Sign in to follow this  
Suldaanka

More melitia desert PL and join SL as SL officials start touring Boo'ame District

Recommended Posts

Ciidamo kasoo goostay maamulka Puntland una soo galay maamulka Somaliland.

Warkii 21-Mar-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ciidamo kor udhaafaya 100 askari oo kasoo galay ciidamada maamulka Puntland isuna soo dhiibay ciidamada maamulka Somaliland ee hadda gacan ku haya Gobolka Sool.

 

Ciidamadan oo wata baabuurta xamuulka ah ee lagu daabulo ciidamada ayaa waxa ay kasoo kala galeen magaalada Laascaanood laba qaybood iyagoo isu soo dhiibay ciidamadii aagaga ay kasoo galeen ku sugnaa halkaas oo ay ugu tageen saraakiisha ciidamada Somaliland ee hadda ku sugan magaalada Laascaanood.

 

 

Mar aanu wax ka waydiinay mid kamid ahaa gadhwadeenadii ciidamada Puntland ee soo galay magaalada Laascaanood kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada maamulka Puntland sababta keentay inay isa soo dhiibaan una soo galaan maamulka Somaliland, ayaa waxa uu ku jawaabay ‘waxaanu in badan ka biyo diidsanayn musuq maasuqa iyo isdaba marinta ciidamada daraawiishta Puntland lagu hayay ee ay ku hayaan nimanka madaxda u ah maamulka kaas oo inuu kasii daro maahee aan waxba kasoo naaso cadayn’

 

 

Sidoo kale mar aanu wax ka waydiinay waa maxay waxa si gaar ah idiin kasoo saaray ciidamadiina 100 ka kor udhaafaya ciidamada Puntland ayaa waxa uu ku jawaabay ‘waxaan ciidanka ku sugan afka hore uusan mushahar qaadan in ka badan 15 bilood wax dayactir ah ama dhex imaad ahna aanan helin, ayaa waxaanu u aragnay in mar haddi maamulkii sare sidaa ku eeganayo ciidankiisii sabab aanu usoo fadhino afka hore aysan jirin mar hadaanu moral aanu ku dagaal galnaa jirin sidaa daraadeed waxaanu isu soo dhiibnay in maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Gobolka inaanu kamid noqono waxna la qaybsano ciidamada Somaliland’

 

 

Hadaba ciidamadan oo ay soo dhaweeyeen una khudbeeyeen saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxaa loogu balan qaaday in la qaramayn doono ayna kamid noqon doonaamn ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool lana qabi doonaan dhib iyo dheef taas oo ay si wayn usoo dhaweeyeen ciidamadii kasoo goostay maamulka Puntland.

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti ka socda Somaliland oo gaadhay degmada Boocame.

Warkii 21-Mar-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.

 

Waxaa gaadhay degmada Boocame ee gobolka Sool wafti ka socda maamulka Somaliland oo asal ahaan ka soo jeeda deegaankaas,kuwaas oo aan wax dhibaato kala kulmin tegitaankooda,waxaana loo soo dhaweeyey si fiican.

 

 

Waftigaas oo ka baxay degmada Laascaanood ayaa waxay halkaas u tegeen inay soo eegaan xaalada deegaankaas oo abaaro ba'an laga soo sheegayo,waxaana ay la kulmen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas.

 

Boocame oo ah meeshii ay ka dhaceen shirarkii deegaankaas ee ku saabsanaa xaalada gobolka ayaa waxa hada la filayaa in laga sameeyo maamul hoos taga maamulka Somaliland.

 

Waftigaan oo ka kooban siyaasiyiin ka timid dhinaca Hargeysa oo mudo hada jogay Laascaanood ayaa waxa ay mareen meelo kale oo ka tirsan deegaankaas.

 

Wafti ka socda wasaarada Waxbarashada ee gobolka Sool ayaa soo gaadhay Laascaanood,waxaana la fialyaa inay gaadhaan degmada Xudun iyo Taleex,si ay u soo indhaindheeyaan xaalada waxbarasho ee deegaankaas.

 

Waxaa ka jira abaaro ba'an guud ahaan deegaamada gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaana aan wax la taaban karo aan ka qaban arimahaas maamulka Somaliland ee ka gaabsaday inuu soo gaadhsiiyo caawimo iyo gurmad dadka abaaruhu naafeeyeen ee ku dhaqan dhulkaas.

 

Wararka waftigaas oo dhamaystiran iyo magacyada waftiga ha ka fogaan Afnugaal.com.

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this