Sign in to follow this  
Goodir

Al Shabaab Speaker Admits Ties with Al Qaeda

Recommended Posts

Goodir   

Abuu Mansuur "Ururka Al-Qaacida xiriir ayaan leenahay, taas macnaheeduna ma ahan inaan ka tirsan nahay, anagu waxaan nahay koox Islaami ah oo ka dhisan Soomaaliya….”

 

Mogadishu Thursday , 05 March 2009 SMC

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera qeybteeda ku hadasha Afka Carabiga ayaa beeniyay wararka sheegaya in aas aaska Ururka Alshabaab ay ku lug leeyihiin dad shisheeye ama ajaaniib, isagoona sheegay in Ururka Al-Qaacida ay aysan ka mid aheyn, balse ay wadaagaan dhanka talooyinka

 

Abuu Mansuur ayaa ****olka ka qaaday in magaca Ururka Alshabaab ay aas aaseen Dad Soomaali, waxaana uu sheegay in Ururka si buuxda ugu howl galo Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku mideysan yihiin dhalinyaro Soomaali ah oo ka go'an in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

 

"Ururka Al-Qaacida xiriir ayaan leenahay, taas macnaheeduna ma ahan inaan ka tirsan nahay, anagu waxaan nahay koox Islaami ah oo ka dhisan Soomaaliya, waxaana doonaynaa inaan Shareecada Islaamka ka hirgelino dalkeena"ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan doonayn inay cid gaar ah dulmiyaan, balse ay doonayaan inay dhulkooda hagaajistaan, hadafkooduna uu yahay mid lagu doonayo in dalka lagu xukumo Islaamka iyadoo aan dadka la cadaadin.

 

"Hadafkeena waxaa uu yahay inaan Dagaalka sii wadno, si loo helo dhab ahaanshaha ku dhaqanka shareecada Islaamka cid walba oo taas ka hortimaadana waan iska leexinaynaa"ayuu mar kale ku celiyay Abuu Mansuur oo intaa ku daray in aanay jirin wararka sheegay in ay doonayaan in ay gaaraan Ilaa Gobolka Alaska ee Mareykanka, sida uu horay uga dhawaajiyay Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo sheegay in ay dagaalada sii wadayaan ilaa ay ka gaaraan Alaska, Jasiiradaha Solomon ilaa Japan.

 

Mar la weydiiyay sababta keentay inay ka horyimaadaan Dowlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo horay u ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka, ayuu ku jawaabay "Xukuumada Sheekh Shariif waxay wadataa dastuurkii aan ku diidnay C/llaahi Yuusuf, mana ahayn sababtii aan C/llaahi ula dagaalanay inuu ka yimid Puntland, ee waxay ahayd inuu dastuurka aamisan yahay oo uu diidan yahay Islaamka, ma taageersanin, waxaana ula dhaqmaynaa sidii aan ula dhaqanay TFG-da".

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Source: Somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this