Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BRITAIN THE FIRST TO SUPPORT THE UPCOMING SOMALILAND ELECTIONS

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-06-03 (Hadhwanaagnews) Adis ababa(HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho haatan ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia, waxa saaka salaan sharaf ugu yimid oo ku soo booqdey Huteelka uu degan yahay ee Sheraton, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Bob Dewar iyo Masuuliyiin ka socota Safaaradda Dawladda Ingiriisku u leedahay Magaalada Addis Ababa.

 

Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Cadaani Mooge, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo warsaxafadeedka lagu sheegay safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopoa Bob Dewar ina dawladdiisu ay si weyn ula dhacsan tahay nidaamka Dimuqaraadiyadeed, Nabadda iyo Xasiloonida ay Dawladda Somaliland ka hirgelisay Dalkeeda, isla markaana waxa uu Safiirku ballan qaaday in dawladdiisu ay si buuxda uga taageeri doonto Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland-ba sidii ay u sii xoojin lahaayeen Nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadeed ee ay gaadheen, waxa kale oo Safiirku uu ballan qaaday in Dawladda Ingiriiska iyo wadamada kale ee ku bahoobay Ururka Barwaaqo sooranka Europe (EEC) in ay ka taageeri doonaan Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyinka soo socda, sidii ay waddanka uga qabsoomi lahaayeen,

 

Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sedan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho haatan ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia, waxa saaka salaan sharaf ugu yimid oo ku soo booqdey Huteelka uu degan yahay ee Sheraton, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Bob Dewar iyo Masuuliyiin ka socota Safaaradda Dawladda Ingiriisku u leedahay Magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin, cilaaqaadka ama xidhiidhka labada wadan oo dhinacyo badan ah, waxaanay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa, xidhiidhka u dhaxeeya labada Wadan, Safiirka Dawladda Ingiriisku waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dawladdiisu ay si weyn ula dhacsan tahay nidaamka Dimuqaraadiyadeed, Nabadda iyo Xasiloonida ay Dawladda Somaliland ka hirgelisay Dalkeeda, waxana uu Safiirku ballan qaaday in dawladdiisu ay si buuxda uga taageeri doonto Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland-ba sidii ay u sii xoojin lahaayeen Nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadeed ee ay gaadheen, waxa kaloo Safiirku uu ballan qaaday in Dawladda Ingiriiska iyo wadamada kale ee ku bahoobay Ururka Barwaaqo sooranka Europe (EEC) in ay ka taageeri doonaan Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyinka soo socda, sidii ay waddanka uga qabsoomi lahaayeen, kullankaa dhex maray Madaxweynaha iyo Safiirka Ingiriiskuna waxa uu ku dhammaaday is af garad iyo jawi fiican, isaga oo Safiirku si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, qaraarkii dhawaan uu ku cafiyey, qaaar ka mid ah dadkii loo haystay argagixisada, kuwa kalena uu kaga dhimay, qaar kalena ka dhaafay dilkii ay ku xukunaayeen.

 

Sidaa si leeg, waxa Madaxweynaha isna ku soo booqday, huteelka uu degan yahay, Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto oo ay weheliso qunsulka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Gobolka Geeska Africa, Marwo, Janice Mastorio-Worth.

 

Madaxweynaha iyo Safiirka Maraykanku waxay ay ka wada hadleen xidhiidhka u dhaxeeya, labada Wadan waxa kale oo ay isla soo qaadeen sida uu Maraykanku ay gacan uga siin lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland, sii xoojinta hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Nabadda, waxa kale oo Safiirku uu ballan qaaday in Dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay in ay ula dhaqmi doonto, Jamhuuriyadda Somaliland qaab cusub oo hor leh, maadaama Somaliland ay ka jito, Nabadgelyo iyo Dimuqraadiyad. Madaxweynaha JSL, waxa uu u sheegay isaguna in ay ka go’an tahay in ay ka qabsoomi doonaan JSL, doorashooyinka soo socda, kuna dhici doonaan Nabadgelyo iyo Caddaalad.

 

Safiirka Dawladda Maraykanku, waxa kale oo uu caddeeyay in Somaliland iyo Maraykanku ay gudo gali doonaan in la dejiyo qaabkii cusbaa ee wada shaqeynta ahaa ee labada waddan, sida ugu dhakhsaha badan.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ay ka mid yihiin, Marwada Madaxweynaha JSL, Marwo, Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Caddaani Mooge iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Ciise, waxa la filayaa in ay caawa u gudbi doonaan Dalka Sweden oo ay martiqaad rasmi ka heleen.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this