Sign in to follow this  
Liibaan

Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho

Recommended Posts

Liibaan   

getPid.php?pid=22

 

Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho

 

Wafti balaadhan oo hor kacayo Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglatoosiye) oo ay ka mid yihiin Madax Difaaca Col. Yaasin Cali Cabdile ( Tamaad), Madax Warfaafinta Cumar Jamac, Madax Dastuurka iyo Arimaha Fadraalka Ibraahim Guure, Afhayeenka Guud SSC Axmed Gacma yare iyo Oday Cabdixamiid Garaad Jaamac ayaa maanta xili danbe gaadhay Magaaladda Muqdisho ee Caasumadda Soomaaliya iyaga oo ka sii aadi doona Adis-abab, Jabuuti iyo Nairobi

 

waftigan ayaa duhurnimadkii maanta ka dhoofay magaaladda Bandiiradley ee Gal-mudug oo ay gaadheen saaka waabarigii, waxana intii ay joogeen Galmudug kulamo la qaateen Madaxdda Galmudug

 

Ujeeda socdaalka Waftigan heerka qaran ah ayaa lagu tilmaamay in ay tahay Casuumado uu Hogaanku ka helay dalal dhawr ah oo xuduud la leh Soomaaliya iyo kuwo arimaha Soomaaliya daneeya, sidoo kalan DFKM oo iyadu xidhiidh fiican oo is garabsi ah ka heshay Hogaanka SSC ayaa ka mid ah Meelaha uu hoganku booqon doono waxana la rajaynayaa in heshiis dhaqan gala ay isla soo gaadhaan Hogaanka iyo DFKM, waxana la filayaa in Dr Saleebaan Ciise Axmed uu isagu soo xulo cida SSC uga mid noqonaysa Golaha Wasiiradda DFKM

 

Hogaanka SSC ayaa taageersan Dawladda iminka jirta ee Soomaaliyeed, mana jirto wali wax taageero ah oo uu ka helay iyada oo Maamuladda Pl iyo Sl ay diidan yihiin Dawladda Shiikh Shariif waana garabka ugu muhiimsan ee ay Dawladda Shariif ku duuli karto SSC

 

Socdaalka uu Hogaanku ku baxa iminka ayaa la filayey bilihii u danbeeyey iyada oo Beesha Caalamku ay si weyn ula socotay Horumarka iyo Maamul Wanaaga, Dimuqraadiyadda, Rabitaanka Shacabka SSC ee ka hana qaaday Gobaladda Sool, Sanaag, Cayn, waxana la filayaa in Madax Arimaha Dibadda Proff Maxamuud Cali Jaamac uu Nairobi dhamaadka Bishan Shir Caalami ah kula qaato Beesha Caalamka

 

Arimaha gudaha ayaa looga tagay Hogaamiye ku xigeenka Col. Cali Sabaray, Madax Arimaha Gudaha Dr Cabdirashiid Barkhadle, Madax Arimaha Bulshadda Mujaahid Kayse Abdi , Madax Cadaaladda Abshir Cabdi Shiikh , madaxda Maaliyadda Osmaan Xaaji Cali iyo madaxdda Ciidamadda SSCee kale .

 

kala soco wixii war ah ee la xidhiidha Socaalka Waftigan allssc.com

 

 

somali%20flag.gif&t=1

somalia_flag_and_map.35575823_std.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Oba Hiloowlow,

 

Walaalo, waad ku mahad santahay taageerada iyo dhiira galinta, waanuna kaa aqbalnay hambalyada

 

Hanoolatu Midnimada Somalia,

Hanoolatu SSC iyo dhamaan Gobalada Somalia

 

 

somalia_flag.jpg?w=300&h=214

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

GaraadJaamac1.jpg

 

 

Garad Jamac Garad Cali iyo wafti uu horkacayo oo gaadhay Muqdisho

 

Garad Jaamac Garaad Cali Garaad Jamac iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo uu horay u sii joogay Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglatoosiye) iyo xubno heer qaran ah

 

Waftigan Garad Jamac Garad Cali Hor kacayo oo iminka ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Raysulwasaare Farmaajo, wasiiro iyo Xildhibaano DFKM ah waxana ay shir nasasho ah iyo isbarasho ah ku leeyihin qaybta V.I.P-da ee Garoonka Dayuuradaha ee Aadan Cadde

 

sida uu noo xaqiijiyey Madax Arimaha gudaha Dr Abdirashiid Barkhadle waxa ay waftigan la kulmayaa Madaxweynaha, Raysulwasaaraha iyo xubno kale oo muhiim ah, ka dibna waxa ay u sii dhaqaaqaysaa Nairobi, Adis abab, Jabuuti iyo Doxa oo ay shir Somalida khuseeya lagu qabanyo

 

Allssc kala soco kulamadda iyo wararka waftigan heerka qaran ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garad-Jama1-300x224.jpg

 

 

Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo Gaadhay Magaalada Muqdisho.

 

 

Waxaa saaka Barqonimadii soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

 

 

 

Waftigan oo ka soo ambabaxay xarunta KMG ah ee SSC ee Dharkeyn geenyo, ayaa saaka abaaro 11:00 subaxnimo ka soo degay Gegida caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdishi. Waftiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiinta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo uu horkacayey Ra'iisal wasaare Maxamed Abdullaahi Maxamed. Waxaana soo dhaweynta qayb ka ahaa xildhibaanada SSC ee Barlamaanka ku jira iyo kuwo Soomaaliyeedba.

 

Waftiga Garaadka ayaa waxaa ka mid ah Hogaamiyaha SSC, Dr: Saleebaan Ciise Axmed , Madaxa Difaaca iyo aminiga Col: Yaasiin Cali Abdulle{Tamaad}, madaxa Daskuurka Ibraahim Guure. Waxaana waftigan ay horudhac u yihiin wafti kale oo uu hogaaminayo madaxa Warfaafinta Cumar Jaamac Suleiman iyo kuwaasoo ayaguna ku soo aadan Muqdisho maalinimada berri ah.

 

Markii waftigu soo gaadheen Gegida Aadan Cadde ayaa waxaa loo galbiyey xaga aqalka Madaxtooyada, ayagoo halkaas shir kula qaadan doona madaxda sar sare ee dawladda Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed.

 

Waftigan ayaa lagu wadaa inay kala xaajoodaan Madaxda Soomaaliya arimaha guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan mandaqada SSC, waxaana hogaanka SSC uu horey u cadeeyey inuu ka tirsan yahay taageersan yahayna dawladda KMG ah iyo hanaanka dawladnimo ee Soomaaliya ka hanaqaaday, waxaana lagu wadaa inay heshiisyo dhaxal ngal ah soo wada gaadhaan labada dhinac.

 

Faah faahinta warkan iyo kulamada waftigu la yeeshaan Madaxdaba waan idin soo gudbin doonaa dhawaan Insha Allaah.

 

Horufadhi.com

 

 

madax3.JPG

 

xagla-190x190.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba Hiloowlow,

 

Walaalo, waad ku mahad santahay taageerada iyo dhiira galinta, waanuna kaa aqbalnay hambalyada

 

Hanoolatu Midnimada Somalia,

Hanoolatu SSC iyo dhamaan Gobalada Somalia

sxbow Maamul jecel wanaag iyo somaalinimo see lo nacaa viiva wixii somali jecel oo dhan.

 

Guuleeystaa reer SSC Cadowna yuu isku dirin walaalaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Pasha:

quote:Originally posted by oba hiloowlow:

Guuleeystaa reer SSC Cadowna yuu isku dirin walaalaha

Thank you.
smile.gif
Thank You Again,

 

Guul iyo Gobanimo Midnimada Somaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Halkan Ka Dhageyso: Prime Minister Mohamed Farmaajo oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Wafdigii SSC iyo Shirarkii SSC & Dowlada Dhaxe ee Federaalka oo ka Furmaya Caasimada Muqadisho

 

 

La soco Guud ahaan Shirarka SSC iyo Dawlada Federalka oo usbuucan ka furmaya Caasimada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by 'Liibaan':

quote:Originally posted by Pasha:

quote:

Originally posted by oba hiloowlow:

Guuleeystaa reer SSC Cadowna yuu isku dirin walaalaha

Thank you.
smile.gif
Thank You Again,

 

Guul iyo Gobanimo Midnimada Somaaliya
Yeah. Somalia unite. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by oba hiloowlow:

Inshallah guul ayaa la gaara midnimo wax ka fiican majirtee together we will defeat our enamy and re establish peace through whole somalia!! inshallah

Amiin, Amiin, Amiin, Masha Allah Great Duca,

 

Yes, we can do it, when we pull together, we can move mountains

 

United we stand, divided we fall, God Bless Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho

since when Muqdisho was part of debedda ?? ,,,, Ohh I forgot Buuhoodle is in Somaliland :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Muqdisho ayey ku sugan yihiin miyaad fahmi la' dahay?Waa khafiifdey miyaa? Nairobi, Adis, Jabuuti iyo Doxa waayey safarada dibada laga hadlaayo. Even a 4 year (Somali ah from LA) can understand that. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this