Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Injured from SSC, being treated in Mudug capital

Recommended Posts

War Deg Deg:Dhaawacyo laga soo wado Gobolada SSC oo Gaalkacyo loogu diyaar garoobey.

25. maj 2010

 

APL

 

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Saacadihii ugu danbeeyey heegan buuxa lagalayey Shaqaalaha Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo kadib markii Dhaawacyo badan oo laga soo daabulayo gobolada SSC gaar ahaan gobolka Cayn la sheegey in loo soo wado magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Dhaawacyadan oo mudo saacado ah loo diyaar garoobeyey ayaa sida uu qorshuhu ahaa waxay ahayd in Xalay la keeno magaalada,laakiin Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka mudug ayaa sababay in uu dhaawacyaadaasi dib u dhac,Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo wata gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa saacado badan oo xalay & saaka ah waxay sugayaan dhaawacyadaas.

 

Maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay caafimaadka gobolka Mudug & qaarkamid ah madaxda gobolka Mudug ayaa dhaawacyadan inay soo kaxeeyaan u diyaar garoobey waxayna kusugan yihiin meel gaalkacyo u jirta 20-Km,waxaana ay sheegeen in wadadu ku xirantay Dhaawacyada.

 

Dhaawacyadan ayaa laga soo kaxeeyey gobolka Cayn ee Puntland gaar ahaan magaalooyinka Buuhoodle & Widhwidh oo ay bilogii todobaadkan dagaalo xoogooni ay ka dheceen,waxaana dhaawacyadan in lakeeno kadanbaysay kadib markii wasiiro Puntland katirsan ay shalay gobolka Cayn gaareen iyagoo ka tagay magaalada Gaalkacyo oo madaxdeeda ku wargeliyeen keenista dhaawacyadan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa goordhaweyd oo caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug la keenay dhaawacyo saacado badan ay sugayeen shaqaalaha Isbitaalka Guud & gudiga caafimaadka ee gobolka Mudug oo laga keenay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ee dawlada Puntland.

 

Dhaawacyadan oo in mudo ah ku xanibnaa meelo kamid ah xiriirka gobolka mudug & Howdka gobolka Cayn ayaa maanta waxaa lasoo gaarsiiyey deegaanka Bursaalax oo kamid degmada Galdogob ee gobolka Mudug waxaana halkaas gurmad ugu tagay qaarkamid ah gaadiidka gurmadka ee caafimaadka gobolka.

 

Iskuduwaha wasaarada Caafimaadka ee gobolka Mudug oo dhawaan xilkan loomagacaabay ayaa caawa warbaahinta u xaqiiyey in 4-kamid ah dhaawacadan lasoo gaarsiiyey isbitaalka weyn ee gobolka mudug,wuxuuna iskuduwuhu intaas ku daray in qaarkale oo dhaawacyadan kamid ah ay weli gawaari ku maqan yihiin.

 

"Waxaanu dirnay gawaari badan oo dhaawacyada si dhakhso ah magaalada u keena kadib markii kuwii soo waday ay Dhiiri galeen,Nasiib daro baabuurtii meeshii aanu udirnay meel aanan ahayn baa dhaawaca la geeyey isgaarsiinta oo jaran darteedna way suurtoobi waysay inay ishelaan,laakiin hada waanu ku guulaysanay oo 4-Dhaawacyadoodu halis yihiin ayaa nala soo gaarsiiyey qaarkale oo kabdanna waanu sugaynaa"Ayuu yiri Cabdinaasir Sheekh Ibraahim.

 

Dhaawacyadan oo inmudo ah jidka kusoo jiray ayaa lasheegey inay yihiin kudhawaad 10-Ruux oo ah kuwii ugu halista badnaa dhaawacyadii wax ku noqday dagaalo & isku dhacyo kale oo kadhacay meelo kamid ah gobolka Cayn ee dawlada Puntland,waxaana in mudo ah heegan buuxa ku jiray shaqaalaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo u xanibnaa in dhaawacyadan lakeeno,imikana waxay sugayaan kuwo kale.

 

Gawaari badan oo lagadiray meelo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee dawlada Puntland ayaa maanta tagtay degmada Galdogob ee gobolka Mudug & lawaaxiga deegaano ay kamid yihiin Bursaalax & Beyra oo u tagay halkaas inay ka qeybqaataan soo qaadista dhaawacyadan,waxaana qaar badan oo baabuurtaas kamid ah ay galeen meelo roobab mahiigaan ah ka da'ay oo dhiiri awgeed aysan gawaaridu socon karin.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

First batch of the wounded from Buuhoodle arrive this evening at Gaalkacyo. They were met some 22 km outside the city by the newly selected Gaalkacyo health team committee by the Health Minister of Puntland at his recent visit to Gaalkacyo, Mudug, Puntland State.

 

We wish them quick recovery inshaallaah.

 

616.jpg

 

422.jpg

 

710.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this