Sign in to follow this  
General Duke

Maxamed Cumar Dalxa, wins election to become the deputy Parliment speaker

Recommended Posts

Maxamed Cumar Dalxa oo loo doortay gudoomiye ku xigeeka 1aad ee Baarlamaanka

 

 

Burtinle-Online

Arbaco, September 22 2004

 

Kulan uu galabnimadii Talaadada isugu yimid Gollaha Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa lagu doortay gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee gollahaas.

 

Kulankan oo ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 256 ayaa waxaa is reebreebkii hore ka qeyb qaatay Xildhibaanada kala ah: Maxamed Cumar Dalxa, Gen.Maxamed Xaashi Gaani, Axmed Dhimbil, iyo Cabdullaahi Faax.

 

Wareegii ugu dambeeyay ee codbixinta ayaa waxaa isugu soo haray Maxamed Cumar Dalxa iyo Gen.Maxamed Xaashi Gaani, waxeyna natiijadii wareegaas guushu raacday Maxamed Cumar Dalxa, isagoo helay codad gaaraya 160 halka Gen.gaani helay 96 cod.

 

Gollaha Baarlamaanka oo dhowaan doortay Gudoomiye Shariif Xassan Shiikh Aadan oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa haatan ku guuleystay in ay ay doortaan Gudoomiye-ku-xigeen kasoo jeeda Beesha 5aad, arinkaas oo ah mid ka farxiyay in badan oo ummada Soomaaliyeed ah, iyagoo is tusinaya in qaab cadaalad ah loo doortay Hogaanka Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya.

 

Gen.Maxamed Xaashi Gaani oo looga guuleystay doorashada ayaa tilmaamay in ay doorashadu u dhacday qaab cadaalad ku dhisan, wuxuuna u hambalyeeyay ninka doorashada kaga guuleystay Maxamed Cumar Dalxa oo noqday Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee gollaha Baarlamaanka.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this