Sign in to follow this  
General Duke

After 17 years Somalia's Foreign Ministry reopens + New Ambassador to Germany named

Recommended Posts

Danjire Maxamuud Maxamed Tifow oo loo dhaariyey inuu Safiir ka noqdo dalka Germany. Daawo Sawirada

 

DSE1.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyey Ambassador Maxamuud Maxamed Tifow inuu danjiraha dalka Somalia ugu noqda dalka Germany waxaana lagu dhaariyey Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Ka hor inta aan la dhaarin ayaa waxaa hadal gaaban u jeediyey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo u sheegay in Danjire Tifow looga baahan yahay inuu lasoo baxo karti dheeri ah oo noqdo ninkii isku xeri lahaa labada dal isla markaana uu yahay nin ka masuul ah dalka Somalia shacabkooda oo dhan.

 

 

Sedex qofood baa gaadiidkooda ku xeran kara Calanka Baluuga ah ee xidigta shangeesoodka leh dhexda kaga taalo, waana Madaxweynaha, Danjireyaasha iyo Gudoomiyeyaasha Gobolka, hadaba taasi waxay cadayn u tahay inaad wakiil ka tahay Jamhuuriyada Somalia oo dhan waxaanu kaa sugaynaa isbadal iyo in labada dowladood waa Somalia iyo Germany inaad ka dhigto kuwa isku xeran hadii taasi lagaa helana waxaad kasban doontaa inaad ka dalacdo Danjirenimada ayuu kula dardaarmay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

 

Dhaarintii ka dib ayuu Md. Prof. Maxamuud Maxamed Tifow lagu wareejiyey Warqadihii Aqoonsiga ee Dowladda Somalia iyadoo horey uu madaxweynaha Germany horey ugu aqbalay in uu safiir u noqdo dalka Somalia.

 

Ambassador Tifow ayaa horey ay u magacaabeen Golaha Wasiiradda iyadoo dowladda Germany laga sugayey aqbalaad laga bilaabo maalinta uu warqadihiisa aqoonsiga ugudbiyo dowladda Germany ayuu ku wareegayaa safaarada Somalia ee ku taala Dalka Germany magaalada Munich.

 

Dhaarinta Ambassador Tifow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Jaamac iyo Safiiro iyagana sugaya aqbalaada dowladdihii loo magacaabay.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSE6.jpg

 

Muqdisho: Xarun cusub oo wasaaradda arrimaha dibada xafisyo u noqoneysa oo xariga laga jaray

 

2. Oktober 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta xariga laga jaray dhismaha iyo xarunta ku howlgaleyso wasaaradda arrimaha dibada halkaasoo laga dhigay goob si weyn loo dayac tiray oo loo qalabeeyay.

 

Munaasabada furitaanka xaruntaasi oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday labada gole ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Md. Maxamed jaamac Cali oo ka warbixiyay qaabka ay ku howlgaleyso wasaaraddu iyo dhismaha xaruntan cusub oo ay yeelatay.

 

Agaasimaha wuxuu kaloo ka warbixiyay dhismaha xarunta oo uu sheegay iney tahay mid ku timid dadaalka madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta wasaarada oo ku guuleystay maanta in xariga laga jaro xaruntan cusub ee wasaaradda arrimaha dibada.

 

Dhanka kale munaasabad lagu dhaarinayey safiirka dowladda Soomaaliya ugu wakiil noqonaya dalka Jarmalka ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada iyadoo uu goob joo ka ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Danjire Maxamed Maxamuud Duqoow ayaa lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa kaasoo uu guddoonsiiyay waraaqihii aqoonsiga ee danjirenimo iyadoo loo rajeeyay safiirka cusub in Ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay uuna waajibkiisa u guto si daacad ah.

 

Safiirka cusub ee Jarmalka Md. Maxamed Maxamuud Duqoow ayaa isna ballan qaaday inuu ka soo dhalaali doono xilka loo magacaabay oo uu shacbiga Soomaaliyeed uu u adeegi doono si caddaalad ah dhaqsina uu ugu ambabixi doono dalka Jarmalka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

What is General Morgan doing in that Pic, getting out his ciggerate or making a phone call, I thought he had fallen off with Old man, Duke when was that pic taken, recently or old picture?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this