Sign in to follow this  
Kamaavi

Jalleeco: Jabka Ethiopia Kagaro Bishaaro Wacdi

Recommended Posts

Kamaavi   

Waxaa maalmihii u dambeeyay gil gilay damiirka dadka Soomaaliyeed ee reer Ogadeenya kala badalasho dhex martay maamul goboleedka waqooyi-galbeed iyo cadawga umada soomaaliyeed ee xabashida oo ku saabsanayd gabadh qaali ah oo reer ********ya ah.

 

Dhinac markii la eego bishaaro waxay lamid ahayd tobonaan kun oo shacab ah oo hadh iyo habeen la xidho kuna jira xabsiyada guymaysiga ee militariga ama booliska laakiin waxay tani kaga duwan tahay iyadoo bisharo ay qabtay dhaawacyo hore, in ay dumar tahay iyo in laga soo qabtay iydoo joogta dad ay moodaysay inay wax wadaagaaan (dhalasho, dhaqan iyo diin).

 

Anigoo la wadaaga inta badan ee reer Ogadeenya sida wayn ee ay uga xun yihiin qabashadeeda hadana waxaa iiga soo dhex baxay sawir kale oo xaqiiq ah.

 

Waxaa ii muuqata in argagaxa iyo cabsida Ethiopia ay xiligan ka qabto ONLF ay marayso halkii ugu saraysay, waxaa taas ina tusinaysa in dawlada Ethiopia ay maamul kale iska kaashadaan soo qabashada hal qof oo dumar ah oo joogta meel ka baxsan Ogadeenya oo waxyeelada ay dawld u gaysan kartaayi ay aad u yartay.

 

Waxaa kale oo ahn ka fahmay qabshada Bishaaro in ciidanka ONLF ee gudaha Ogadeenya ku sugan uu noqday laga-samir oo Ethiopia ay ka quusatay isku day kasta oo ay ku doonaysay in ay ciidanka iyo madaxda ciidanka Jabhada. Haddii aad odhan lahayd mu sii faah faahiyo, wxaan u jeedaa waxaa ********ya gudaheeda ku sugan, Allaha dhawree Sheekh Deeq Maxamed (Hog. G/Dhigga), Cabdi C/llaahi (Gud. Xarunta dhexe), C/kariim Sheekh Muuse(Qalbi-dhagax) (abaanduulaha Ciidan),Sulub C. axmed (hog. garsoorka iyo ar. Diinta) iyo dhamaan taliyayashii qaybaha, hadaba intaas iyo qaar kaloo badan oo jooga badhtanka gudaha Ogadeenya maxaa Ethiopia ku kalifay in ay hargaisa u doonto gabadh dumar ah? Jawaab ka le maleh su’aashuye waxaad uun dhahdaa tabar la’aan.

 

Dhanka kale waxay na tusinaysaa dhacdadani in ay soo baxayaan dhagax-dhiga taariikheed ee tubta xoriyadda loo maro, waxaan u jeedaa waxaa reer Ogadeenya kazoo baxaya rag iyo dumar illaahay hibo usiiyay in ay muujiyaan hal adayg iyo dhiiraanaan ay ku dhalin karaan gobanimo, waxaa tusaale fiican inoo ah Bishaaro wacdi oo la dhibaataynayay ilaa 1994 wali kama aysan tanaasulin wixii ay doonaysay badahana kamay talaabin, waxayna ku soo kordhisay taariikhda Ogadeenya sadro cusub oo dahabi ah waana wax lagu dhaadan karo.

 

Marka la iskusoo duubo waxaan qabashada Bishaaro ka fahmi karnaa in kalsoonida Ethiopia ay marayso halkii ugu hoosaysay cabsida laga qabo ONLF-na ay marayso halkii ugu saraysay.

 

Barnaamijkii Axadla Ahaa ee Jalleeco ******today

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this