Sign in to follow this  
Che -Guevara

Guddoomiyaha G/Bari ee Maamulka Puntland Speaks

Recommended Posts

Guddoomiyaha G/Bari ee Maamulka Puntland oo sheegay in dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda aan mas'uuliyadda amaan-xumo la saari karin

 

Arbaco, 16 December 2009 (HOL) Guddoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Goboleedka Puntland Muuse Geelle Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Hornafrik ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa sheegay in maamulkoodu uusan eedda amaandarrada ka jirta Puntland dusha ka saarayn dadka kasoo jeeda koonfurta.

 

"Dadka koonfurta kasoo jeeda lama saarayo eedda ammaan xumada ka jirta Punland, balse cid walba oo dambi gasha waa laga abaalmarinayaa iyadoo aan loo fiirinayn gobolka ay kasoo jeeddo" ayuu yiri Muuse Geelle.

 

Su'aal ahayd sababta uu maamulka Puntland ugu amaray inay dadka kasoo jeeda Gobollada koonfureed ay uga baxaan Punland, ayna yihiin kuwa ka dambeeya falalka amaan xumo ayuu ku jawaabay:

 

"Haddii meel amaan xumo ka dhacdo, cid walba waa la tuhmayaan, balse ma ahan in la yiraahdo koonfur dadka ka yimid ayaa ka dambeeya amaan xumada, waana mid aan aad uga xumaanay hadalladii kasoo yeeray Golaha Aqoonyahannada Digil iyo Mirifle" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

 

Afhayeenka golaha Digil iyo Mirifle Fowzi C/nuur oo shalay hadal u jeediyay qaar ka mid ah warbaahinta ku sheegay in maamulka Puntland ay ka digtoonaadaan falalka ay ku taroorayaan dadka Gobolladooda kasoo jeeda, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Bari uu ugu baaqay Fowzi in aqoontiisa uu kaashado oo aanay caadifadu ka badan.

 

Qaraxyada iyo falalka dilalka ah ee ka dhaca Puntland ayuu sheegay in dad loo hayo dhawaanna lasoo taagi doono Maxkamad lasoo taago, wuxuuse ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay hayaan, isagoo sheegay in qof aan dambi lahayn la saarayo dambi.

 

Habeen hore ayay ahayd markii qarax geystay dhimashada saddex askari oo ka mid ah ciidamada ilaalada ammaanka ee Punland iyo dhaawaca siddeed kale uu ka dhacay Magaalada Boosaaso, kaasoo loo adeegsaday miinooyinka la hago.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

mohxaaji@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Culumada Ahlu Suna Waljameecah & Waxgaradka Gaalkacyo oo cambaareeyey gawrac iyo dilal loo geystay dadka ku dhaqan Puntland ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya....Gaar ahaana falkii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay Galkacyo...

16. december 2009

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Laamaha Booliska Puntland ee gobalka Mudug ayaa xaqiijiyey gawraca labo nin oo ka soo jeeda dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan garan karin cidii ka dambeysay arrintaasi.

 

Wariyaasha APL oo tagay Cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa indhahooda ku soo arkay, labada nin ee meydka ah oo saaran halka loogu talagalay in la saaro dadka Meydka, iyadoo ay dadweynaha magaalada Gaalkacyo qaarkood oo boqday ay garteen nimankan.

 

Culumada Diinta ee magaalada Gaalkacyo iyo Waxgaradka ayaa dhaleecayn culus ujeediyey talaabooyinkan, waxa ayna ugu baaqeen Dawladda Puntland in ay la timaado wax qabad dhab ah oo ku wajahan arrimahan, waxa ayna sheegeen in dadka geysanaya talaabooyinkan ay yihiin dambiilayaal galay dambi weyn, loona baahan yahay sharciga in la horkeeno.

 

Masaajidada magaalada Gaalkacyo ayaa saacadaha nagu soo aadan ay culumada Diintu kala hadlayaan dadweynaha, si looga fogaado fal kasta oo bulshada dhibaato ku haya, waxaana ay ku baaqi doonana dabagal lugu sameeyo cid kasta oo lugu tuhmayo arrimahan.

 

" Diinta Islaamka aad bey uga hadashay dilka qof Islaam ah, oo la dilo, gawracna waa wax aad looga xumaado, oo ka baxsan Shareecada Islaamka kuna wanaagsaneyn dhaqanka oo aduunkan ka jira, markaas Culumadeenu waxa ay aad uga walaacsan tahay arrimahan, waxaana qaadi doonaa talaabooyin kasta oo aan geysan karno, oo ahayd mid nala ku yaqiinay oo ah in aan habka diiniga ah dadka ugala hadalno arimahan" Ayuu yiri mid ka mid ah Culumada Diinta Ahlu Suna Waljameecah.

 

Cida geystay falkan ayaan la garan karin ilaa hada, waxaana Boolisku ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay talaabadan, warar kala gedisan ayaa ka soo baxaya in nimankan la dilay oo rasaas lugu dilay iyo nin la gowracay, iyadoo wararku ay sheegayaan in mid ka mid ah nimankan rasaas lugu dilay, halka midka kalena lugu dilay Mindi, oo la gowracay.

 

24 Saac ee ugu dambeeyey dad aan la garan karin ayaa geysanayay falal kala gedisan oo lugu beegsanayo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Baay & Bakool, iyadoo ay adag tahay in la ogaado dadka ka dambeeya falalkan oo fulinayay.

 

Col. Axmad Cali Salaad oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug oo qabtay shir jaraa'id ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan arrimahan, balse ilaa hadana ma muuqato talaabo cad oo ay qaadeen ciidamada amaanka iyo Dawladda Puntland oo ku aadan sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinkaas.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Certainly not folks from Bay and Bakool, for one they have no political agenda in Puntland and two, they are most hardworking Somalis and have no time for silly things.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke....Matters alot, folks from Bay and Bakool are big part's Puntland's economic viability. And I don't understand why them, they have no concievable interest to see Puntland destabilized.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer no one is blaming the community of Bay & Bakool in Puntland, and also Puntland hosted these people and welcomed them, thus there should be no need for them to partake in such criminal activities, which some have done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this