Sign in to follow this  
Cowke

Garowe Business Community Hold Islamic Training Seminar. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Tababar Loo Soo Gaba Gabeeyey 46-Ganacsato (Sawiro)

July 30, 2010

0 comments| leave your own!

 

Xarunta Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa kusoo gaba gaboobay aqoon iswaydaarsi soconaayay mudo sadex maalmood ah kaasoo loo qabtay ganacsato gaaraysa 46 qof kuwasoo kamid ah ganacsatada magaalada Garoowe.

 

Xiritaankii aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka ganacsiga Puntland,Agaasimaha Wasaarada ganacsiga,xoghayha dowlada hoose ee degmada Garoowe,Gudoomiyaha jaamacada Bariga Afrika fareceeda magaalada Garoowe.

 

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika fareceeda magaalda Garoowe Shiikh Maxamuud Xaaji yuusuf oo ka hadlay waxaa uu ku saabsanaa isagoo sheegay in aqoon iswaydaarsigaan uu ahaa mid lagu baranaaya qaabka ay u shaqeeyaan Bangiyada Islaamka ama Bangiyada ku dhaqma shareecada islaamka iyo bangiyada kale.

 

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigaan uu sidii loogu talagalay uu u hirgalay una u mahad celinaayo maclimiintii bixinayasay aqoontaan qaaliga ah oo loo baahnaa iyo hay’adda Manhal oo gacan ka gaysatay isla markaana ganacsatada ka qayb gashay loo baahan yahay in ay aqoonta ay halkaan ka heleen loo baahan yahay in ay ku shaqaystaan bulshada inteeda kalena ay ugudbiyaan.

 

Dr C/qani Xuseen Maxamed oo ahaa macalimiintii bixinaysa isla markaana sheegay aqoontaan in ay ahayd mid loogu tala galay in ay ka faa’idaysataan ganacsatadii kasoo qayb gashay ayna uga faa’ideeyaan inta aan fursada u helin aqoon isawaydaarsigaan.

 

Mid kamida ah ganacsatadii ka qayb qaadanaysay aqoon iswaydaarsigaan oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Xaaji ayaa sheegay sadexdaan maalmood in ay lamid ahayd 30 maalmood daruustii ay ku qaateen ay si wayn uga faa’idaysteen.

 

Waxaa sidoo kale goobataa ka hadlay Xogheyaha Dowladda hoose magaalada Garoowe Qaasim Maxamed Cabdi iyo agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga qaybteeda Warshadaha C/laahi Xaashi Warsame oo sheegay in ay aqoontaan ahayd mid loo baahnaa in ganacsatda loo qabto si ay u bartaan sida ay u shaqeeyaan bangiyada islaamka iyo kuwa kale.

 

 

Wasiirka Ganacsiga dowlada Puntland Xassan Faarax Jaamac oo aqoon iswaydaarsigaan soo xiray ayaa sheegay inuu uga mahadcelinaayo cid kasta oo soo qaban qaabisay aqoon iswaydaarsigaan isla markaana ay Hay’ada aqoontaan lagu qaatay goobtaan ay tahay mid muhiimad wayn leh.

 

Wasiirka ayaa sheegay aqoontaan muhiimada ay leedahay ay tahay in ay ganacsatadu fahanto sida ay u shaqeeyaan bangiyada islaamka iyo bangiyada kale tasoo faa’ido ay leedahay in ay fahmaan ganacsiga xalaasha iyo lacagta xalaasha laga shaqeeyo bangiyada isla markaana ay hada dunida kusii fidayaan.

 

Wuxuu ka codsaday maamulka Jaamacada in siminaarada noocaan oo kale ah ay u badiyaan ganacsatada si loo helo ganacsato aqoontooda ganacsi ay dhan tahay.

 

Ugu danbeyntii ganacsatada kazoo qaybgashay aqoon iswaydaarsigaan ayaa halkaas Wasiirkuu uu ku gudoonsiiyey shahaadooyin muujinaaya in ay ka qayb qaateen aqoon iswaydaarsiga ku sabsan qaabka ay u shaqeyaan bangiyada Islaamka iyo kuwa kale ee caalamka.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe-Puntland

 

DSC00075.jpg

 

DSC00096.jpg

 

DSC00090.jpg

 

DSC00068.jpg

 

DSC00073.jpg

 

DSC00065.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

I hope shabab see that puntland implements islamic banking principles and trade practises. Why are they at war with puntland an emerging oil producing state? A state that welcomes all peaceloving people with open arms?

 

Shabab war should not be directed to peaceful areas of somalia but to volatile areas where law and order is absent, where locals are killed, raped, looted and noone is brought to justice for these crimes since their is no law and order to begin with.

 

Those are the areas where shabab should focus on and forget puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this