ah oo maanta loo taxaabay Xabsiga Degmada Baydhabo ee Gobolka

Recommended Posts

Wiilo   

BAYDHABO: Laba wariye oo caddaan ah oo maanta loo taxaabay Xabsiga Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

 

Posted to the Web Jul 27, 15:25

 

 

Baydhabo (PP) – Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta xabsiga u taxaabeen laba wariye oo caddaan ah oo u shaqeeya sida la sheegay Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

 

Wariyeyaashaan ayaa xariggooda la sheegay inuu yahay mid ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Dowladda Fedraalka Soomaaliya, waxaana wararka ka imaanaya Baydhabo ay sheegayaan in labadaan wariye ay ku xiran yihiin xabsiga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Saraakiil ka tirsan Booliiska Dowladda Federaalka ayaa waxay daboolka ka qaadeen in xarigga labadaan wariye uu yahay amar iyaga ka sarreeya oo u yimid, ayna fasixi doonaan marka la dhameeyo howlaha ay ku xiran yihiin, lamana garanayo sababta dhabta ah ee keentay in la xiro.

 

Wariyeyaashaan ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo Muddo 3-casho ah iyagoo u joogay halkaas inay howlahooda saxaafadeed ka fuliyaan, balse amarkaan lagu xiray ayaa ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsiga u taxaabto Wariyeyaal Ajnabi ah, waxaana sidoo kale dhowr jeer oo hore loo taxaabay xabsiga Degmada Baydhabo oo ah xarunta ay dowladdu daggan tahay saxafiyiin Soomaaliyeed oo iyagu lagu eedeeyay inay geysteen falal aan anshaxa saxaafadda lug ku lahayn isla markaana ku xagudub cad ah.

 

Ma jiraan wax sharci cad ah oo ka dagsan saxaafadda oo ay dowladda Federaalka Soomaailya u soo gudbisay saxaafadda Gudaha dalka iyo Caalamka intaba, waxaase jirta in mar walba lagu xiro Baydhabo saxafiyiin kala duwan oo ka socda gudaha iyo caalamka.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu

 

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Wariyayaal ajaanib ah oo maanta lagu xiray magaalada Baydhabo.

 

July 27, 2006 Markacadeey.

 

 

 

Ciidamada Booliska dawladda fedaraalka kmg ayaa maanta xabsiga u taxaabay 2 wariye oo u shaqeynayay wargayska New York Times ee ka soo baxa wadanka Mareykanka, kadib markii wareegto ka soo baxday dawladda ay ku amartay in xabsiga laga dhigo labadaasi wariye oo hawl shaqo u joogay magaaladaasi.

 

Ma jiraan warar dheeraad ah oo ka soo baxay dawladda oo la xiriira sababaha xabsiga loo dhigay wariyayaashaasi oo muddo 3 maalmood ah ku sugnaa magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in wariyayaashaasi oo kormeer ku tagay xarumaha dawladda iyo kuwa milatariga laga yaabo in ay xog ka heleen ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, taasi oo sababtay in xabsiga loo taxaabo.

 

Waa markii ugu horreysay oo wariyayaal shisheeye ah lagu xiro magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah dawladda jilicsan ee taageerada ka haysata Ethiopia, waxa ayna taasi qeyb ka tahay caburin lagu hayo saxaafada, ayadoo horay ciidamada dawladda ay xabsiga ugu taxaabeen wariyayaal ka shaqeynayay idaacadaha maxaliga.

 

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this