Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasn trip changes nothing,

Recommended Posts

Shariif Xasan waxa loogu yeeray lacag hal malyan oo doolar" Ibraahim Max'ed ***** Ibrow

 

aweys_shariif_Xassan_muqdisho.jpg

London, Ibraahim Max’ed Isaag Ibrow oo ah xubin ka tirsan golaha baarlamka Soomaaliyeed oo xalay ka hadalay shir lagu qabtay magaalada London uu qabtay wasiirka arimaha dibada iyo xuno ka tirsan balamanka ayaa waxaa uu sheegay in Shariif Xasan Guddoomiyaha Barlamku uusan wadin danta Soomaalida magaalada Muqdishona hadda uu ugu socdo lacag halmalyan oo doolar ah oo maxaakiimtu ugu yeereen.

 

Ibrow oo ka halay wax qabadka dawlada iyo cabadaha hortaagan ayaa sheegay in caqabadaha ay ka mid yihiin Shariifka oo arintiisu ay tahay mid ganacsi , waxaana taas ku garan kartaan buu yiri xilligii uu xubnaha barlamaka ula goostay magaalada Muqdisho dabadeedna uu sa sabay M/weyne Cali Cabdalla Saalix oo weliba uu siiyey lacag 4 baabuur.

 

“xilligii la heshiisiinayey M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye shariif Xasan ma ahayn in heshiisku iska yimid waxaa la soo siiyey 600 kun oo dolar iyo 4 baabuur” ayuu yiri Ibrow.

 

Ibrow ayaa sheegay inuusan Shariirku keliya ka soo horjeedin dawlada FS oo gura balse waxaa uu iyana uu diidanyahay buu yiri horumarka dalka dadka reer Bay iyo Bakool, waxaana uu rabaa in dadka gobolku aysan ka soo kaban dhibaatooyinkii dagaal ee ay soo mareen.

 

“aniga iyo shariif Xasan isku filna waa nahay isku beelna waa ka soo jeedna marka waan idin ka badiyaa waana ogahay talaaba kasta oo uu qaadayo” ayuu yiri mar kale yiri Ibrow.

 

Marka la eego hadalka Ibrow ayaa waxaa muuqata kala fogaan u dhexaysa xilldhibaanada baarlamaka iyo weli diblomaansiyo la,aan dhexdooda ah oo aysan jirin wax dhexdooda ku qarsoo, waxaa iyana aad uga naxay hadalka Ibrow ka soo qayb glayaashii shirka, waxaana mar qura bilowday guux.

 

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya shariif Xasan sh. Adan ayaa ka dagay magalada Muqdisho

Posted to the MOL November 5, 2006, 7:10 am

 

Muqdishu:- Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Xubno ka mid ah Barlamaanka Dawlada Federalaka Somaliya iyo Masuuliyiin Ka socday maxkamadaha gacanta ku haya Magalada Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo kictamay saakay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa tagi taankiisa Muqdisho ka dhawaajiyay Maalinimadii Jimcada isagoo sheegay in uu muqdsho u tagayo dhexdhexaadinta Maxkadaha iyo Dawlada Federalka somaliya oo awal ku guuldaraystay shirkii Khratuum, inkastoo uu sheegay in aysan ahayn mid ay ka wada tashadeen Masuuliyiinta kale ee dawlada Fadrala somaliya.

 

Waa markii ugu horreysay oo Gudoomiyaha baarlamanka Somalia uu soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii Maxkamadaha ay la wareegeen caasimadda Somaliya. Dadka u kuurgala arimaha Somaliya ayaan wax rajo ah ka muujin tegitaanka gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya ee Muqdishu xili ay maxkamadaha Muqdishu go'aansadeen inay weerari doonaan fariisinka dawlada.

 

Dhinaca kale tagitaanka Shariif SH. Adan ayaa ku soo beegatay codsi ka yimid ra'iisal wasaaraha Somaliya oo uu ka codsaday Shariifku inuusan ku degdegin booqashadiisa Muqdishu oo uusan kala qeybin siyaasada dawlada iyo baarlamaanka, codsigaas oo uu gudoomiyaha baarlaamnku dhagaha ka furaystay.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

London, Ibraahim Max’ed Isaag Ibrow oo ah xubin ka tirsan golaha baarlamka Soomaaliyeed oo xalay ka hadalay shir lagu qabtay magaalada London uu qabtay wasiirka arimaha dibada iyo xuno ka tirsan balamanka ayaa waxaa uu sheegay in Shariif Xasan Guddoomiyaha Barlamku uusan wadin danta Soomaalida magaalada Muqdishona hadda uu ugu socdo lacag halmalyan oo doolar ah oo maxaakiimtu ugu yeereen.

That is really a lougtable.... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo kictamay saakay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa tagi taankiisa Muqdisho ka dhawaajiyay Maalinimadii Jimcada isagoo sheegay in uu muqdsho u tagayo dhexdhexaadinta Maxkadaha iyo Dawlada Federalka somaliya oo awal ku guuldaraystay shirkii Khratuum, inkastoo uu sheegay in aysan ahayn mid ay ka wada tashadeen Masuuliyiinta kale ee dawlada Fadrala somaliya

 

Not as funny as the above quote..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this