Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Violence in Mogadishu. Latest victims reports!

Recommended Posts

Muqdisho: Sargaal ka tirsanaa ciidanka Booliska oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho.

- Sunday, July 31, 2005 at 17:54

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sargaal katirsana ciidanka booliska gaar ahaan qaybta sirdoonka ay dablay hubaysan ku dileen agagaarka Trey Biyaano xaafadda Taleex.

 

G/sare Maxamed Cusmaan Coon ayaa waxaa dilkan ugaystay koox dablay ah oo ku hubaysnaa qoryaha fud fudud kuwaasoo watay gaari yar oo ah nooca loo yaqaan Karoollaha ah .

 

Xilliga ladilayay Marxuumkan ayaa ahaa maruu kasoo baxay gurigiisa uuna ku dhex jiray gaarigiisa oo yaallay aagga Sarta Trey Biyaano ee degmada Taleex.

 

Wararka naga soo gaaraya Muqdisho waxay intaasi ku darayaan in marka ay dhacday geerida marxuum Coon uu rasaas iswaydaarsi dhex maray malleeshiyadii dilka gaystay iyo koox kale oo ilaalo ka ahaa dhismayaal hayadeed halkaasna waxaa ku nafwaayay gabar da' yar.

 

Dablaydii dilkan gaysatay ayaa baxsaday , lama sheegin cidda ay ahaayeen iyo halka ay kayimaadeen toonna dadkaasi wax laayay,Sargaalkan ayaa ahaa dadka u ololeeya in dalka Soomaaliya uu xasilo.

 

Ma ahan markii koowaad , labaad ama saddexaad oo sargaal sare lagu dilo magaalada Muqdisho , dilalka caynkaan oo kale ah ee dhacaya ayaa ah kuwo salka ay qaarkood ku hayaan aano qabiil halka wararka qaarna ay sheegayaan inay jiraan ururo iyo shaqsiyaad ugaarsada dadka doonaya in dalka laxasiliyo.

 

CCC Farayaamo

 

[ July 31, 2005, 02:05 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal dhowr daqiiqo ka hor lagu dilay Tre-Piano

Muqdisho

Waxaa dhowr daqiiqo ka hor lagu dilay daarta Tre-Piano ee xaafada Taleex ee degmada Hodon sarkaal ka tirsanaa ciidamada CID-da oo lagu magacaabi jiray Max'ed Cusmaan Con, waxaana sarkaalkan oo taagnaa meel biibito ah oo uu biyo la cabayey rasaas ku furay maleeshiyo wadatay gaaron Mark 11.

 

Habeen hore ayey aheyd markii agagaarka xaafada Cali kamiin lagu weeraray gaari uu la socday Sheekh Caan ka ah magaalada Muqdisho oo kooxihii weerarka u geystay ay dileen, iyadoo dhaawac halis ahna gaarsiiyey labo ka mid ah culimadii la socotay Sheekhaasi.

 

dhacdooyinka dilalka ah ee lala beegsanayo dadka wax-galka ah ayaa ilaa haatan aanan la ogeyn rasmi ahaan cidda ka dambeysa, iyadoo muddooyinkan ay yaraadeen dilalkaasi, balse maalmahan ay dib u soo laba-kac-leeyeen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa xalay weerar kedis ah oo lagu qaaday ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Khadiib-kii masjidka Abuuhureyra Sheekh Max’ed Muumin Haarruun oo kooxo hubeysan ay ku weerareen xilli uu saarnaa gaari marayey waddada Cali kamiin ee xaafadda X/jadiid ee degmada Wardhiigley.

 

Sheekha la dilay ayaa ahaa Sheekh caan ka ah magaalada Muqdisho oo Khudbada Salaada Jimcaha ka aqrin jiray Masjidka Abuuhureyra, waxaana xilliga la dilayey uu ka soo baxay Tafsiir uu ka aqrin jiray masjidka Abuuhureyra, waxaana lala dhaawacay 3 qofood oo uu ku jiray darawalka gaarigii uu saarnaa, iyadoo kooxihii falkaasi geystayna ay iska dhaqaaqeen.

 

 

“Dalkaan waxa uu la xasili la’yahay waxey tahay carada ALLE oo dadka magaaladan ku sugan ku dhacday, mar walba oo la dilo qof culimo ah oo dhiigiisa macna darro lagu banneeyo cid ka hadleysa ma jirto, marka masaajidada lagu tukunayo-na waa la soo buuxinayaa, waa in dadka muslimiinta ah ay dareenkooda ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin dilka qofka muslim-ka ah ee aanan waxba galabsan oo mar waliba macna darrada dhiigiisa lagu baneynayo†ayuu yiri Sheekh Musdaf Yaxye C/casiis oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Muqdisho, wuxuuna dilka Sheekha loo geystay ku tilmaamay mid lagu aamusinayo xaqa.

 

 

Dhinaca kale, waxaa dorraad ka dhacay fal dil ah oo aad u fool xun xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, markii labo gabdho oo ilma adeer ah laguna kala magacaabi jiray Deeqo Cali Sahal & Zam-zam Jimcaale Sahal ay is dileen, iyagoo dilalkooda u adeegsaday Toorey & Bastoolad.

 

Labadan gabdho ayaa horay waxaa u dhex-maray muran lacageed, waxaana mid ka mid ah ay ku eedeysay tan kale in ay ka qaadatay lacag, kadibna gabadhii lacagta laga qaatay ayaa dacwad u gudbisay waalidiinta gabadha kale, waxeyna waalidiintu u sheegeen in ay ka war sugto, balse muddo kadib markii ay jawaab ka weysay waalidiinta ayey soo qaadatay toorey, waxeyna ku dhufatay gabadhii ay aaminsaneyd in ay lacagteedii ka qaadatay, iyadoo gabadhii tooreyda lagu dhuftayna ay bastoolad la soo baxday kuna riday xabado, taasoo keentay in labadii gabdhood ay isla goobtii ku geeriyoodeen.

 

 

Muddadii 14-kan sano aheyd ee dalku ku sugnaa xaaladda dowlad la’aan & fowdada ah ayaa waxaa dhacayey falal aad u xun oo aanan horay kaga dhex dhici jirin qoysaska & caa’ilada Soomaalida ah dhexdooda, waxaana falalkaasi sal u ah markii la waayey dowladdii dhexe ka gadaal 1991-kii, iyadoo la arkay sanadihii u dambeeyey wiil aabihiis dilay, mid hooyadiis dilay, mid awoowgii dilay & dhaqamo sidaa oo kale ah oo aysan Soomaalidu dhaqan & hido u laheyn.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal Sare oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Posted to the Web Jul 31, 17:31

 

 

Muqdisho:-Alaha u Naxariistee G/sare Maxamed Cismaan Coon oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa abaarihii 10:30-kii barqanimo ee maanta ay kooxo hubeysani ku dileen agagaarka Taree Biyaano ee Xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho.

 

Sida ay Puntlandpost,u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo xiligii uu falkaasi dhacayey goobtaasi ka dhowaa,G/sare Maxamed Cismaan Coon ayaa sida la sheegay xiligii la dilayey waxaa uu kasoo baxay Gurigiisa waxaana uu soo aaday inuu cabitaan banaanka kasoo cabo,balse kooxo dabley ah oo watay Gaari yar oo Cad ayaa gaari uu Marxuumku watay soo agdhigtay waxaana ay durbadiiba oodda kaga qaadeen rasaas aad ufara badan ,taasoo uu ku dhintay Sarkaalku iyo Gabar yar oo halkaasi ka dhoweyd iyadoo sidoo kalana uu halkaasi ku dhaawacmay daraawalkii Marxuumka dhintay,lamina oga ilaa iyo hadda cidda ka dambeysa falkan dilka ah ee loo geystay Marxuunkaasi.

 

Aalaha u naxariistee G/sare Maxamed Cismaan Coon oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sar sareysa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa meydkiisa waxaa la geeyey Isbitalka Madiina,waxaana la filayaa in isla galabta Galinka Dambe in la aaso.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Magaalada Muqdisho lagu dilo sarkaal ka tirsan saraakiishii hore ee Soomaaliyeed,waxaana horey Muqdisho loogu dilay saraakiil dhowr ah oo magac iyo maamuusba ku lahaa umadda Soomaaliyeed,Taariikhdana baal dahab ah kaga jiray.

 

Waa dilkii labaad ee ka dhaca Muqdisho muddo 48-saacadood Gudahood ah iyadoo habeen horeyna magaalada Muqdisho lagu dilay Sheikh Caan ahaa oo la oran joray Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa qaadibiinta Masjidka Abaa Hureyra oo ku yaala wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.

 

Falalkan lagu ugaarsanayo dadka aqoonyahaniinta ah ee mudooyinkanba si aad ah ugu soo badanaya Muqdisho ayaa waxaa la oran karaa waa falal qorsheysan oo si aad ah loo soo abaabulay ,balse ilaa iyo iminka si dhab ah looma hayo cid si toos ah loogu eedeyey in ay falalkaasi ka dambeyso amaba ay ku lugleedahay ,sidoo kale waxaa arrintani ugaarsiga ah si aad ah uga argagaxay shacabka ku dhaqan Guud ahaan G/Banaadir oo iyagu qaarkood ayba guryahooda hoosta kasoo xirteen iyagoo ka cabsi qaba in ay ku timaado tookadooda islamarkaasina si macna darro ah loo dilo.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh ka mid ahaa Culumaa'udiinka ugu Caansan Magaalada Muqdisho oo xalay ladilay,Sadex kalana ladhaawacay

Posted to the Web Jul 30, 18:49

 

 

Muqdisho:-Aalaha u naxariistee waxaa xalay habeenimadii magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysani dileen Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa Culumaa'u diinka ugu caansan Magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kalana dhaawacay ilaa Sedex kale oo Culumo ah oo Shiikha la socotay.

 

Sh.maxamed Muumin Haaruun iyo Culumadii la socotay ayaa xiligii la dilayey waxaa ay kasoo baxeen Salaaddda Cishaha oo ay kusoo Tukadeen Masaajidka Abuu Hureyra oo uu Sheekhu ka mid ahaa Qaadibiinta Masjidkaasi,waxaana ay Kooxahan Dableyda ah u galeen wadada,iyagoo ku amray intii aysan rasaasta ku furin kahor in ay gaari ay wateen ay joojiyeen, balse ay ka biyo diideen culuma'udiintu inay istaajiyaan gaarigii ay wateen, taasina ay keentay in ay maleeshiyadii hubeysneyd ay rasaas huwiyaan.

 

Marxuum Sh.Maxamuud Muumin Haaruun ayaa maanta barqanimadii waxaa lagu aasay Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka magaadalada Muqdisho,iyadoo aaskiisana ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad ufara badan oo u badnaa Culumaa'u diin,oo iyagu si kulul u cambaareynayey dilkkii waxuushinamad ahaa ee sheekha lagula kacay.

 

Sh/C/laahi Xaashi oo isagina ka mid ah Culumadii la dhaawacay ee Sheekha la socotay ayaa waxaa uu xiligaasi tafsiir kasoo aqriyey masjidka Abuu Hureyra.

 

Lama oga ilaa iyo haatan cidda ka dambeysay weerarkan xalay lagu qaaday Culumaa'udiintan laguna Dilay aalaha u Naxariistee Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa Culuma'udiinka ugu caansan magaalada Muqdisho.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

300705_xamar.jpg

 

Maleeshiyo hubeysan oo dilay Imaamka Masjidka Abu Hureyra Muqdisho

Muqdisho:- Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah shiyuukhda magaalada.

 

Sheekh Maxamed Muumin Haaruun oo ahaa imaamka Masjidka Abu Hureyra ee kuyaal xaafada Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen gaari uu saarnaa.

 

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray weerarkan.

 

Waxaa sidoo kale dhaawacmay 3 qof oo kale oo gaarigaasi saarnaa.

 

Weerarkan oo dhacay xalay kadib salaadii Cishe ayaan la aqoon sababta keentay ayadoo ay horey magaalada Muqdisho uga dhaceen falal dil ah oo lala beegsaday Culimada magaalada.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Caan ah oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay Xalay.

 

{Muqdisho}30-07-05 mid ka mid ah culimaaudiinka soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqaanno magaalada muqdisho ayay xalay maleeshiyooyin hubaysani ku dileen xaafadda xamar jadadiid ee degmada wardhiigley ee magaalada muqdisho.

 

Sheekh maxamed muumin haaruun oo ahaa imaanka iyo khadiibka masjidka wayn ee abuu hurayra oo ku yaalla suuqa bakaaraha ayay maleeshiyooyin hubaysani rasaas huwiyeen salaaddii cishaha ka dib xilli uu ku sii jeeday gurigiisa uuna ka yimid masjidka oo uu salaadda cishaha ku soo dujiyay jamaacada.

 

Sheekha waxaa xilligii la weerayay gaari yar oo uu ku socday la saarnaa saddex nin oo kale oo iyana wadaaddo ah oo dhammaantood dhaawacyo soo gaareen in kastoo aanay dhaawacyada raggaasi khatar ahayn.

 

Tani waxay dhacday ka dib markii wadaha gaariga maleeshiyooyin hubaysani ka dalbadeen in uu istaago laakiin uu ka dhaga adaygay markii sida la sheegayo uu dareemay in ay furin rabaan dil wadareed qorshaysan oo lagu doonayay in dhammaan wadaaddadan looga takhaluso.

 

Markii wadaha gaarigu u hoggaansami waayay dalabka dablaydii dilka gaysatay ee ahaa in uu gaariga isbaajiyo ayay rasaas oodda kaga qaadeen taas oo keentay in shiikhu isla goobtii shilka ku geeryoodo.

 

Sheekh maxamed muumin haaruun oo muddo dhowr sano ah soo ahaa imaamka ioyo khadiibka masjidkaa abii hurayra halkaana ku akhriyi jiray kutub kala duwan ayaan ilaa haatan la garan ciidda dilkiisa ka dambaysay iyo ujeeddada ay ka lahaayeen dilkiisa.

 

Culimaa'udiinka soomaaliyeed ayaa qaarkood saxaafadda la hadlay waxay falka dilka sheekhan ku tilmaameen mid barbari ah oo bani aadmid nimada ka baxsan.

 

Sheekh xasan daahir aways oo ay shiikha la dilay aad isu garanayeen ayaa tilmaamay in falkaasi yahay mid waxshinimo in kastoo aanu cidina farta ku fiiqin,waxa uu sheekh xasan daahir aways sheegay in falalka ugaarsiga culimada iyo aqoonyahanku ay aad u kordheen ka dib markii lagu guul darraystay in la qisaaso ama go'aanno cad laga qaato dadka sida gar darrada ah wax u dilaya.

 

Iskuulka Almarwazi oo sheekh la dilay uu maamule ka ahaa ayay saaka isugu soo bexeen boqollaal ka mid ah ardaydii wax ka baran jirtay oo wajiyadooda murugo fara badan laga dheehan karay,iyagoo cambaareeyay dilkii maamulihii iskuulkooda sheekh maxamed muumin haaruun oo ay tilmaameen in aanu galin haba yaraatee wax keeni kara in dhiiggiisa la daadiyo oo la dilo.

 

Dilka shakhsiyaadka muhimka ah ee culimada iyo aqoonyahannada isug jira ayaa aad ugu soo kordhayay toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo aan walina la garan cidda ka dambaysa falalkaasi.

 

dhawaan ayay ahayd markii magaalada muqdisho lagu dilay agaasimihii hay'adda cilmi baarista iyo wada tashiga soomaaliyeed ee CRD C/qaadir Yaxye sheekh Cali iyadoo maalin ka dib dilkiisana la khaarijiyay taliyihii ciidammada maxkamadda islaamiga ah ee ifka xalan xirsi lugay ,kuwaas oo aan ilaa hadda meel la saarin raadkoodana la garan dadkii dilkooda ka dambeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khaadimkii masjidka Abu Hureyra ee magaalada Muqdisho oo xalay la diley

Muqdisho - 30.July.2005 Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan Bakaaraha lagu diley Khadimkii masjidka Abu Hureyra ee deegaankaas,Sheekh Maxamed Muumin Haaruun.

 

Khadimka la diley ayaa waxaa weerar ku soo qaadday koox malleyshiyo ah mar ay khadimka iyo wadaado kale ay wateen baabuur iyagoo ka baxay salaadii cishaha.

 

Dableyda weerarkan soo qaadday ayaa loo malaynaya in ay doonayeen in ay baabuurka ay wadaadadu wateen ay dhacaan, halkaas oo rasaastii ay fureen uu ku geeriyoodey khadimkii masjidka, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen isla dhacdadaas saddex wadaad oo kale kuwaas oo laba ka mid ah lagu magacaabo Shiikh C/laahi Cali Xaashi iyo Shiikh C/naafac.

 

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

La soo galiyay: 2005 Jul 30 - 10:11

• Waxaa xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen salaadii cisho kadib qadiimkii masjidka Abuu Hureysa xili uu ku sii jeeday...

 

Xaafadiisa oo ku taal xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho.

 

 

Khadiimka iyo sadax culumo oo kale ayaa waxay saarnaayeen Baabuur Mark II ah iyadoo kooxaha geystay falkan ay ku amreen in darawalka gaariga joojiyo hase ahaatee darawalkii dheg jalaq u siin waxayna burcaddii ku fureen rasaas aan loo aaba yeelin waxaana halkaas ku dhintay Khadiimka Masjidka Abuu Hureysa oo lagu magacaabi jiray Sh. Maxamed Muumin Haaruun halka dhaawac uu kasoo gaaray Sheekh wacdi ka aqrin jiray masjidka oo la yiraahdo Sh. C/llaahi Xaashi iyo labo kale.

 

 

 

Lama yaqaan sababta keentay weerarkan lala beegsaday culimada iyadoo aysan jirin wax war ah oo laga helay ehelada sheekha la dilay iyo kuwa la dhaawacay, Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culimaa'uddiinka Muqdisho ayaa cambaareeyay kooxaha gaystay falkan iyadoo uu sheegay in taas ay qeyb ka tahay xasilooni darada ka jirta Muqdisho.

 

Cali Muxayadin Cali

Garoweonline-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Imaamka Masaajid ku yaala Magaalada Muqdisho oo xalay la dilay.

 

 

By MOHAMED ALI MOHAMUD (MADKA), Allgedo Online

 

 

MUQDISHO, Somalia - Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Suuqa Bakaaraha lagu diley Imaamka masjidka Abu Hureyra oo ku yaala deegaankaas. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninka la diley ayaa waxaa weerar ku soo qaadday koox malleyshiyo ah mar ay khadimka iyo wadaado kale ay wateen baabuur iyagoo ka baxay salaadii cishaha.

 

Dableyda weerarkan soo qaadday ayaa loo malaynaya in ay doonayeen in ay baabuurka ay wadaadadu wateen ay dhacaan, halkaas oo rasaastii ay fureen uu ku geeriyoodey khadimkii masjidka, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen isla dhacdadaas saddex wadaad oo kale kuwaas oo laba ka mid ah lagu magacaabo Shiikh C/laahi Cali Xaashi iyo Shiikh C/naafac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another senseless Killing.

 

Dagaalkii ka dhacey maalmihii lasoo dhaafey deegaanka Iidaale ee gobolka Baay ayaa lagu waramayaa iskiis inuu iminka u istaagey.

 

July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Mukhtaar Maxamed Catoosh. Baydhabo.

 

Dagaalkii ka dhacey maalmihii lasoo dhaafey deegaanka Iidaale ee gobolka Baay oo ay isaga soo horjeedeen maleeshiyooyin beeleedyo deegaan ku muransan, ayaa lagu waramayaa iskiis inuu iminka u istaagey, waxaana bilowdey dadaalo la doonayo in lagu hakiyo xiisada halkaasi mar kale kasoo cusboonaatey.

 

Waxaa dagan xaalada tuulada Iidaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow oo iska hor imaadyo hubeysan maalinimadii shaley ay ku dhex mareen laba maleeshiyo hubeysan oo mudooyinkii ugu danbeeyey isku hayey gacan ku heynta tuulada Iidaale, laakiin wararku waxey tilmaamayaan in maleeshiyaadka ku dagaalamey tuulooyin kaasi ay wali isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, iyadoo dagaalkuna la sheegay iney iskiisa uu u joogsadey.

 

Iska hor imaadka shaley halkaasi ka dhacey ayaa waxey sababeen dhimasho saddex ruux oo maleeshiyaadka labadda dhinac ah ee dagaalamayey, iyadoo ay tiro kalana uu dhaawac uu kasoo gaarey dagaal kaasi.

 

Wararka kale oo goor dhow soo baxey waxa ay tilmaamayaan in khasaaraha uu intaasi a ka balaaran yahay, xaaladda amaan ee tuulooyinka ay rabshaduhu ka dhaceena uu yahay mid faraha kasii baxaya, iyadoo tuulooyinka katirsan degmada Qansax Dheere ay kusoo noq noqdeen dagaalo u dhaxeeya beelaha isku haya gacan ku heynta tuulada Iidaale oo dad fara badani ku geeriyoodeen.

 

Laakiin haatan waxaa muuqanaya ifafaalo nabadeed oo lagu doonayo in xabad joojin lagu kala dhex dhigo qeybaha isku haya tuulada Iidaale, oo daba yaaqadii sanadkii tagey dab la qabad siiyey markii labadda beel ay iska hor imaad isaga hor yimaadeen dagaalo maalmo soconayey halkaasi.

 

Dadaalada lagu doonayo in xabad joojin lagu dhex dhigo ayaa haatan waxey ka soconayaan guddaha magaalada Baydhabo, degmada Qansax dheere iyo tuulooyinka ku teedsan deegaanka Iidaale, waxaana dadaaladaasi wada waxgarad iyo odayaal labadda degmo ku kalasugan, inkastoo odayaashii kusugnaa maalmihii ugu danbeeyey tuulada Xagar Kaah oo la sheegay iney heshiis nabadeed ka dhex wadeen labadda dhinac ayaan ilaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin arrinta rabshadahaasi, warar lagu kalsoonaan karana waxa ay tilmaamayaan in odayaashaasi ay dib ugu soo laabteen guddaha magaalada Baydhabo.

 

Beryihii ugu danbeeyey tuulada Iidaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow waxaa kusoo noq noqayey dadaalo laga dhex wado labadda beelood oo halkaasi isku haya, wuxuuna dagaalka salka ku hayaa gacan ku heynta tuulada Iidaale, iyadoo arrintaasna ay sii adkeyneyso khilaafka u dhaxeeya labadda dhinac.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ilaa laba milyan oo Doolarka Mareykanka ayaa lagu waramayaa iney gareyso lacagihii iyo hantidii ku baabadey dabkii ka kacey suuqa Gaarisa Two magalada Nairobi.

 

July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Axmed Muuse Cabdulle. “Idaawaqacaâ€

Nairobi, Kenya.

 

Ilaa laba milyan oo Doolarka Mareykanka US $“2,000,000†ayaa lagu waramayaa iney gareyso lacagihii iyo hantidii ku baabadey dabkii habeenkii hore ka kacey suuqa Gaarisa Two xaafada Islii ee magalada Nairobi, suuqaasoo ay ku ganac sanayeen Soomaalida.

 

Xiriir ay la sameysay HornAfrik dadkii ay hantidooda ku gubatey xaafada Islii ee magalada Nairobi, ayaa waxey u sheegeen in khasaare aan la koobi karin oo ku wajahan suuqa Gaarisa Two uu ka dhacey halkaasi habeen hore.

 

Dadku waxey sheegayaan in hanti aad u fara badani ay ka gubatey iyadoo ugu yaraan dadka marka aad la sheekeysato qolo waliba ay kuu sheegeyso in ka badan toban kun US $ â€10,000†iney halkaasi kaga gubatey.

 

Qiyaas lagu sameeyey khasaarihii uu geystay dabkii ka kacey habeen hore suuqa Gaarisa Two, ayaa waxey gaareysaa in ka badan US $ “2,000,000†iney kor u sii dhaafeyso, iyadoo aysan jirin cid ay u doontaan lacagtaasi maadaama aysan ku jirin â€Insurance†ceymis.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto talaabo cad oo la taaban karo oo uu qaadey booliiska lagulana tacaalayo soo qabashada cida ka danbeysay gubashada suuqaasi, walina lama hayo suuq gubtey dad loo xirey mid hore iyo midkanba, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee dhalisay gubashada suuqa, waloow dadka ay isla dhex marayaan warar aan ilaa iyo hadda la xaqiijin.

 

Suuqan ayaa lagu iibin jirey waxyaabo kala gadisan oo ay ugu badnaayeen dharka, iyadoo dhinaca kalana uu ka ahaa bakhaaro lagu xareeyo waxyaabaha dukaamadaasi lagu iibiyo.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Koox hubeysan oo maanta dil u geystay Col. Maxamed Cismaan Coon oo ka tirsanaa saraakiisha CID ciidanka booliska Soomaaliyeed.

 

July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Koox hubeysan ayaa maanta dil u geystay Col. Maxamed Cismaan Coon oo ka tirsanaa saraakiisha CID ciidanka booliska Soomaaliyeed.

 

Col. Coon ayaa dilkiisa waxa uu ka dhacay agagaarka Three piano ee u dhow Lambar 4 ee magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa isla goobta falku ka dhacay ku geeriyootay gabar goob ganacsi joogtay iyadoo Nin dhalinyaro ahana dhaawac uu soo gaaray.

 

Mid ka mid ah dadkii xilligaas joogay halka uu ka dhacay falka dilka ah ayaa Horn Afrik u sheegay in kooxahaas ay u dan lahaayeen dilka Col. Maxamed Cismaan Coon.

 

Falalka dilka ah ee qorsheesan ayaa maalmahan dambe ku soo kordhaya magaalada Muqdisho iyadoo dadaalo ay ka socdaan magaalada Muqdisho, laguna doonayo sidii nabadgalyada loogu soo celin lahaa caasimada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalis all over the world are furious and rightly angry about the senseless killing of innocent good people! We should all express our disgust towards the people who did this appauling act of terrorism and crime.

 

 

Hey,ada u dooda xuquuqda shacabka Soomaaliyeed saldhigeeduna yahay caasimada Norwey ee Oslo waxa ay cambaareyn dusha ooga tuureysaa gacan ku dhiiglayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ee caadeystay in ay gumaadaan aqoon yahanada iyo culimada .

 

 

Waxaan xasuusineynaa wax magaratada caadeysatay Dilka in waqti ku haboon la saari doono Maxkamad Caalami ah.

 

Hey,adu waxa ay ku boorineysaa shacabka Muqdisho ku sugan iyo nawaaxigeeda in ay ka dhii dhiiyaan falxumada lagula kacayo.

 

Waxaan ka codsanayaa cidii ka warheyso burcadii ka dambeysay dilka marxuumka (Sheekh Maxamed Muumin ) in ay nala soo xiriiraan si aan oogu gudbino magacyada dambiilayaasha Maxkamada Aduunka saldhigeeduna yahay Holand magaalada Hague.

 

Gudoomiyaha Somali Peace Party

Xuseen Yaasiin Gode Gode

Political Sceintist

Head Quarter:Norwey:Oslo

Email:somali_peace_party@hotmail.com

Tel:47-90626845

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha Muqdisho oo soo dhoweeyay waanwaan Q/Midoobay ka dhex sameyneyso labada Garab ee dowladda Federaalka

 

Shir ay maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho xubnaha labada Gole ee ku sugan caasimadda oo uu guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga soo saaray go’aano ku saabsan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Kulankaas oo ay ka qeyb galeen inta badan xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan ayaa warbixin looga dhageystay Maxamud C/llaahi Jaamac (Sifir) ayaa gunaanadkiisii waxaa saxaafadda la hadlay Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay inay isla garteen soo dhoweynta dadaal uu sheegay in loogu jiro heshiisiinta labada dhinac ee dowladda federaalka oo ay wado Q/Midoobay.

 

«Annagu waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka Q/Midoobay ku dooneyso inay nagu dhexdhexaadiso, waxaan rabaa in khilaafka jira laga wadahadlo UN-ku ka qeyb galo, aqoonyahanadda Soomaaliyeed-na goobjoog ka ahaadaan» ayuu yiri Shariif Xasan oo sii raaciyay in diyaar u yihiin waanwaanta Un-ku wado, ayna rajeynayaan in la isla ogolaado xal u helidda dhibaatada dowladda ka dhex taagan si dib loogu midoobo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

 

Waayaha, Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Muqdisho, Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa waxa ay maanta shirqool ku dileen Sarkaal sare oo ka Tirsanaa ciidamada Danbi Baarista Soomaaliya.

 

Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay Meel u dhow isgoyska KM4 ee degmada Hodan agagaarka Tre-piano , waxaana marxuumka la oran jiray G/sare Maxamad Cismaan Coonka oo ahaa , waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha Booliiska ee ka howlgasha Xarunta CID ee magaalada Muqdisho.

 

 

Marxuumka ayaa la sheegay inuu watay Gaari yar keligii, waxaana rasaas huwiyay Dabley aad u hubeysan,islamarkiibana waxaa la sheegay inay xawaare dheereeya ku baxsadeen.

 

Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dilka loo geystay sarkaalkan, waxaana meydkiisa galabta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

 

 

Falakn dilka ah ayaa waxaa uu dhacay maanta Barqanimadii,iyadoo saacad ka dib nin kale oo gaarigiisa kaxeysanayay isna si gaadmo ah ay ku dileen duhurnimadii kooxo hubeysan agagaarka Xarunta weyn Shirkadda Isgaarsiinta Nationalink ee Magaalada Muqdisho.

 

Falalka dilka ah ayaa labadii cisho ee ugu danbeysay ku soo kordhay magaalada Muqdisho ,iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa falalkan xilligan ku soo beegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Maxamed Muumin Oo Xalay Dabley Hubeysan Ku Toogteen Magaalada Muqdisho.

 

 

Muqdisho Guulane. kooxo hubeysan ayaa weerar gaadmo ah ku dilay Allaha U Naxariistee Marxuum Shiikh <axamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa Mashaa'iqda sida weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho.

 

shiikha ayaa xiligii ay weerarayeen dableydaasi waxuu marayay xaafadda Xamar Jadiid isagoo ka yimmi masjidka Abuu Hureyra oo uu Imaam Ka Ahaa isla markaana uu kitaab ka aqrin jiray.

 

gaariga uu saaraa Wadaadka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa sadex ruux oo isaga la socotay isla markaana gaariga la saareyd, lama garan ilaaiyo waqtigaasi cidda Dambiga Geysataya iyo halka ay ka socdeen intaba, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in uu ahaa dilkaasi mid qorsheysan.

 

Aaska Marxuum Shiikh Maxamed Muumin oo ay Ka soo qeyb galeen adweyne aad u farabadan oo ka kala yimmi egmooyinka magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho aqoonyahano iyo Culumaa'udiin ayaa dhamaanba waxey cambaareeyeen falkii lagu dilay Wadaadka iyo kuwii ka dambeeyayaba.

 

shiikh Maxamed Muumin Haaruun ayaa waxuu ahaa wadaad Dagen oo Dhalin Yarro ah waxuuna ka mid ahaa Maamulka Dugsi ku Yaal agagaarka eegaanka Gubta, waxuuna gacan saar la lahaa hey'addo badan oo ka tirsan wadamada Isu taga Imaaraadka Carabta, Isagoo dhismooyin Masjiddo iyo Iskuulo ah ka hirgaliyay Magaaladda Muqdisho.

 

 

Abshir Cali

 

Guulane.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this