Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Aweys is on the Aideed's footsteps!

Recommended Posts

CAWAYS OO WADDADII CAYDIID CAGTA SAARAY!! - SOO-RUGAAL-CELINTA TAARIIKHDA.!

Posted to the MOL December 9, 2006, 7:10 pm

 

 

Bismi-llaahi.

 

 

Maqaalkan waxaan rabay in soo qoro bishii juun ee la soo dhaafay markay ay maxkamadaha Muqdisho qabsadeen Xamar iyo hareeraheeda. Haddana waxaan isku qancaiyay in aanan ka hor-tegin dhacdooyinka oo aan baxnaaniyo waxa ay la yimaadaan laba sababood awgood :

 

 

1-In aan hubsado bal in ay Maxkamaduhu yihiin kuwii aan horay u iqiinay ee u kiraysnan jiray ganacsatada iyo in wax iska beddelaan mar hadday Muqdisho gacanta ku dhigeen oo ay noqdeen milkiilayaal halkii ay ka ahaayeen shaqaalaha ganacsatada

 

 

2-In Ummaddu wada aragto xaqiiqada Maxkamadaha marka uu soo if-baxo sawirkooda ranta ah . Kaas oo aan si dhab ah loo arki karin ilaa uu wax awood siyaasadeed ah gacanta dhigo .

 

 

Haddaba mar hadday ii caddaatay in Maxkamadaha iyo raggeedo yihiin kuwii aan horay u iqiinay dadka Somaliyeedna wada arkay xaqiiqdooda lixdaa bilood ee Xamar haysteen waxaan filayaa in ay munasaab tahay in aan aan soo idiin gudbiyo qoralkan.

 

 

 

 

 

SHALAY IYO MAANTA ISU EKAA!!

 

 

 

 

 

Dadka Somaaliyeed qaybo door ah ayaa u arkayay qabsashadii Maxkamadaha ee muqdisho –Juuntii hore-in ay tahay marxaladd cusub oo u horseedaysa Dalka, Dadka iyo Diinta hab cusub oo ka samata bixin kara waddanka SAWAALKA iyo ka tirtiridda Somalia khariidadda Caalamka, Taas oo ah marxaladda ku soo xigta burburka ay ku sugnayd 16 kii sana ee la soo dhaafay Arigtidaas kuwii qabay way ku hoggoobeen. Oo Saraab ( Dhaan-dabagaalle- widh-widh ) ayay biyo moodeen.

 

 

Waxaa jirta Maah-maah caalami ah oo afafka waawayn ku wada jirta oo dhahaysa : TAARIKHDO WAY SOO ROGAAL-CELISA”

 

 

Marka aad is-garaab-dhigto xaaladda Somalida ee 1991-94 kii iyo xaaladda maanta ee 16 sano kaddibb waxaa kuu muuqanaysa in ay aad isu-shabbaaan

 

 

Waxaa Muqdisho ka soo laba kacleeyay sansaan culaadeed oo la mid ah kii sagaashannadii ee lagu burburiyay Qarankii Somalia la oran jiray

 

 

Coladdan cusubb waxaa u olalaynaya beelihii USCda ee ka riday Somalia Dagaalka ahliga ah ee weli dabkiisii holcayo.. Beelahaasi waaxay maantana wadaan abaabul ballaaran oo dagaal ahli ah oo cusubb.oo ay hoggaamiynayso USCda 2 aad.( Maxkamadaha ). Waxaa muuqata in Taliyaha uscda labaad Mudane Col. Daahir Caways uu ku socodo waddadii Taliyihii USCdii kawaad Gen. M. Caydiid

 

 

Maqaalkaan Waxaan ku soo qaadaya is-garabdhigg labada shakhsi ee kala hoggaminya Colaaddii USCda ee hore iyo colaadda Maxkamadaha-uscda ee Maanta . Waana tan iyoda oo kooban:

 

 

 

 

 

CAYDIID IYO CAWAYS.

 

 

Marka aan si dhab ah u dhuuxay una darsay laba hoggaamiye beeleedd ee CAWAYS iyo Caydiid ayaan aad ula-yaabaa sida ay labada oday isu-daboolayaan. Marka aan u dhabba-galo Ula-jeeddada, Talllaabooyinka iyo tabaha Col. Caways waxaan is-iraahaa : MAXAA LOO LA HAA CAYDIID WUU GERIYOODAY?. Waxaan halkaan idiin kusoo gudbinaya MUQAARANO labada Taliye iyo labada USC ee shalay iyo maanta. Waana tan :

 

 

 

 

 

1- ASKARI KLIGI TALIYE AH:

 

 

 

 

 

Caways iyo caydiid waa laba nin oo saraakiil ka ahaa ciidammadii Somalia. Ragga askarta ku soo barbaara waxaa dabiiciyan lagu yaqaanaa in ay keli-taliyenimadu ay tahay midda qaalibka u ah fikirkooda iyo hab-maamulkoodaba.

 

 

Markii USCda lagu asaasay magaalada Rooma 1990 kii waxaa loo dhisay Guddi-dhexe iyo madax kala saraysa. J. Caydii oo aan guddiga dhexe iyo madaxdiisa midna jirin ayaa intuu iska garabb-maray Madaxdii ururka wuxuu isku-magacaabay in yahay keligiis haggaanka uscda. Taasuuna ku shaqeeyay. Intaas kaliya ma aha ee wuxuu Ethiopia ku xiray Guddoomiyihii Sharciga ahaa ee ururka ( Cali Xusseen) oo wada-hadal ugu yimidd Jananka.

 

 

Kornayl Caways dhinaca diktaatooriyadda isagaa kas sii shisheeya Jananka. Oo mabda’a talo wadaaga la yiraaho maba Aaminsana. Maxaakimtana wuxuu u haystaa MILKIYADD gaar ah oo shakhsi ah oo isaga Alle siiyay. Wuxuuna u hadla sidii u yahay Nabigii (SCS). ..

 

 

Guddiyada uu kornayku ku kala magacaabay Shuurada iyo Fulinta oo lgu daro Sh. Shariif iyo ku-xigeennada kore iyo kuwa hoose isku-darkooda ma dhaafsana warqddii uu kornaylku ku qoray magacyadoo isag jooga tuuladdiisa Guri-ceel. Raggaasi waa kuwa aan la soo dooranin mana jirto cidd ay wakiil ka yihiin.

 

 

Kornaylku isga ayaa is-magacaabay, kaddibna wuxuu magacaabay Guddiyadaas, kaddibna isaga ayay magacaabeen. Taas ayaa keentay in aysan awoodda waxba ku lahayn. Waxaa dhabb ah in aan xataa loo sheegin qorshaha lagu socdo iyo meesha loo hayaamayo. Taas waxaa kaaga filin Sh-shariif oo afartii eray uu ku bilaabay aan weli midd shanaad ku darin.

 

 

Nimaankaas hawshoodu waxay tahay in muuqaalkooda iyo magacyadooda lagu qurxiyo waajahadda ururka Maxkamadaha. iyo in ay ku celceliyaan ereyo mac-macaan oo ku wajahan ra’yi caamka gudaha iyo dibadda si aan looga didin kornaylka iyo Maxkamadiihiisa..Erayadaas oo ah qaar macaankooda uusan u baranin una quurin kornayku afkiisa..

 

 

 

 

 

2 – MAXKAMADUHU WAA URUR-BEELEED:

 

 

 

 

 

Maxkamadaha Muqdisho waa urur u gaar beel ka midd ah beelaha Somaliyeed. Beeshaas oo ah kuwii USCdii hore iska la haa.. Waxaa kugu daliil ah in Guddiyada qurxinta waajahadda Maxakadaha aanu kornayku ku soo darin wax aan beelaha uscda ka soo jeedin.

 

 

Waxaa ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba kuwo badan oo ka mid ah Jaallayaashii kornaylka, ardadiisii iyo qaar macallimiintiisii ah oo reer Puntland iyo Somalnd ah oo Al-itixaad ay isla ahaayeen wuuna u quuri-waayay in uu qaarkood ku soo daro guddiyada wiji-qurxinta.

 

 

Waxaan iyana cidna ka qarsoonayn in beelaha uscda qudhoodo aysan wadaagin awoodda mxkamadaha. Kornalku isaga ayaa isku-keli-yeelay awoodda oo dhan. Hadday wax ka soo haraana ma dhaafto jilibkiisa oo Indha-Cadde ayaa gacantiisa-middig ah. Taasi waa sababta uu uga war-wareegayo dhisme-maamul.oo awooddu mesha ay taallaa ka muuqan-kara.

 

 

Kornayl Caways marka uu Beelaha ******* is-yiri yaad ka adeegsataa?? Wuxuu ka doortay sidii Caydiid Beesha ******** oo uu ka qaatay kornyal Xassan-Turki oo uu ku buuxiyay jagadii Kornayl A. Cumar Jees iyada oo magacii- hafardana -ku-xigayn- laga reebay. Meelahaasna Wuxuu Col Caways ka hadalsiiyay Maxamed Amiin iyo Af-dhuubb oo aan ju’dooda la maqlin sidii Cawdiid u baxay.

 

 

3- XOOG KU QABSIGA DALKA:

 

 

 

 

 

Hadafka labada Tale wuxuu ka midaynsanyahay in ay xukunka dalka lagu gaaro xoog iyada la adeegana qori-caaraddi. Waxaa la dumay ciidamo hab-beeleed loo aoo abaabulay.

 

 

Ciiddamaas waxaa lagau hanuuniyay laguna hawl-geliyay waqtigii Caydiid in ay iska xoraynhayaan Beelo soo-galayti ah oo aam waddanka asal u lahayn. Oo cadaadis (marana gumaysi baa afka lagu dufan jiray ) ku hayay muddo dheer dadka. Warbaahintana wxaxaa lagu magacaabi jiray beelahaas_ HARAAGII SIYAAD BARE.

 

 

Maantana maliisiyaadka Maxkamadaha oo ah isla ********tii uscda, waxaa lagu abaabulaa laguna xamaasadd geliyaa in ay la dagaallamayaan Beelo Diinta diiddan oo gaalana dabada ku wata.. ********ta maanta ee Maxkamadaha ayaa sidii kuwii uscdii shalay waxaa loogu yeeray laguna akhriyaa in ay yihiin MUJAAHIDIIN oo koodii dagaalka ku dintaa uu yahay SHAHIID Jannada toos u gelaya,

 

 

 

 

 

 

 

 

4- WIIQIDDA BEELAHA CADAWGA AH:

 

 

 

 

 

Run ahaantii ma jirto cadaawadd ka dhexaysa guud ahaan beelaha Somaliyeed. Haddayse jirto waxay ku ekayd baadiyaha. Iyaduna waxay la xiriirtay Beelaha isku degaanka ah oo marar isku.-qabsada baadka iyo biyaha xoolaha.

 

 

Si loo xaqiijio ulajeedada-siyaasadeed oo ah in ay beelaha uscdu keligood hantiyaan xukunka dalka waxaa la abuuray cadaawadd-siyaasadeed oo ku salaysan in la wiiqaa, la daciifiyaa oo xoog lagu muquuniya beelaha uscda ku la tartama xukunka Dalka. Kuwaas oo ay ugu horrayso beelaha *******.

 

 

Waa in la burburya awoodooda militeri iyo Dhaqaali. Wana in la tirtiraa qabkooda iyo sharaftooda ( Xassuuq- kufsi ).Magaaloyinkooda waa in la qsadaa lana burburiyaa si aysan u abuurin dhaqaale cusub oo ay noqdaan CAYR maxaysato ah oo sacabbada hoorsata. Mabda’an labada Taliye way ka midaysanyihiin

 

 

 

 

 

5– QAABKA DUULLIMAADKA :

 

 

 

 

 

Waxaa cadd in uusan kornayl Caways iskuba hawllin habka loo fulinayaa qabsashada Gobollada beelaha ka baxsan USCda. Wuxuu soo min-guuriray qorshihii Jananka Wuxuuna ku dhaqaaqay fuluntiisa isagu oo u qirsan Jananka sarraynta Darajada iyo xeeladaha dagaalka.

 

 

Qorshahaasi waa midd ku dhisan Saddex marxaladood oo is-dabayaal oo kala ah :

 

 

A- Qabsashada Gaalkacyo oo fure u ah qabsashada gobollada Waqooyi-Bari ama Puntland. Haddii laga soo waabiyo Gaalkacyo waxaa lagu dhaqaaqayaa_

 

 

B- Qabsahada Jubooyinka oo marka hore laga billabayo Kismaayo kaddibna Gedo.

 

 

C- Waaxaa lagu rogaal-celinayaa Gaalkacyo iyo waqooyi-bari. Iyada oo laadeegsanayo dhaqaalaha iyo tamarta lga helayo gacan kJubbooyink Gedo.

 

 

 

 

 

6- DAWLADD-DIID:

 

 

 

 

 

Si loo xaqiijiyo xoogg ku qabsashadda Goballada dalka oo dhan waan in aan sinaba loo ogolaanin dhismaha Dawladd Somliyedd nooc kastaba ha noqoto eh. Iyada oo loo arkayay in Dawladd ama Xumadd kasta oo dhisantaa ay caqabadd ku noqonayso ula-jeeddooyin USCda-Caydiid

 

 

.

 

 

Fikirkaan ayaa ka danbeeyay diidmadii, la dagaallankii iyo fashalintii Dawladihiim BAYAANKA ee Cali iyo Cumar Carte ee 1991kii iyo Dawladdii Shirkii Jabuuti ee 1992kii. Dawladd la’aantaas waxay uscda u siinaysa fursadd in la sii wada Dagaalka ahliga inta laga xaqiijinnayo ahdaaftooda.

 

 

 

 

 

Cawysna Cashirkaan si buuxda ayuu uga dhaxlay Jananka. Wuxuuna ku sii-daray fikrado SOMALI-DIID ah. Taas ah sidii Somalia looga dhigi lahaa Imaaradd Islaam ah oo ka dhaxaysa dadka muslimiinta ah oo dhan.. Isaga oon haynin hal dal uu ogol in Somalidu la wadaagto dalkooda. Somali-diidnimadaan ayaa ka danbaysay ihaanadii loo gaystay Calanka Somalia eeka dhacday Kismaayo markii uu Col. Caways qabsaday.

 

 

 

 

 

Mabda’ana Dawladd-diidka ah wuxuu ka mid yahay udubb-dhexaadyada Siyaasadda Beelaha uscda ama Jabhadd ha ahaato, ama War-lord ahaado ama maxkamadd ha sheegto eh.

 

 

 

 

 

Col. Caways wadahallada khartuum ee dawladda iyo Maxkamadaha waxay ugu jirta maaweellinta ra’i-caamka inta uu xoog ku muquuninayo gobollada dalka. Waxayna ka ka midd tahay waxyaalaha qurxinta waajahadda maxkamadaha ee waqtiga diyaar-garawgga. Mana jirto wax qiima ah oo ay isaga iyo Maxkamadihiisa ugu fadhidaa.Wadahaddalladaas Haddii la qabto iyo haddaan la qabanin, haddii la heshiiyo iyo haddaan la heshiinin Kornalka waxba isuma dooriso.oo ushiiso meel bay uga go’an tahay

 

 

 

 

 

7- DIIDMADA CIIDAMADA AJNABIGA :

 

 

Diidmada Ciidamada Ajnabi ah oo gacan ka gaysta soo celinta nabadda iyo sharciga, waxay la xirirtaa Diidmada Dawladd-qaran. Sidii Jananku dagaal ugu qaaday Ciidamadii Caalamku ugu dheeqay Somalia. Halkaana ugu fashaliyay Gurmamaddkii Caalamiga ahaa ee ku wajahnaa Dib-u-soo-celinta RAJADII Qaran, Nabadd iyo Middnimo Soomsliyeed..

 

 

 

 

 

Col. Cawysna qonbihii Jananka ayuun buu LIG-LIGGA haystaa una diidayaa Ciidamo dibadda ka yimaadda oo Somalida gacan ka siiya soo celinta Nabadda, qaranka iyo midnimada ay iska lumisay!! Ciidan ku caawiyana waxaa kuu huraya oo keliya nin kaa naxaya. Kaasina Carabb ku-ma-ba jiro Afrikaanna wuu ku yaryahay

 

 

 

 

 

8- KAALMO-AJNABI:

 

 

Janaku inkasta uu diidanaa Ciidamo si sharci ah ku yimaadda Dalka, haddna wuxuu xoog-saaray in Dagaalkiisa Ahliga uu u helo taageero dibadeed. Wuxuuna ku Guulaystay in helo Taageero fara baddan oo isugu jirta HUB; MAALIYADD iyo DIPLOMAASIYADD. Taas uu ka helay Ethiopia, Talyaaniga. Sudaan iyo Maraykanka ( inta aysan-is-khilaafin 93-94 ).

 

 

Col.. Caways wuxuu ku sii kor-dhiyay in uu keen ciidamo ajnabi ah oo aan sharciyadd meelna ka haysan oo markii ugu horraysay ka qayb-qaata dagaallada ahiga ee Somalia. Isaga diiddan kuwa sharciyadda ka haysta Ururda Caalamiga iyo urur Goboleedyada Somalia xubnaha ka ahaan-jirtay oo aan dagaallada ku lug-la-hayn.

 

 

 

 

 

9 – NIMAN DANBI LOO HAYSTO:

 

 

Waxaan ognahay in maamulkii UNISOM uu J.Caydiid u gooyay WARAN amar qabasho. Cawasyna sidaas oo kale waxuu jiraa dadka ay maraynka iyo xulafadiiso raadinayaan in la soo qabto. Danbiyada loo haysto nimaankaan innago ma xaqiijin karo manaa beenin karro waxaanse aragnaa in ay wadaagaan Waarankaas Caalamiga ah ee caddaaladdu ku goobayso qabashadooda .

 

 

 

 

 

Waxaan filayaa in ay intaasi innoogu filantahay tusaale ahaan isu ekaanshaha labada taliye ee uscda ee shalay iyo maanta. Beeluhu waa kuwii, ulajeeddadu waa tii. Jidka loo marayaa waa kii. ********tu waa tii. Muhu waa mihii oo waa Muqdisho !

 

 

Waa arin sida qorraxda u cadd.

 

 

 

 

 

DAGAALKA AHLIGA-CUSUBB.

 

 

 

 

 

 

 

 

Maanta Somalia waxay cagta saartay xarbi-ahli ah oo cusub oo hanbadii Caydiid ka soo hartay aan dad iyo xoolo waxba ka reebayn. Waddadaan cusubi waxay u horseedi karta zawaal iyo tirtirridd laga tirtiro khariidada caalmka dal ahaan. Waxaana soo dhowaatay bislaanshihii mashruuca ah in Dalkii Somalia la oran jiray loo qaybiyo dalalka dariska la ah ( jabuuti waa laga reebay ) marka lagu wada qanco in Dadka Somaliyeed aysan ahal u ahayn qaadina karin Mas’uuliyadd qaranimo.

 

 

 

 

 

Ummadda wax qiima ah ugu ma fadhido haddii Barneeddadii ( koofyadd ) uu Caydiid labisnaa ay Ethiopianku soo siiyeen, hadduu Caways ku beddelo Cimaamadd Carabi soo siisay ama ********tii raamaha lahayd lagu beddelo ******** cimaamadu sidata..

 

 

 

 

 

Waxaan kale oo aan iyana wax qiimo ah ku fadhiyin haddii gabaygii Caydiid lagu beddelo Ireyo Diini ah oo macnahoodii runta ahaa laga leexiyay oo uu Caways ku celcelo Isaga oo mar kasta uga dhigaya dadka Diin cusubb.

 

 

Waxay Ummaddu ku Xukumaysa qofka ma aha dharkiisa iyo Qawlkiisa ee waa ficilkiisa la xirira ka qayb-qaadashada Xallinta dhibaatooyinka Umadda ku habsaday ee Qaran-jabku hooyada u yahay.

 

 

 

 

 

TABAHA CUSUBB RR USCDA CUSUBB.

 

 

 

 

 

Haddaan intaa kaga haro raad-qaadka dhinacyada badan leh ee kornayl Caways uu ku raad-qaadayo taliyihiisii Janan Caydiid. oo aan wax-yar milacsado Tabaha cusubb ee uu ku soo kor-dhiyay dhibaatada Somalida waxaan xusi karaa kuwa soo socda:

 

 

 

 

 

1- Marin-habaabin: Waxaa la wada ogsoonyay in dhibaatada Somalidu tahay DAWLADD-LA’AANTA : Dawladd la’aantaas ayaa dhashay dhammaan masaa’ibka ku habsaday dadka, dalka iyo diinta muddada 16 ah.. Sida dagaallada ahliga, burburka, bara-kaca, qaran-jabka, Fawdada…. iwm. Xaqiiqdani waa mid muran ma-gasho ah. Isla markaana maragg ma-doonto ah Gaal iyo muslin gudaha iyo dibadda waa laga wada dheragsanyahay.

 

 

 

 

 

Kornayl Caways iyo Maxkamadihiiso inta ay dhibaatada Somalida qayb-ka-qaadan la haayeen xallinteeda ayay xaqiiqdadii garabb-mareen oo ku fureen Somalida dhibaato cusub oo ah DIIN la’aan. Si aan Dawladd la’aanta loogaba hadlin.

 

 

 

 

 

2- Cadaawaadda Dariska : Dalalka Xuduudda la wadaaga Somalia ee saddexda ahi si aan hagari ku jirin ayay dadka Somaliyeed u kaalmeeyeen Markii dalkoodii burburay. Iyaga oo boqolaal kun ku soo dhoweeyay dalalkooda.

 

 

 

 

 

Jabuuti ayaa ugu wax-tar yareed. Kenya wax-wayn ayay qabatay inkasta oo ay jireen dhibaatooyin Somaali baddan loo gaystay ( kofsi-raaf ). Ethiopia wanaaggeedii wax la qiyaasi karo maba aha markii ay sharciyaysay in dadka Somalia ka soo qaxay ay XAQ u leeyihiin dhammaan xuquuqda muwaaddinka Ethiopianka ah. Dalalka deriska ah caawinaaddooda haba kala waynaato eh haddana ma aha midd laga abaal-dari karo

 

 

.

 

 

Waxaa iyana aan qofna ka qarsoonayn in Somalia oo dhulka jiifta maanta ay addunka oo idil uga baahantahay saaxiibnimo iyo taageero. Somalidu u ma baahna in darisgeeda loogu abuuro cadaawadd cusub oo la yiraaho Jihaad baan ku qaadayna. Jihaagkana sida Islaamku qabo waxaa iclaamin karo oo kaliya Madaxa Dawladda.

 

 

 

 

 

3- Bambooyinka-ismiidaaminnta oo lagu maqali jiray wararka Bariga-dhexe ayuu kornayl Caways ku soo biiriyay noocyada dagaalka ee Somalia.Waa jiil ama da’ cusubb oo dagaal.

 

 

Waxaan shaki lahayn in noocaan- dagaal uu ku faafi doona qaybo badan oo dalka ah mustaqbalka. Caways iyo cidd kale toonana aysan xakamayn kari doonin. Waxaad arki doontaan berri iyada oo meelaha dadku ku badan yahayn sida masaajidyada iyo suuqyada oo ay dadka masaakiinta ahi ay boqolaal ugu gumaadmaan.

 

 

 

 

 

AAYATIINKA MAXKAMAHA!!

 

 

 

 

 

Waxaan ku soo gaba-gabayna qoraalkan su’aasha dadku is-waydiinayo oo ah Alloow muxuu ku danbayn-doonaa Dagaalkan ahliga ee uscda maxkamaduhu ay ka aloostay geyiga Somalia iyo halka uu ku staagi doono Faraska-colaadda uu caynanka u qabtay Kornayl Caways??

 

 

 

 

 

Jawaabta su’aashaan waxaa dhabb ahaan u og Alle-wayne oo qur ah. Haddanse ka saadaaliyo waayo-aragnimada taariikheed ee dunida oo ah midd Somalida reer-guuraaga ah maankooda iyo maskaxdoodaba ka maqan- waxay ayaamaha Eebbe inna barayaan in dagaalka gar-darradu uu daa’iman iyo abadan ku dhamaadu Jabb iyo qoomame!!

 

 

.

 

 

Markii aynnu Ethiopia ku qaadnay Dagaalkii 1977kii. Ayaa annaga oo ku faraxsan guulihii aan gaarnay billawgii dagaalka ayay kukhubaradii Ruushka ahaa intii aan laga eryin dalka waxay nagu yiraaheen “ Somali dagaal ma taqanno. Waxaanno idin sheegaynaa: DAGAAL MEESHA UU KA BILAABMO YAUU KU DHAMAADAA!”. Dagaalku xuduuddiina ayuu ka bilaabmay iyada ayuuna ku dhammaan doonaa. Waxay intaas noogu dareen Laba dagaal-wayne ee Adduunku Barlin ayay ka bilaabmeen. Iyada ayayna ku dhammaaeen

 

 

.

 

 

Haddan u soo laabto dagaallada ahliga ee Uscdii Caydiid ka Oogtay Dalka Muqdisho ayuu ka billawday. Waxuuna Caydiid weerar ku ekeeyay min Gaalkacyo ilaa Balad-Xaawo wuxuuna ku dhamaaday Muqdisho. Dagaalkan ahliga ee uscda Maxkamadunhu Waxaan filayaa in uusan ka baxsanayn qawaaniintaas guud ee looga bartay ayaamaha Ilaaheen. Oo isaguna Muqdishada uu Col

 

 

Caways ka bilaabay weerarka ayuu ku dhamaaan.

 

 

Faraska Colaadduna muqdishada laga haynseeyay ayuu dhigayaa heensaha marka uu halkaa ku TIRFACO SIDII UU UGU TIRFACAY FARASKII CAYDIID haddii Alle yiri.

 

 

 

 

 

Waa : Dr. M. X. Said. Al-Jabarti.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

©mudugonline.com ®All rights reserved.

Contact us: webmaster@mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this