Sign in to follow this  
General Duke

The New Puntland Presdient Cade Muse Hersi Boqor

Recommended Posts

Breaking News: Jen. Cadde Muuse oo helay 35 cod, Sidaasna ku noqday Madaxweynaha Mustaqbalka ee Puntland

 

Live From Garoowe(Radiolascaanod.com) 08/01/05: Jen. Cadde Muuse ayaa ku guulaystay Madaxtinimada Puntland ka dib markii uu helay codad gaadhaya 35, halka Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Maxaweynihii talada Dalka hayay uu helay 30 cod. Jen. Cadde Muuse oo ah ruug caddaa siyaasi ah aadna looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadiisaba ayaa noqday Madaxweynihii Saddexaad ee qabta hogaanka Puntland ilaa la aasaasay Puntland

 

 

Doorashada oo saaka arooryadii hore bilaabantay ayaa soo gaba gabowday kadib markii labada musharrax ee u soo gudbay wareega saddexaad ee lagu kala hadhayay kala heleen codadka aynu soo sheegnay.

 

Daqiiqadihii ugu danbeeyey ayaa sida la aaminsan yahay C/raxmaan Faroole ugu shubay 15 cod ee uu helay, taas oo aad moodid in ay xod xodasho gaar ahi dhex martay Jen. Cadde Muuse iyo C/raxmaan Faroole.

 

Gari laba nin kama wada qosliso, saaka Nin walba oo ka mid ah musharraxiinta soo buuxisay hoolkan weyn ee tartanka madaxnimada Puntland, wuxuu la soo toosay waji dabacsan iyo rajo wanaagsan oo uu ka qabay taageerayaashiisa, xubnaha xildhibaanada ayaa iyagu saaka la arkayay inay diblomaasiyad ku dhaqmayaan, waxayna isku dayayeen inay ilaaliyaan nidaamka dowliga ah ee doorashada, waxay si xushmad leh xildhibaan waliba codkiisa u siinayay musharraxii uu u garto inuu hoggaanka dalka meel wanaagsan marinayo.

 

Asad Cadaani Ibraahim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking News: Xasan Daahir Af qudhac oo ku guuleystay Jagadda Madaxweyne Ku-xigeenka

 

Live From Garowe(Radiolascaanod.com) 08/01/05: Xasan Daahir Afqudhac oo ku guuleytay Madaxweyna ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland, Halkaasna waxaa ku soo gaba gaboowday doorashadii saaka dadka Reer Puntland u dareereen, waxayna xilkii ku aamineen laba ka mid ah musharraxiintii isu soo taagay qabashada talada dalka.

 

 

Madaxweynihii laga badiyay doorashadii Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ku-xigeenkiisii Mudane Gaagaab ayaa u hambalyeeyay labada musharrax ee ka guuleystay, waxayna si wadajir ah isugu gacan qaadeen Hoolka weyn ee doorashadu ka socoto.

 

Bahda Webka Radiolascaanod.com wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hogaanka cusub ee talada dalka qabtay, waxayna ilaahay uga baryayaan inay noqdaan kuwii daboola baahida dadka iyo dalka.

 

Madaxweyne Cadde Muse Boqor iyo Ku-xigeenkiisa Xasan Daahir Af-qudhac waxaanu idiin rajaynayaa inaad noqotaan kuwo lagu seexdo oo si caadilnimo ku jirto u guta xilka dalka.

 

Live From Garoowe - Asad Cadaani Ibraahim

 

Radiolascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Puntland oo Boosaaso ka socda

 

Boosaaso :- Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka soconaya dibadbaxyo iyo damaashaadyo loogu dabaal degayo natiijada doorashada Madaxweynaha Puntland, oo uu jagadaasi goor dhoweyd ku guuleystey Gen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn looga yaqaan gobolladan Puntland kana mid ahaa afar musharrax oo ugu dambayntii ku kala baxay codadka xildhibaannada oo ee ka dhacday xarunta golahaas ee magaalada Garoowe.

 

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu arki karayaa dadweyne caleemo qoyan lulaya oo ay farxadi ka muuqato kuna dhawaaqaya magaca madaxweynaha cusub ee Puntland, Gen. Cadde Muuse Xirsi.

 

Daqiidado ka dib markii uu Gen. Cadde Muuse Xirsi ku guuleystey madaxweynaha Puntland ayaa madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo tartanka kula jirey waxaa uu Radio SBC u sheegay in uu raalli ka yahay natiijada doorashada isla markaasna uu u hambalyaynayo madaxweynaha cusub.

 

SBC / HorseedNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaad Ka Taqaan Gen.Cadde Muuse

Warbixin Taariikh Nolaleedkiisa oo Kooban

 

GenCade.jpg

 

SBC Exclusive-08.Jan.2005 Gen Cade Muuse Xirsi Madaxweynaha cusub ee maanta ku Guuleystay Doorashadii Taarikhiga aheyd ee ka dhacdey Magaalada Garoowe ee Xarunta DGPL waxaa uu ku dhashay Magaalada madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho sanadku markuu ahaa 1937-dii waxaana Hooyadii Lagu Magacabaa Naado shire.

 

Gen.Cadde Muuse wuxuu barashada Qur,aanka Kariimka ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1942 ilaa 1944-tii waxaana uu dugsiga hoose iyo dhexeba ka dhigtay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1944 ilaa 1953-dii

 

General Cade Muuse Xirsi Madaxweynaha DGPL waxaa uu dugsiga sare ka dhigtay isla Magaalada Muqdisho sanadkii 1954 ilaa 1958 sidoo kale Jananku wuxuu uu kuliyada Ciidamada ka bartay Modena ee dalka talyaaniga sanadihii 1959 ilaa 1961-dii

 

Sanadihii 1962-dii ilaa 1963-dii wuxuu wax ka baranayey Kuliyada Ciidamada Sharciga ee Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga.

 

Sanadihii 1967-dii ilaa iyo 1969-kii Wuxuu wax ku bartey Kuliyada Saraakiisha sare ee Hogaaminta Ciidamada ee ku taal Dalka Talyaaniga

 

Sanadihii 1975-tii ilaa 1976 wuxuu wax ku baranayey Kuliyada Istratijiyada Heerka sare ee Dalka Ruusha.

 

Gen.Cadde Muuse & Shaqooyinkii uu soo qabtey

 

1963 ilaa 1965-tii Kaaliyaha Xogheynta Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

 

Sanadihii 1965-tii ilaa 1967 wuxuu ahaa Taliyaha Ururka Horseed ee Magaalada Muqdisho.

 

Sanadihii 1970-kii ilaa 1972-kii waxa uu soo qabtey Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Sanadihii 1972 ilaa 1973 wuxuuu soo noqdey Taliyaha Hogaanka Tababarka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

Sanadihii 1974 ilaa 1975 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag

 

Sanadihii 1976 ilaa 1978 wuxuu ahaa Wakiilka Ciidamada ee Safaarada Dalka Shiinaha

 

Sanadihii 1979 ilaa 1981 wuxuu ahaa Diblumaasi Dalka Kanada

 

Sanadihii 1981 ilaa 1984 wuxuu ahaa Taliyaha Ciidamadii Ururka SSDF ee fadhigoodu xiligaas ahaa Dalka Itoobiya.

 

1984 ilaa 1990 Wuxuu ku joogey Magangalyo Siyaasadeed Dalka Kenya.

 

1991-2002 Wuxuu ku sugnaa Dalka Kanada.

 

2002 ilaa 2003 Gudoomiyihii Jabhadii Golaha Badbaada Puntland ee GBP, wuxuuna Gen.Cadde qaatey Abaal marinta ama Bilada Nabada ku guuleystey ka dib markii uu la qaatey Heshiis nabadeed oo buuxa Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ay xiligaas iskaga soo horjeedeen arimaha Siyaasada Puntland, sidaasna waxaana ku dhamaadey colaad mudo ka aloosneyd Deegaanada Puntland.

 

Sanidihii 2003 ilaa 2004 Wuxuu qayb wayn ka ciyaarey u olaleynta iyo dhismaha Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ku sugnaa mudo aad u fara badan Madasha Shirkii Dib u Heshiisiinta Soomaliyeed ee ay ka dhalatey Dawlada Federaalka Soomaaliyeed

 

Gen.Cadde Muuse waa nin dabeecad ahaan furfuran, waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay nin aamus badan, waa nin marka uu kula hadlayo aad dareemayso inuu ka taxadarayo weeraha ama hadalka uu doonayo inuu yiraahdo.

 

Dadka yaqaan Gen.Cadde waxay sheegaan inuu yahay Nin la oran karo wuxuu xiligan ka saari karaa Maamulka Puntland oo ay ka jiraan daruufo iyo marxalado gaar ah oo u baahan in loo wajaho hab waxqabad iyo adkeysi.

 

Gen.Cadde Muuse inkastoo Lagu Naaneyso Cadde, hadana ma ahan nin sidaa loo oran karo magaca Cadde ayuu sitaa oo waxaad moodaa in uu ka madow yahay.

 

Qaar ka mid ah Dadka reer Puntland ayaa ku xanta inuusan Cadde Cadeyn, balse hadalkiisu Cad yahay.

 

Tifaftiraha

Eng.Mowliid Haji Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hambalyo! The new and third president of Pland; Gen Adde Muse. I must admit I was for Muhammad Abdi Hashi for strategic reasons, but I realise that Gen Adde Muse was the inevitable victor.

 

Didn't know that he used to be the governor of Sanaag. No wonder he has such a good relationship with Reer Maakhir Koos.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barnaamijka siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse

 

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

 

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

 

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

 

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

 

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

 

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen.

 

Barnaamijka oo Dhamaystiran.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

 

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

 

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

 

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

 

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

 

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen.

Let me react on those fantastic goals of Gen Adde Muse. It sounded like music to my ears.

 

1. True, Abdullahi Yusuf has left a heritage of corruption and intransparency when he became the president of Somalia.

 

2. True, I always had the idea that there is much quantity and not enough quality. I can understand that quality was not of the essence when Abdullahi Yusuf reigned, but Pland has entered a new level. The military, police and prison guards need to be inflated and upgraded.

 

3. True, We should handle this matter diplomatically. Attacking the Sland forces is not effective and we will risk paying a large price for our goal. Yet if our demands are not met, we have to spread our action of full control of urban strongholds such as Las Anod, Buhodle, Hudun, Badhan, Las Qoray etc to the rest of the occupied districts including East and South Erigavo under Garowe.

 

4. True, Pland has much economic potential.

 

5. True, the past governments were more of security councils who were solely responsible of security. Like I said before, Abdullahi Yusuf's government was a raw kind of maamul.

 

6. True, Pland should become an annoying nagger when it comes to rebuilding and development programmes. Even though the president is from Pland, Pland should fiercely observe the allocation of funds and take what it deserves.

 

 

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Nationalist,

 

Saaxib those sound very good on paper but let us see how they are implemented; although he will handle the armed forces in a better fashion. Hopefully he will be able to implement his program in a speedy and efficient manner.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mohamed Abdi Hashi the great leader of Puntland will be remembered fondly.

 

Bari, at least the process works where the incumbent losses shows there is some fairness.

 

Can anyone tell me about the new vice President elect? I dont think I ever heard of him.

 

 

Geesinimada Xaashi Iyo Guusha Cade.

 

Garoowe(Radiolascaanod.com)08/01/05:-Dimuqraadiyada Puntland ka hanaqaaday ayaa manta la odhan karaa in waa iftiim u bidhaabay Bulshada ku dhaqan gudaha Soomaaliya, loona baahan yahay ku dayasho.

 

 

Waxaana saaka ka dhacday Puntland arrin uu leeyahay geesinimadeeda madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxmed Cabdi Xaashi, oo manta muujiyey geesinimo , iyo bisayl dimuqraadiyadeed, iyada oo ay soo martay Puntland Marxalado kala duwan wuxuuna Mr.Xaashi shacabka Reer Puntland uu baray macnaha dhabta ah ee ay lee dahay xukunku in uu yahay meerto.

 

 

 

Taasna waxaa daliil cad u ahaa markii ay dhamaatay doorashadii isla markaan lagu dhawaaqay in uu cadde ku guulaystay ayuu Maxmed Cabdi Xaashi kaga dhabeeyey odhaahdisii ahayd in uu u hanbalyey nayo cidii ku soo baxda.

 

 

 

 

 

Mudane Xaashi laba habeen ka hor ayuu mar kale shaaca ka qaaday in hadii lagaga guulaysto aanu dalka ka dhacayn wax qaylo iyo qalalaase ah, waxaanu manta bulshada reer Puntland u cadeeyey Xaashi Xilku in uu meerto yahay kuna qancay natiijadii halkaasi ka soo baxday.

 

 

 

Radiolascaanod.com

 

Garoowe Puntland J.F.Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Nationalist,

Somali governments(regional or national) and corruption seem to go hand-in-hand. The best we can hope for is a reduction(somewhat) in the levels.

 

Duke,

M. Xaashi will certainly be remembered fondly. I truly respect the manner in which he handled himself after the results were announced. We Somalis need more leaders like him.

 

His comment afterwards,"...waa walaalkay waana u hambalyaynayaa...."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

loooool

 

this indeed is very funny but inevetable developement, loooool, i think somaliland will be calling on few favours from mr cade since he and his whole jabhad was given asylum inside somaliland in ceel afweyn for months when he was chased away by ina yey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Like what? To retreat his personal militia in Adhi Cadeye who are given orders to slaughter Sland forces when attacked? The man is not a child. He scolded Sland for helping him on SBC Radio, saying that the government only helped him to wage war on his own brethren. He only keeps the true brothers, Rer El Afweyn in honour.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

whole jabhad was given asylum inside somaliland in ceel afweyn for months when he was chased away by ina yey.

Cade is a hero, he is a descendent of legends, now that he is President I am comforted in knowing Somaliland can't do a thing in our western regions. The man knows your capacity, which ic not much :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this