Sign in to follow this  
General Duke

Gen Mohamed Ali Samatar's- family gain support of Somali's in diaspora

Recommended Posts

Qoyska Gen. Max’ed Cali Samatar oo Taageero Doon Ku Yimid Minnesota

 

By: Abdirahman Ceynte

 

alis4.JPG

 

Minneapolis , MN – HOL. Shir kooban oo eey soo qaban qaabiyeen Somali Justice Advocacy Center iyo shaqsiyaad kale, laguna taageerayey qoyska Jen. Max’ed Cali Samatar ayaa maalintii Sabtida ee December 25-ka aheyd lagu qabtay qol yar oo ku yaalla Hoteelka Holiday Inn ee agagaarka xaafadda Somalidu ku badan tahay ee Cedar ee magaalada Minneapolis. Kulankan ayaa lagu tafatiray dacwo ka dhan ah Jen. Max’ed Cali Samatar iyo Yusuf Cabdi Cali (Tuke) oo labadooduba saraakiil sar sare ka ahaa xukuumadii Max’ed Siyad Barre. Dacwadan, oo nuxurkeedu yahay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo eey sheeganayaan mudaciin Soomaaliyeed ayaa ka furantay gobolka Virginia oo ah halka eey labada sarkaal-ba deggan yihiin. Wada tashi dheer kadibna, waxaa la isku af-gartay in la sameeyo guddiyo isku xira taageerada Jen. Max’ed Cali Samatar, siina amba qaada.

 

Jen.Max’ed Cali Samatar waa sarkaalkii ugu sareeyey ee Ciidankii Qalabka siday darajo wahaan. Talis ahaana, wuxuu ahaa qofka labaad ee Madaxweynaha ku xigay. Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne ku xigeene wuu soo noqday. Waxaa kaloo la sheegaa inuu la taliye soke u ahaa Madaxweynaha.

 

Dacwad Madani ah ayaa lagu soo oogay Mr. Samatar November 10, 2004. Mudacayada dacwadan oo lix qofood ah ayaa hal qof oo kaliya ka magacaaban yahay. Waana nin la yiraahdo Baashe Cabdi Yusuf oo sida dacwada ku qoran ku nool Atlanta, Goeriga oo Mareykanka ah iyo affar Somalia ku nool, halka uu mid kamid ahna dalka Kuwait ku nool yahay. Mr. Baashe ayaa sheegtay in isagoo la shaqeynaya hey’ad UFFO la yiraahdo, oo wax ka qabata horumarinta iskuullada iyo istibitaalada, la xiray, laguna tuhmay “Khiyaamo Qaranâ€. Taas oo dil xukunkeedu ahaa. Toddoba sano ayuu ku soo liqay xabsi Muqdisho u dhow, halkaasna lagu jirdili jiray, sida uu ku sheegtay.

 

Mudaca ku nool Kuwait oo aan magiciisa dacwada ku qorneyn ayaa sheegay in isagoo arday jaamacadeed ah 1989 la qabtay, markii “ragga Isaaqa ah ee Muqdisho deggan†la hareereynayey, waa sida dacwada ku dhigane. Wuxuu sheegay in xeebtii Jaziira la geeyey isago iyo tobanaan kale, deedna iyadoo shan shan la isu tooganayo uu isagu dhaawac fudud soo gaaray, ha yeeshee uu meyd iska dhigay. Kadibna carrada lagu duugay. Halkaas oo uu iska soo faagay markii askartu baxeen, kadibna baxsaday.

 

 

Yusuf Cabdi Cali (Tuke), eedeysanaha labaad, oo aad moodo inuusan taageero midda Mr. Samatar helay u dhiganta uusan helin, ayaa horey looga masaafuriyey wadanka Canada bishii October ee 1992, kadib markii eey dowladda Canada ku heshay “waxashnimo xag jirtaâ€, waa sida dacwadiisa ku qorane. 1993 ayuu Mareykan yimid, halkaas oo uu daganaansho joogto ah dalbaday, isagoo ku dhaartay inuusan wax danbi ah galin, markii uu arjiga buuxinayey. Laakiin 1994-tii ayeey Waaxda Socdaalku ku amartay inuu Mareykanka isaga huleelo, ka gadaal markii “uu is daba marsiiyey xogta arjigiisa deganaanshaha†Kadib, si iskiis ah ayuu Kenya isugu masaafuriyey. Misana 1996 ayuu soo rogaal celiyey, laakiin markan xaaskiisa oo dhalasho Mareykan ah heysata ayuu ku soo biiray. Laakiin Waaxda Socdaalkuna 1998 ayeey ku soo rogaal celiyeen oo xireen, iyagoo ku eedeeyey inuu “is daba marsiiyey arjigiisii 1993-daâ€. Hase yeeshee, qaalli ayaa markii danbe xukmiyey in arjigii Tuke ee 1993 uusan aheyn “mid hadda jiraâ€, isla markaana uu Tuke ka tanaasulay arjigaas. Sidaas ayuuna Tuke tan iyo waagaas isagoo xor ah ku joogaa Virginia.

 

Maxaa Mareykan Keenay Dacwad Soomaaliyeed?

 

Khabiir ku takhasusay sharciyada oo aan ka wareystay sida Dacwad Madani ah qof Mareykan jooga loogu soo oogi karo, isagoo lagu heysto danbiyo uu meel kale ku galay ayaa ii sheegay in hadii dowladda Mareykanku saxiixdo heshiis caalami ah, sida midkii Geneva oo kale, Aqalka Odayaasha iyo Madaxweynuhuna ansixiyaan, uu sharcigaas iyo ciqaabihiisaba ka dhaqan galayo cariga Mareykanka. Isagoo kamid noqonaya “Law of the Land†ama qaanuunka dalka. Deedna cidii danbiyadaas xitaa wadan kale ku soo gashay lagu soo oogi karo.

 

Afhayeenkii qoyska Mr. Samatar, Dr. Cali Axmed Nur oo ka soo socdaalay dalka Canada, eeyna la socdeen Zahra iyo Yusuf oo kamid ah caruurta Mr. Samatar ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa : “ Walaalayaal: Sida aad la socotaan bishii November 11, 2004 ayaa waxaa dacwad madani ah lagu soo oogey mudane Maxamed Cali Samatar, dacwadaas oo aan ahayn mid xaq ah, oo raadkeedu yahay caddaalad darro ee ah mid looga dan leeyahay in odayga Maxamed Cali Samatar ah sumcaddiisa iyo karaamadiisa lagu dilo, loogana xayuubsado hanti wax alla iyo wixii gacantiisa ku jirta.

 

Walaalayaal: Anaga ma idin lihin dembiile daafaca, mana idin lihin maamulkii dalka ka jirey iyo kuwii sannadihii ka dambeeyeyba wax ay dembi oo galeen ma jirto. Hase yeeshee ma qabno in ay tahay xaq in mas'uuliyiintii dalka Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo, loona muujiyo dembiilaha keliya ee geystey dhammaan tacadigii dhammaan ka dhacay dalka Soomaaliya.â€

 

Wuxuu kaloo Dr. Cali sheegay in ololahan eey ka sii wadi doonaan gobollo kale, sida Ohio, Seattle, California iyo xitaa London, U.K.

 

Wanla-Weyn Necbi?

 

Mid kamid ah dadkii halkaas isna hadallada taageerada ah ka soo jeediyey, Dr. Hussien ayaa tibaaxay inuu aad uga xumaaday falka loo geeystey Max’ed Cali Samatar. Wuxuuna raacsiiyey in dacwaddani eey “Qabyaalad†salka ku heyso, isla markaana “eey Wanla-weyn necbi tahayâ€.

 

Oday Soomaaliyeed ayaa isna ku daray in dhacdadan eey tahay “heyb raadsiâ€, isla markaana eey sii ballaaraneyso hadii aan wax laga qaban.

 

Laakiin Afhayeenka reer Max’ed Cali Samatar, Dr. Cali ayaa diiday in eey jiraan beel ama beelo Soomaaliyeed oo isku wada raacsan dacwadda Mr. Samtar, mar uu ka jawaabayey su’aal aheyd “ ma jiraan gobollo ama beelo habeysan oo abbaaraya Max’ed Cali Samatar?â€

 

Zahra Max’d Cali Samatar ayaa iyana si qiiro leh u muujisay sida eey ugu faraxsan tahay “taageerada loo muujiyey†aabaheed. Waxeeyna sheegtay ineey iyadoo hurdaba ladi la’a eey la soo xiriirtay Cumar Jamal, Madaxa Somali Justice Advocacy Center oo ah xarun aalaaba u doodda xuquuqda Somalida ee Mareykanka, gaar ahaan Minnesota. Kadibna uu Cumar Jamal walwalkeedii in badan ka yareeyey.

 

Dhismo Guddiyo.

 

Gunaanadkii kulanka ayaa dhidibada loo aasay saddex guddi oo kala ah: Guddiga hagista, guddiga dhaqaale uruurinta iyo guddiga warbaahinta. Guddiga hagista oo qeybta libaax ka qaadan doona isku xirka taageerada Max’ed Cali Samatar ayaa waxaa lagu daray qaar kamid ah odayaasha Magaalada iyo Cumar Jamal. Halka guddiga dhaqaale uruurinta eey kamid tahay Faadumo Hiirad oo aheyd wariye qaran iyo dhowr qofood oo kale.

 

Xarunta dacwadan gacanta ku heysa Center for Justice & Accountability ayaa caan ku ah daba gal eey ku sameeyso saraakiisha reer Latin America ee geystay danbiyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah. Barta eey xaruntu ku leedahay Internet-ka ayaad ku arkeysaa tiro fara badan oo saraakiil Latin America u dhashay oo Mareykanka laga masaafuriyey. Kiiska Max’ed Cali Samatar & Yusuf Tuke-na meesha ugu hooseysa ayuu ku qoran yahay.

 

Taleefonadii aan u diray iyo fariimihii aan u dhaafay toona iguma soo celin xaruntu wali, lagana yaabee ineey salka ku heyso xilliga fasaxyada ee lagu jiro Mareykanka.

 

Ma ahan markii ugu horreeysay oo saraakiil ka tirsan dowladii Siyad Barre lala beegsado dacwooyin noocan oo kale ah. Bishii July 15-keedii ee sanadkan 2004 ayeey Wasaaradda Ammaanka Qaranka Mareykank, gaar ahaan Waaxda Socdaalku masaafurisay Qaalli Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cabdi Cali Nur Max’ed oo loo yaqaanno “Qaalli Nuurâ€. Isagoo lagu soo oogay inuu amar ku bixiyey in la xasuuqo dad rayid ah, qabiilkooda iyo fikirdooda dartiis, meel u dhow magaalada Hargeysa ee Somalia.

 

Sidee loo arkaa dhacdooyinkan?

 

Fikrado kale duwan oo iska soo horjeeda baa jira. Qaar baa u arka in dacwooyinkani eey u xuubsiibteen nidaam qabyaaladeed. Isla markaasna uu hurin karo colaadda dhex taalla beelaha Soomaalida, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland. Halka qaar kalena u arkaan ineey tahay caddaaladii oo caga yeelatay. Waxeeyna ku doodayaan in nidaamkii Siyad Barre uu si ula kac ah u sifeeyey beelo kamid ah Somalida, isla markaana eey haboon tahay in saraakiisha ka jooga nidaamkii Siyad Barre la dabo galo, meel walba oo eey joogaan, gaar ahaan wadamada Galbeedka ee u dhaga nugul xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

 

Sheegid waxaa mudan in is qabqabsiyada ka dhax aloosma Soomaalidu eey badanaaba midabyo kale yeeshaan durbadiiba, gaar ahaan kan qabyaaladda.

 

C/raman Ceynte

E-mail: ceynte@hiiraan.com

Hiiraan Online

Minneapolis , MN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warqaddii Qoyska Reer Maxamed Cali Samatar ee uu Akhriyey Dr. Cali Nuur Axmed:::

Midig: Dr. Cali Nuur Axmed, Yuusuf Maxamed Cali Samatar , iyo Sahro Maxamed Cali Samatar

--------------------------------------------------------------------------------

 

alis3.JPG

Mohamed Ali Samatar's two children and Dr Ali Nuur

 

 

Anagoo kala ah Dr. Cali Nuur Axmed, Sahro Maxamed Cali Samatar iyo Yuusuf Maxamed Cali Samatar, kuna hadlaaya codka Qoyska Maxamed Cali Samatar, ayaan waxaan marka hore jeclahay in aan idiin soo gudbiyo salaan kal iyo laab ah, marka xiga waxaan hortiina rabaa in aan uga soo jeediyo mahad gaar ah walaalaha kala ah: Saadiq C/Raxmaan, Cumar Jamaal, C/Kariim Maxamed, Dr. Xuseen Warsame, iyo Cali C/Rashiid, sidii sharafta lahayd ee ay noogu soo dhoweeyeen magaalada Minneapolis. Waxaan kaloo mahad u naqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee maanta shirkaan nagala soo qayb gashay.

 

Walaalayaal: Sida aad la socotaan bishii November 11, 2004 ayaa waxaa dacwad madani ah lagu soo oogey mudane Maxamed Cali Samatar, dacwadaas oo aan ahayn mid xaq ah, oo raadkeedu yahay caddaalad darro ee ah mid looga dan leeyahay in odayga Maxamed Cali Samatar ah sumcaddiisa iyo karaamadiisa lagu dilo, loogana xayuubsado hanti wax alla iyo wixii gacantiisa ku jirta.

 

Walaalayaal: Anaga ma idin lihin dembiile daafaca, mana idin lihin maamulkii dalka ka jirey iyo kuwii sannadihii ka dambeeyeyba wax ay dembi oo galeen ma jirto. Hase yeeshee ma qabno in ay tahay xaq in mas'uuliyiintii dalka Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo, loona muujiyo dembiilaha keliya ee geystey dhammaan tacadigii dhammaan ka dhacay dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambaystii, waxaan halkan idiinku nimid in aan idin soo gaarsiino dhacdadaas gardarada ah, idinkana dalabno taageero si aan isaga dafacno gardaradaas aan geedna loogu soo gaban ee xaq darrada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

like i have said before No hiding place left for those who commited crimes and such individuals will be hunted down and justice serve.

 

like those before him he will taste his medicine

 

 

this is TUKE BURNING A CHILD ALIVE in the distric of Gabiley...

 

tuke2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..

 

Wafti ka socda Qoyska Maxamed Cali Samatar oo Booqasho ku maraya Magaalooyin ka mid ah Maraykanka, ayagoo hadda Soo gaarey Minnesota....

Minneapolis (SomaliTalk.com : 26/12/2004): Shir ay ka soo qayb galeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahay iyo shacab ku dhaqan magaalada Minneapolis oo rag iyo dumarba leh ayaa xalay lagu qabtay Hoteelka Holiday In ee xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis. Shirkaas oo lagu soo dhoweeyey wafti ka socdey qoyska reer Maxamed Cali Samatar oo booqasho ku yimid magaalada Minneapolis si ay reer Minnesota uguga xog waramaan dacwad madani ah oo ka socota Virgia, dacwadaas oo lagu soo oogey Maxamed Cali Samatar.

 

Waftiga ka socdey qoyska oo uu hoggaaminayey Dr. Cali Nuur Axmed waxa kale oo la socdey wiil iyo gabar uu dhalay Maxamed Cali Samatar.

 

Shirkaas waxaa warqad ka soctey qoyska ka akhriyey Dr. Cali Nuur, waana kan qoraalkii laga akhriyey shirka:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaylici   

What you gays are doing is becoming a victim to ongoing political societal decay. You are perfect replica of what we learn about ethnic conflicts, ethnocentrism, and propensity for ingroup bais and outgroup discrimination, investing emotions on minor isses, ethnicising every issue. You are reflection of what I learn from social sceintists. A 14th century Historian philosopher, Ibnu khalduun asserted that there are laws and social patterns that are descernable, among them he said is group feeling and blind bais and discrimination of outgroups. Samsam and Cali Samatar are examples. Continue the work I might add. Good lack.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

As a tax-exempt organisation, Somali Justice Advocacy Center, has to follow State and Federal laws. For example, 501 © 3 organizations "must be organized for religious, charitable, scientific, testing for public safety, literary, or educational purposes." And nothing else. Since Ali Samatar has been accused of human rights violations, it will be interesting to see if this tax-exempt organization has broken any State or federal laws.

 

Though I do not mind certain public sector to raise funds for his defense, but a non-for-profit organization to use the tax payers money on people accused of human rights violations while ignoring those who suffered, is an insult to justice. It will be very interesting to see if the SJAC organization has broken any law.

 

It is a case worth to watch.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this