Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Pro Farjac top presedential candidate rubishes the Djibouti agreement

Recommended Posts

Puntland: Musharax ka mid ah Musharaxiinta utaagan Madaxweyne-nimada Puntland oo wax lalayaabo ku sheegay Shirkii ay saxiixeen rag kala matalayay Mucaaradka iyo dawladda Soomaaliya.

6. december 2008

 

Puntland(AllPuntland)- Cumar Cali Maxamuud (Farjac) oo ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa ka biyo diiday qodobadii ka soo baxay shirkii ay dalka Jabuuti ku kala saxiixdeen Ergooyin ka socdey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga kala jabey ee Dibu Xoreynta Soomaaliya.

 

Cumar Cali ayaa ku sheegay heshiiskaasi mid ka soo horjeeda danaha Umada Soomaaliyeed, markaasna loogu hiilinayo cid gaar ah wuxuuna ugu baaqay QM in ay dhexdhaxaad ka noqoto xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Musharaxan wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550 Xubnood, isagoo sheegay in aysan taasi marnaba galeyn maskaxda Umada Soomaaliyeed ayna tahay wax lala yaabo.

 

Farjac wuxuu taageeray go’aankii ay Xukuumada Puntland iska taagtay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in aysan marnaba Shacabka Puntland aqbali doonin qodobadii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti.

 

Musharaxa ayaa sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada Puntland ay si wanaagsan ku dhacdo, wuxuuna ugu baaqay dadka Puntland in ay Il gaar ah ku hayaan howlaha doorashada Puntland.

 

Mar uu ka hadlayay xaqa ay dadka Puntland uleeyihiin in laga qeybgaliyo wada hadalka Jabuuti ayuu sheegay in ay tahay mid muuqata oo cad, ayna jirin cid xaqiri karta, isagoo uga digey dadka doonaya in ay xaqiraan dadka Puntland in aysan noqon doonin mid suuragasha arintaasi.

 

Hadalkan ka soo baxay Musharax Cali Cumar Maxamuud loona yaqaano (Farjac) ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen kuna sheegeen mid aan ka hirgalikarin Dhulka Soomaaliyeed, sidoo kale isla warkan wuxuu ku soo beegmayaa xili aysan wali hirgalin qodobadii lugu soo saxiixay Jabuuti bishii hore.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Musharaxa Ugu Cad Cad Madaxweyne-nimada Puntland oo Wax Lalayaabo Ku Sheegay Shirkii ay Saxiixeen Rag kala Matalayay Mucaaradka iyo dawladda Soomaaliya.

 

Cumar Cali Maxamuud (Farjac) oo ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa ka biyo diiday qodobadii ka soo baxay shirkii ay dalka Jabuuti ku kala saxiixdeen Ergooyin ka socdey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga kala jabey ee Dibu Xoreynta Soomaaliya.

 

Cumar Cali ayaa ku sheegay heshiiskaasi mid ka soo horjeeda danaha Ummada Soomaaliyeed, markaasna loogu hiilinayo cid gaar ah wuxuuna ugu baaqay QM in ay dhexdhaxaad ka noqoto xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Musharaxan wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550 Xubnood, isagoo sheegay in aysan taasi marnaba galeyn maskaxda Ummada Soomaaliyeed ayna tahay wax lala yaabo.

 

Cumar Naxamuud "Farjac" wuxuu taageeray go’aankii ay Xukuumada Puntland iska taagtay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in aysan marnaba Shacabka Puntland aqbali doonin qodobadii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti.

 

Musharaxan ayaa sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada Puntland ay si wanaagsan ku dhacdo, wuxuuna ugu baaqay dadka Puntland in ay Il gaar ah ku hayaan howlaha doorashada Puntland.

 

Mar uu ka hadlayay xaqa ay dadka Puntland uleeyihiin in laga qeybgaliyo wada hadalka Jabuuti ayuu sheegay in ay tahay mid muuqata oo cad, ayna jirin cid xaqiri karta, isagoo uga digey dadka doonaya in ay xaqiraan dadka reer Puntland in aysan noqon doonin mid suuragasha arintaasi.

 

Hadalkan ka soo baxay Musharax Cumar Maxamuud oo loo yaqaano (Farjac) ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen kuna sheegeen mid aan ka hirgalikarin Dhulka Soomaaliyeed, sidoo kale isla warkan wuxuu ku soo beegmayaa xili aysan wali hirgalin qodobadii lugu soo saxiixay Jabuuti bishii hore.

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this