Sign in to follow this  
General Duke

Minister Maxamuud Sayid Aaden+ Army comman 95% of Mogadishu security under control

Recommended Posts

Muqdisho: Dowlada Soomaaliya oo guul ka gaartay Howgalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

8. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Inta badan dowlada Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay nabada ku soo celinta Magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya.

 

Dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta war ay shaacisay ku sheegtay in gabi ahaanba magaaladu tahay meel nabdoon markii todobaadkan la weeraray fariisin ay daganaayeen kooxaha nabad diidayaal ay ugu yeertay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Wasiiru dowladaha wasaarada Arimaga gudaha ee dowlada faderaalka KMG ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in lasoo afmeeray howgalladii ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo degmada Heliwaa.

 

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in soo afmeeridan ka danbeysay markii la qabtay Saraakiil sare oo ka mid ah kooxaha amarada siin jiray kooxaha wax weerara ,isagoo wasiiru dowluhu carabka ku dhuftay in dhawaan la soo bandhigayo.

 

Maxamuud Sayid Aaden ayaa intaasi raaciyey in dadkaasi yihiin kuwa Madax ka soo noqday Maxkamadihii dalka laga saaray sannadkii hore ,inkastoo uu sheegay in dhawaan Saxaafada loo soo bandhigayo.

 

"Dhamaan amaanka magaaladu waa 95% waa lasoo afmeeray inta badan howgallada ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya isagoo sheegay dhawaan lasoo afmeerayo kooxaha qaraxyada ka wada Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho"Ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Maxamuud Sayid Aaden.

 

Dhinaca kale Wasiirku wuxuu beeniyay in ciidamada dowlada Soomaaliya oo dhan ka baxeen degmada Heliwaa isagoo sheegay in ay halkaasi ka baxeen ciidamada gurmad kuwaasoo uu sheegay in soo dhameeyaan howgallo ay halkaasi ka wadeen 3 todobaad oo xiriir ah.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

AFhayeenka ciidanka booliska oo ka war bixiyay gobo ay ka guureen ciidamada.

Written by Xassan Bile User Rating: / 0

 

Col.Yuusuf Xuseen Cisman (Dhuumaal) ayaa sheegay in ay ciidamadaasi ay yihiim ciidamo mobayl ah oo la geeyo mee shii larabo.

isagoo sheegay in ay kooxaha ay laad sanayaan ay guur guuraan hadba meel ayeey dagaan kadib ciidamada waxaa qasab ku ah meeshii ay ku tuh maan in ay kadaba guuraan.

 

waxakale uu sheegay in ay isticmaalaan kooxaha ay ku raad joogaan in ay iska soo dhigaan haween ay indha sharer soo xirtaan ay xamaali iska dhigaan .

 

waxakale uu sheegay ciidanka meesha laga soosaaray in looga soo saaray iyadoo laga gaaray dan tii laga lahaa meeshana waa meel shacab leeyahay .

 

midakale wuxuu sheegay in ciidamada xalay laga dilay labo askari iyagana ay kadileen labo.

 

waxakale uu sheegay in aysan jirin wax ciidan lasheego oo kazoo hor jeeda waxa dhuumaaleeysanaayo waa wax uu ku sheegay dad ilaa toban qof oo xabado bash bash iaka siiyo oo carara.

 

dhuumaal waxa kale uu sheegay in qolooyinka ka soo horjeeda tababka ay isticmaalaan oo kale ama ka badan ay isticmaali doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

G/Sh/Dhxe Yuusuf Dhuumaal " Ciidamadu waa Mopil hadba meesha loo arko in looga baahanyahay ayaa la geynaa"

 

Madaxa hawlgalinta Ciidamada Police-ka Dawlada Federaalka G/Sh/Dhexe Yuusuf Dhuumal ayaa waxa uu ka warbixiyey sababaha keenay in ay ka soo baxaan Ciidamada Police-ka goobihii ay ka daganaayeen Degmada Hurwaa ee Magaalada Muqdisho.

 

G/Sh/Dhexe Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidamadu yihiin Mobil oo kale lana geynayo hadba meeshii loo arkaa in ay amaanka ka sugi karaan.

 

"Anagaa horey u dajinay Fasiimidii Hurwaa hadana anagaa ka soo saarnay markii aan aragnay in aan looga baahneyn hada waxaase sheegayaa in ay laabanyaan hadii ay timaado baahidii ay u tageen kal hore" Ayu Yiri Yuusuf Dhumaal.

 

Dhinaca kale Ciidamadii Police-ka ee laga soo saaray Hurwaa ayaa saaka la dajiyay Agagaarka Shineemo Puntland iyo waliba Hotel Ramadaan.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Last time I looked, Dhuumaal was the police chief of Gedo. What in the world is he doing at Mogadishu?

 

Maxamuud Sayid Addena Gedo markii lagasoo musaafuriyey ayuu Cabdullahi Yusuf afhayeenkiisa noqday.

 

Waa yaab, ileen bahasha lacag la yiraahdo waaba mucjiso. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Facts and figures in parallel within the past 24 or so hours hapenning IN Mogadishu...one of us must be reading the wrong headliness...AGAIN.

 

DukeY maxaa lagu daweeyaa odoy hadeey injir...Injidh or Dhiqle or boodo or anyone of those little nasty bloodsucking parasites aay madax kaagasho...????

 

Somalia: Ethiopian Troop Base in National Stadium Comes Under Attack: 8 september 2007

http://allafrica.com/stories/200709080026.html

 

Gunmen kill cops in Mogadishu attacks

http://www.mg.co.za/articlePage.aspx?articleid=318626&area=/breaking_news/breaking_news__africa/

 

Somalia: 5 killed in Mogadishu as violence rising September 8

http://somalinet.com/news/world/Somalia/12821

 

Somalia: Militants ambush soldiers in Wardhigley neighborhood

http://somalinet.com/news/world/Somalia/12818

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this