Sign in to follow this  
Rokko

Baraawe, Buulamareer, Marka, Kuntunwaarey Qoryooley waxaa lagu beeraa xashiish

Recommended Posts

Rokko   

Sheekh Yuusuf Indha cadde "Baraawe, Buulamareer, Marka, Kuntunwaarey & Qoryooley waxaa lagu beeraa xashiish, mana jirto dad beertoodii inta la dhacay

Marka

 

 

(Dayniile.com) Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose SheekhYuusuf Max'ed Siyaad (Indha cadde) ayaa qiray in xashiishad lagu beero deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay ka mid yihiin Baraawe, Buulamareer, Marka, Kuntuwarey & Qoryooley isla markaana maamulkoodu uu si weyn ula dagaalamay kuwa caadeystay dhaqankaasi foosha xun, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan jirin beer ay dad leeyihiin oo xoog inta looga qaatay lagu beeray xashiish, isaga oo intaa raaciyay in maamulkiisu uu wax weyn ka qabtay arrimaha nabadgelyada, caafimaad & waxbarashada.

 

 

Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Indha cadde wuxuu sheegay in maamulkoodu uusan qaadin wax canshuur ah balse ay ka qaadaan dadka xoogaa qidmo ah oo lagu sugayo amaanka gobolka, wuxuuna xusay wixii ku saabsan maamulka gobolka Sh/hoose in wax laga waydiiyo odayaasha iyo salaadiinta dhaqanka ee u dhashay gobolkaasi, isla markaasina aan wax laga waydiin shaqi caadi ah.

 

 

"C/llaahi SH. Ismaaciil iyo anigu gobolka ayaanu u wada dhalanay xaqna wuu u leeyahay C/llaahi in inta uu dadkiisa u yimaado uu abaabul dhinaca nabada ah ka sameeyo isaga oo aan xoog wax ku raadinaynin" ayuu yiri Indhacadde isaga oo dhinaca kalene sheegay in gobolka Sh/hoose ka abaabulayo shir wada tashi ah oo ay yeelanayaan golaha samatabixinta.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,

Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this