Sign in to follow this  
General Duke

Col.Cabdullaahi Yusuf oo la kulmay Col.Qaddaafi

Recommended Posts

Col.Cabdullaahi Yusuf oo la kulmay Col.Qaddaafi

 

 

Burtinle-Online

Khamiis, March 31 2005

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ee maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Liibiya ayaa habeenimadii Arbacada la kulmay hogaamiyaha dalkaas Mucaamar Al-Qaddaafi.

 

Col.Cabdullaahi Yusuf iyo Col.Qaddaafi ayaa la sheegay in ay kawada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo doorka ay dowladda Liibiya ka qaadan karto nabadeynta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

 

Col.Cabdullaahi Yusuf ayaa Qaddaafi uga mahad naqay taageerada walaalnimo ee uu had iyo goor la garab taagan yahay ummadda Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Col.Qaddaafi ayaa Cabdullaahi Yusuf uga mahad naqay dadaalka uu ugu jiro nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay in uu halkiisa kasii wado isku dayga uu ku doonayo inuu Soomaaliya nabad iyo kala dambeyn kusoo dabaalo.

 

Wafdiga Cabdullaahi Yusuf ayaa maalmo badan ku sugnaa Liibiya iyadoo uu hogaamiyaha dalkaas Mucamar Al-Qaddaafi ka maqnaa dalkiisa, isagoo ku haray dalka Aljeeriya oo lagu qabtay shirkii madaxda Jaamacada Carabta, kulamana uu halkaa kula lahaa hogaamiyeyaal Carbeed. Cabdullaahi Yusuf iyo wafdigiisa ayaa intii ay sugayeen imaatinka hogaamiyaha Liibiya waqtigooda ku lumiyay dalxiis ay ku tageen gobolo kamid ah dalka Liibiya.

 

Wafdiga Cabdullaahi ee booqanaya Liibiya ayaa waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Saalim Caliyow Ibrow, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

 

Hogaamiyaha Liibiya ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb weyn ka qaatay hurinta dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, isagoo hubeyn jiray qaar kamid ah dagaal-oogayaasha Soomaalida.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulaahi Yuusuf iyo Raysul wasaare Geedi oo la kulmay Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi.

 

March 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca) Kenya_Nairobi

 

Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo Raysul wasaare Geedi ayaa Xarunta madaxtooyada Liibiya kula kulmay Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi.

 

Madaxwayne Cabdulaahi Yuuuf iyo wafdgii uu horkacayey ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Jamaahiiriyada Liibiya Mucamar al Qadaafi kulankaa oo ay labada Hogaamiye ku qaadaa dhigeen xiriirka soo jireenka ah ee Labada wadan.

 

Kulankaas ayaa waxaa ku wehliyay madaxwaynaha Soomaaliya Rasulwasaare Cali Maxamed Geedi ku xigeenada wasiirka koowaad Eng Xueen Maxamed Faarax Caydiid,Saalim Caliyoow Ibroow,Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Imaaciil, Xuseen Ceelaabe Faahiye Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari.

 

Kulankaas ayaa madaxwaynaha liibiya looga codsaday in uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada dhaqaalaha Caafimaadka waxbarahada iyo Xoolaha waxaa kaloo madaxwayna Liibiya laga Codsaday in wadamada Carabta iyo Afrika ku dhiirigaliyo taageerida Xukuumada Soomaalida.

 

Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi afgard iyo farxad badan sida uu Qadka Taleefoonka iigu xaqiijiyay Afayeenka Xukuumada Federalaaka ah ee Soomaaliyeed C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari.

 

Madaxwaynaha Liibiya ayaa wafdiga Xukuumada Soomaaliyeed ugu Sameeyay Casho Sharaf qasriga Madaxtooyada ee Liibiya isaga oo balan qaaday in Soomaaliya uu ka taageeri doono dhinacyada dhaqaalaha iyo Siyaasada.

 

Dhinaca kale. waxaa isla maanta kulan yeehay Rasulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo dhigiisa liibiya waa wasiirka arimaha gudaha Naasir Mabruuk Cabdalle oo ay wehliyaan safiirka Cabdulaahi Xasan waxaa kaloo kulankaa Joogay safiirka Soomaaliye ee liibiya Maxamed Huseen Ilko dahab.

 

Labada ma uul waxa ay kawada hadleen arimo badan oo quseeya Labada dal ee Walaalaha ah ee Liibiya iyo Soomaaliya guud ahaana waa la isku afgartay qodobadii ay kawada hadleen waxaana ka mid ah qodobadaaas.

 

1- in ay Dowlada Liibiya qayb libaax ka ciyaarto siyaasada Soomaaliya walibana ay ciidamada Carbeed ee ka qayb qaadanaya xasilinta Soomaliya ka mid noqoto.

 

2- In labada Dal Soomaaliya iyo Liibiya iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa Dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyed kuna dhimanaya Badaha Liibiya iyaga oo ku sii jeeda Wadamada Yurub,

 

3- In Dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay ku laabtaan Dalkooda Soomaaliya ay Xukuumada Liibiya ka bixiso tahsiilaadka dhinaca Duulimaadka.

 

4- Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliye Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waxa uu mahad balaaran uga celiyay Xukuumada Liibiya sii daynta ay sii daayeen Maxaabiistii Soomaaliyeed waxa uuna ku sii adkeyey in ayan Xirin Dadka Soomaaliyeed ee Muhaajiriinta ah.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Liibya Naasir Mabruuk Cabdalle ayaa si farxad badan ku soo dhaweyay dhamaan codsigii ka yimid dhinaca Soomaaliya isaga oo xusay in Soomaaliya tahay mid ka mida wadamada Carbeed ayna ku dadaalayaan sidii ay cagaheeda iskugu tagi lahayd,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this