Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed attacks Asmara?

Recommended Posts

Shariif oo eedeeyay Eritrea

25 May 25, 2008 - 7:31:50 AM

 

 

Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa qiray inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda sarsare ee Isbahaysiga xaruntiisu tahay Asmara.

 

Sheekha ayaa sidoo kale cambareeyay xukuumadda Eritrea oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kala qaybinaya Isbahaysiga Asmara, abuurayna khilaafka haatan u dhexeeya; wuxuna uga digay madaxda dalkas inay joojiyan kala qaybinta Isbahaysiga.

 

"Waxaa nasiib-darro ah in dowladda Eritrea ay qaadday tallaabooyin aan is-dhihi karno waxay shaki kala dhexgeliyay Isbahaysiga dib u xoreynta, waxaana u sheegaynaa in kala qaybinta Isbahaysiga iyo burburkiisa aysan dani ugu jirin Isbahaysiga iyo Eritrea" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaas ku daray, Isbahaysiga waxaa lagu dhisay dalka Eritrea.

 

Sidoo kale; guddomiyaha Isbahaysiga Asmara ayaa ku eedeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu baahiyay warar shaki-geliyay shacabka Somaaliyeed, ayna tahay inay ka fiirsadaan hadalkaas isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Isbahaysiga, ayna ilaaliyaan dareenka shacabka Soomaaliyeed.

 

"Bulshada Somaaiyeed waxaan uga cudur-daraynaa wararkii xubno ka tirsan Isbaysiga Asmara kasoo yeeray kuwaasoo aan farxad-gelin shacabka oo xaalad adag ku jira xilligaan, waxaana shacabka u ballanqaadaynaa sidii looga gudbi lahaa dhibatada, inagoo ugu baqayna xubnaha faafiyay wararka lama filaanka ah inay dhowran nidamka, kala dameynta iyo shuruucda Isbahaysiga" ayuu yiir Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Jabuuti.

 

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in beesha caalamka ay u soo jeedan nabad ka dhalata Somalia, ayna wax badan fahmeen, isagoo xusay inay tahay in laga faa'iideysto taas, isagoo xusay in Isbahaysiga ay u arkaan fursad qaali ah, maadaama dunidu doonayso inay nabad ka dhalato Somalia.

 

Wuxuu soo dhaweeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed warbixin ku saabsan hubka galaya Somalia ee ay dhawaan soo saareen Qarammada Midoobay guddigoda ilaalinta hubka; isagoo ku tilmaamay in warbixintu ay sheegtay war sax ah, maadaama lagu caddeeyay Dowladda Ethiopia iyo midda Somalia inay geliyan Somalia, una qaybiyaan Qabiil, taasoo u muuqata in nabadda Somalia ay ka horjeedaan.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in hadalkii kasoo yeeray Miles Zenawi ee ahaa inaysan ciidamada Ethiopia ka baxayn Somalia, taasoo uu ku sheegay hadal aan la ogolaan karin, ayna dagaal kala hortagayaan.

 

"Howlaha nabadeed ee Somalia waan wadaynaa meel walba oo ay nala gasho dib u heshiisiintana waan la galaynaa si ay Somalia u hesho nabad iyo kala dambeyn" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmay iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay ay jireen hadallo u muuqday in isbahaysiga Asmara xubnahooda ay isku dhaceen, iyadoo tani ay gaartay heer aad u xun oo ku dhow in Isbahaysiga uu laba u kala jabo.

 

Garowe Online, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Shariif: "14 qof ayaa Casmara ku sugan, cid ay xil ka qaadi karaana ma jirto"

Posted to the MOL May 25, 2008, 4:45 pm

 

 

Sh. Shariif ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in masuuliyiin ka mida ururkiisa ya saxaafada ka sheegaan hadalo masabid ah oo aan runta ku salaysnayn kuwaasoo sumcada looga dilayay hogaanka ururka. Sh. Shariif ayaa sheegay haddii masuuliyiinta qaar diidan yihiin habka haddaan nahay hogaanka ururka aan wax u wadno inay nala soo xiriiraan oo ay na soo hordhigaan waxyaabaha ay u arkaan qaladaadka.

 

Sh, Shariif ayaa sheegay inay ka go’antahay inay sii wadaan wadahadalada ay soo qabanqaabisay jimciyada qaramada midoobay. Waajibkeena weeye inaan dhinac walba wax ka raadino hadday noqoto dagaal iyo muqaawimo iyo hadday noqoto siyaasad iyo saaxiibo aan u raadino aragtideena.

 

Mar la weydiiyay Sh. Shariif sida uu u arko in ay gudoomiyenimada ururka inay ka qaadaan masuuliyiinta diidan sida uu wax u wado ee hadda ku sugan magaalada Casmara ayuu sheegay inay 14 qof hadda ku sugan yihiin Casmara, ayna jirin cid ay xil ka qaadi karaan oo taasi ay ka horimaanayso sharciga u degsan Isbahaysiga.

 

Hadalka Sh. Shariif ayaa jawaab u ah waraysiyo dhowr ah oo dhawaan bixiyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo si weyn uga soo horjeeda habka uu wax u wado SH. Shariif. Dadka u kuurgala kooxda Isbahaysiga ayaa sheegaya in hadda ururka uu ka dhexjirto hardan siyaasadeed oo xukun marooqsi isku rogi kara. Iyadoo wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Casmara ayaa sheegayaan in Sh. Xasan Daahir aweys iyo xulufadiisa Eritareeya ay hadda wadaan dadaal ay ku doonayaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Sh. Shariif oo ay ku tilmaameen inuu ka falaagoobay kooxdooda. Sh. Shariif ayaa waxaa soo raacay inta badan golihii dhexe ee ururka oo hadda ku sugan magaalada Jabuuti.

 

Mudugonline.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Shariif oo ah Gudoomiyaha Fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo sheegay in Dowlada Eritrea aysan aheyn sidii uu moodayey oo ay kala qeybin ku heyso Isbeheysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed.
ERITREA IN LAGA ABAAL DARRO MA FIICNA
:D

Sun, 25 May 2008

 

Muqdisho: Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ah gudiga fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo shir jaraa’id ku qabtay Dalka Jabuuti ee Jamhuuiyada DiJabouti ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah oo ku aadan Xaaladaha ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka la shaacinayey beryahaan ee soo kala dhex galay Isbeheeysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Any wise person would see how It is Eritrea's interest to use Somalia as proxy in its war with Ethiopia. Ertirea also acts as a conduit for the Arab money that is used to worsen Somalia's plight.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koora-Tuunshe,

 

In the same line of wisdom, any person can clearly see that ethiopians have no business in Somali affairs. Their interest lies in ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this