Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Voters REgistration Next Stop: SANAAG

Recommended Posts

MADAX DHAQAMEEDKA KASOO JEEDA DEEGAANKA DHAHAR OO KU KALA QAYBSAMAY DIIWAAN-GALINTA

 

Wararka Gobolka Sanaag Ka imanaya ayaa waxay intaa ku dareen in Cutubyo katirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee kuHargeysa(Gabileynews)- Madax dhaqameed kasoo jeeda Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa sheegey in aaney raali ka aheyn in ay kaqeyb qaataan Howsha Diiwaan-galinta ee Kaadhka Jinsiyada iyo ka codbixinta oo beri lagu wadey in ay ka bilaabanto deegaankaasi kadib markii wada xaajood lala galey dadweynaha deegaankaasi ee taageersan Xukuumada Somaliland.Madax dhaqameedka Degmada Dhahar ee diidan Diiwaan-galinta oo galbta u waramey idaacada BBC da laanteeda afka Soomaaliga ayaa iyagu ku adkeystey in arintaasi raaali ka aheyn Islamrkaana, ay tahey uun wax ku kooban Maamulka Somaliland oo aaney iyagu ogoleyn .

 

Waxaney cadeeyeen in ay taageersan yihiin Maamul Goboleedka Puntland oo ay isir wadaagaan Haseyeeshee,Duqey iyo Madex dhaqameedyo kale oo iyaguna kasoo jeeda isla Deegaankaasi ayaa iyagu siweyn u muujiyey in ay Taageersan yihiin Howsha Diiwaan-galinta ee ka bilaabantey Gobolka Sanaag Maalintii shaley ,kuwaas oo sida ay Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag Sheegayaan in ay ilaa xaley iyo maantaba Shir doceedyo dhinaca beelaha Warsangali ee (Dubeys iyo Cumar)ah ku galeen Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag .

 

Shirarkaas oo sida ay Wararku sheegayaan ay Madax dhaqameedka iyo Duqeyda Beesha Warsangali ee taageersan Somaliland ay ku doonayaan in howl wadeenada howsha Diiwaangalintu si dhaqso ah uga howl galaan Deegaankaasi ayaa shirkii ugu danbeeyey sida ay Gabileynews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo la sheegey galabta lagaley Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee halkaa kusugan kuwaas oo ku war galinayey in ay ka go,an tahey in Diiwaan-galintu ka qabsoonto Sanaag Beri oo dhan .Dhinaca kale waxa ay wararka Gobolka Sanaag Ka imanayaa intaa ku dareen in Cutubyo katirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa deegaanadaasi hore u ruqaansadeen iyagoo Amaankana aad u adkeeyey heegan adagana la galiyey .Sikastaba ha ahaatee

 

Waxey Dadweynaha reer Somaliland wali isweydiinayaan halka uu ku sugan yahey Wasiirkii Ciyaraaha iyo Isboortigu Maxamuud Siciid oo kasoo jeeda Sanaag beri haseyeeshee wali aan laga dareemin Miisaanka Siyaasadeed ee uu ku leeyahey deegaanka uu kasoo jeedo iyadoo horena isaga daraadii mudo imika sanad laga joogo xilka looga eryey Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Md Aadan Mire Waqaf ,oo xiligan ka tirasan Xisbiga Ucid laakiin ay isku khilaafeen arin ku wajahan amaro howlgalda Ciidanka ah oo kadhacey Deegaankaasi Degmada Dhahar ee Wasiirku kasoo jeedo,waxaney warar kale arintaa ku xidhiidhsani sheegayaan in ay Howshan Diiwaan-galinta ee Xiligana xurguf adagi ku kala dhex jirto labada Wasiir ee kala ah Cali Qoorseef iyo Maxamuud Siciid,oo dadka reer isweydiinayaan Ninka uu deyrtan Madexweyne Rayaale wax ka rumeysanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this