Sign in to follow this  
Somalina

Eid Greeting- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed

Recommended Posts

Somalina   

sh1258873670.jpg

Thursday, 09 September 2010 18:57

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa caawa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga oo ku began maalinta berry ah.

 

Khubad gaaban oo uu madaxweynuhu ka sii daayay Radio Muqdisho ayuu madaxweynuhu ugu hambalyeeyay shacabka, isagoo shacabka u sheegay in ay taageeraan nidaamka dowladnimo ee dalka ka jira si loo samata bixiyo umadda.

 

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay nasiib darro tahay in magic diimeed lagu dhibaateeyo umadda Muslimiinta ah ee sooman, isla markaana la caadeysto burburinta dalka Soomaaliya, ayadoo la sheeganayo Islaanimo iyo Soomaalinimo.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu ay la dagaali doonto kooxahaasi una istaagi doonto badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo shacabka ugu baaqay in ay difaacaan garab istaagaana dowladda, si dhibka looga baxo.

 

Ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu khudbadiisa dadka Soomaaliyeed ugu sheegay in ay is kaalmeeyaan si gaar ahna loogu gargaaro dadka Masaakiinta ah maalinta ciidda si ay farxadda munaasabadda ay uga qeyb qaataan.

 

Halkan ka dhegeyso Khudbada Madaxweynaha Soomaliya

 

Bless our president, and May Allah protect him from the wolves surrounding him

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciida ciida ciida ciid wanaagsan ciida

 

 

PS: Ninna adiga iyo Duke ma SOL affair baa idiin socda, meelkalena waan ujeeday adigoo leh caawaan kusoo laabaanaa iyo asagoo leh I enjoyed that :D

 

Walaal kaftan wacan iyo ciid wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D

 

Haddii aan sheekeysano ma dhibaato ayaad u aragtaa? waa laguu sheekeynaa adigaba, laakiinse soo qaado number uun oo safka iska soo gal... ;)

 

Eid Wanaagsan walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay Ciidul-Fidriga.

Friday, 10 September 2010 08:54

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee manta dalku marayo iyo dhibaatada ay wadaan maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbiga, waxa uun Madaxweynuhu sheegay in cadowga ummada Soomaaliyeed uu marba shaar soo gashado haatana uu wato mid diimeed. . DHEGEYSO

 

Madaxweeyne Shariif oo ka qeybgalay Xaflad lagu maamuusayay Ciidul fidriga oo ka dhacday madaxtooyada ayaa uga tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed falkii shalay ay kooxaha argagixisada ah ku weerareen Garooka diyaaradaha iyo kuwii ka horeeyay ee lagu xasuuqay Umadda Soomaaliyeed.

 

Wuxuuna sheegay in falkaasi uu yahay mid ay ka muuqato fulaynimo iyo Tabar darri soo wajahday kooxaha Iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Shacabka soomaaliyeed iyo dowladdooda.

 

Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay in ay Alle u noqdaan oo ay ka towbad keenaan dambigii horay loo galay oo uu sheegay in ay Soomaaliduwajaheyso Abaalmarintiisa.

 

Madaxweyne Shariif ayaa Xafladan ka hor Salaada Ciidul Fitriga boqolaal Muslimiin ah ku tushiyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad diini ah oo ku saabsan munaasabada Ciidul Fitriiga, waxa uuna tilmaamay in ciidan ay tahay mid cadowga ummada Soomaaliyeed uu shacabka u diiday in ay farxad ku ciidaan, isagoo ugu duceeyay shacabka Soomaaliyeed in dhibaatada uu Allah ka dulqaado.

aamiin aamiin!

 

Daawo Sawirada Madexweynaha...and Enjoy it smile.gif

01a%20369.jpg

01a%20370.jpg

01a%20360.jpg

01a%20361.jpg

01a%20362.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

the one block president...enjoy the last few months in mugdisho, any man who brings christeins onto muslim soil...i would spit on his face, calls himself a wadad, as the president when you are asked about it on Judgement Day, he will be responsible for everyone who was killed by the foreign troops, he will be asked about every ******* child they give birth to, he will be asked about his conduct.

 

Give your lecture Sharif, but you are no shieck, or if you are a shieck..your a so called shieck who has never read the Quran.

 

Inshallah, mugdisho and its people find peace, inshalah the forieign troops get taken out, and inshalah you get a xalal government.Amen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Cabdi: Hello! Warya Cali, lacgtaan kuu so diray ma heshay?

 

Cali: Hello! Haa Cabdi, lacgta waan helay. Eeen..eeen..can you call me back in five minutes, Sheikh Sharif is on the radio.

 

Cabdi: Sheikh Sharif? Oo maxa dhacay?

 

Cali: War saxaafadeed.

 

Cabdi: Ok. I'll call you back in five. I hope he's got good news.

 

Five minutes later...

 

Cabdi: Hello! Haye Cali, madaxweenaha muxu yiri?

 

Cali: Wuxuu yiri, ciid mubaarak!

 

Cabdi: Muxu kale oo yedhi?

 

Cali: Waxba! Ciid Mubaraak iyo dagaal banu ku jirna.

 

Cabdi: Yaaa?

 

Cali: Waa intaa uun

 

Cabdi: intaa ayaayday ba oran karta, nooh. Ma marko barya dhan aamusnaa oo dadka dhinac walba laga duqeenayay ayuu ciid mubarak la so yimid? NAGA DAAAYAAAAAAA!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this