Sign in to follow this  
SOO MAAL

SNM(Kulmiye) oo sameestay idaacad jabhad cusub

Recommended Posts

SOO MAAL   

Maamulka Radio Horyaal oo Canbaareeyay Weerarkii Qaawana ee Boolisku Ku Qaaday Xarunta Dhex ee Xisbiga KULMIYE

Tuesday, 05 April 2005

 

Maamulka Radio Horyaal wuxuu canbaaraynayaa weerarkii qaawana ee booliska Somaliland ku qaaday xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE. Waxaanu u aragnaa falkaa xadgudub aanu gayin shacbiga Somaliland iyo madaxdiisa sharafta lehi. Waa wax lago naxo oo aad u weydaarsan sharciyada dalka iyo anshaxa toosan ee dadka iyo dawladda gala haga.

 

Foolxumadaa shalay (03.04.05) ka dhacday magaaladda Hargeysa iyo weerarka badheedhka ah ee xukuumadda Somaliland kula kacday xarunta xisbiga KULMIYE waa arrin aan loo dulqaadan karin. Waxaa wajaab ah in shacbiweynaha Somaliland, Golayaasha Somaliland iyo madaxda Asxaabta Mucaaradka ahi ay meel uga soo wadaa jeestan wax ka qabashada falkan yakh yakhsiga leh ee Dawladda Somaliland kula kacday asxaabta qaranka.

 

Haddii aanu nahay maamulka Radio Horyaal waxa aanu si cad oo badheedh ah u cambaareynaynaa ficilada diktaatoriga ah ee xukuumadda madaxweyne Rayaale caadaysatay. Waxaanu hore u ogeysiinay shacab-weynaha Somaliland in idaacadda Radio Horyaal tahay idaacad xor ah oo aan u adeegin xisbi gaar ah ama shakhsi gaar ah, ee ay tahay idaacadd madax banaan oo ay maal geliyen qurba jooga Somaliland, kana dhalatay baahida wadankeenu u qabo idaacad madax banaan oo dalka oo dhan wada gaadha.

 

Aqoon-xumada iyo jaahilnimada xukuumadda dalka ka talisa waxa kuu cadeynaysa sida aanay uga warqabin horumarka laga gaadhay teknoolijiyadda adduunka. Waxaan u sheegaynaa dawladda wax-ma garatada ah ee dalkayagii ka talisa maanta in idaacadda Horyaal aanay xarun ku lahayn gudaha dalka Somaliland ee ay fadhiisinkeedu yahay Qaaradda Yuurub. Ha ku daalina, shacbigana ha ku dhibina, in aad ka baadhaan Idaacad buulasha ku yaal xaafadda xero awr iyo islaamaha dawarsada goshooda.

 

Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa xukuumadda Somaliland haddii aanu nahay maamulka Radio Horyaal in idaacadda Horyaal ay haysato sharciyadda caalimaga ah ee lagu maamulo idacaddaha. Waxa idaacadda Horyaal iyo mawjadda ay ka hadashaaba ka diiwan gashan yihiin xarunta caalimga ah ee diiwan-gelinta idaacadaha iyo mawjaddaha. Umana baahna in ay rusqad ka qaadato xukuumadda Somaliland. Laakin waxaan diyaar u nahay in aan xarun rasmi ah ka furano dalka gudihiisa marka ugu horeysa ee xukuumadda Somaliland laasho wareegtadda qayr dastuuriga ah ee ay ku mamnuucday idaacadaha madax banaan.

 

Nasiib darro, halkii xukuumadda Somaliland dhiri gelin lahayd saxaafadda madaxa banaan iyo xoriyatul qawlka, waxa ay kula dhaqaaqday shaqaalihii idaacadda ee Somaliland joogay xabsi iyo cago jugleyn. Waati aynu ogeyn xadhigii ceebtii iyo waxyeeladdii sumcadda Somaliland kasoo gaadhay xadhiga labadaa weriye, Suleiman Dhuxul iyo Hoodo Axmed Qarbooshe, dawladdu kula kacday. Maantana xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxa ay ku dhaqaaqday fal argagixiso oo ay ku weerartay xarun Xisbi Qarameed, taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay hanaankii dimuqraadiyaded ee dalkeenu qaatay, sumcaddii Somaliland ee caalamkana dhaawac weyn u geysatay.

 

Waxaan ugu baaqaynaa Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland in ay talaabo sharciyeed oo adag ka qaadaan xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Wasiiradeeda baabi'naya sumacaddii wanaagsaneyd ee Somaliland.

 

Af-Hayeenka Maamulka Horyaal

 

Ahmed H Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Xarunta Xisbiga KULMIYE oo Ciidan Xooggani Baadhis Ku Galalaafay

Tuesday, 05 April 2005

 

Hargeysa, (Jam) Ciidanka aad u hubaysan oo ka tirsan Booliska Somaliland oo shalay Casarkii isku gedaamay xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa Baadhis ku gelalafey dhamaan Xafiisyada xarunta Xisbiga oo ay ku galeen si xoog ah. Ciidanka oo ay Horkacayeen Taliyaha Hogaanka Haawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Hargeysa, Maxamed Jaamac, oo wetey ilaa Shan Baabuur oo ah Landcruiser-da dusha furan ee ay ku hawl galaan Cutubka gaarka ah ee loo Tababaray ka hortagga Argagaxisada (Special Profection Unit) ayaa 5:00 Galabnimo waxa ay si kedis ugu habsadeen Xararunta Xisbiga, halkaas oo si xoog ah ku galeen, isla markaana Badhis Balaadhan Fitir-faatir ugu qaaday xafiisyada kala duwan ee xisbigaas, iyaga oo aan haysan ogolaansho sharci ah oo ay ku galaan kuna baadhana Xaruntaas, oo wakhtigaas uu ku sugnaa Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE, Mr Daa'uud Maxamed Geelle.

 

Ciidankaas oo aan sheegin sababta Baadhistood ayaa markii dhamasteen Baadhistii ay halkaa ka wadeen, waxay ay dib ugu laabteen Fadhiisinkii ay ka yimaadeen. Hase yeeshee, wax yar ka dib, ayaa ciidan intii hore ka tiro badan waxa ay ku soo rogaal celiyeen Xarunta Xisbiga ee hore uu baadheen oo ay gebi ahanba isku xeereen dhismaha Xaruntaas, oo ay markaa joogeen dhammaanba masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga KULMIYE, oo qaylo dhaan loo diray ku yimi.

 

Kuwaas oo ay ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilanayo iyo xubno ka tirsan gudida fulinta ee Xisbigaas oo kal aahaa Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Cabdi Iskeerse, Cabdi Haybe, Dr Axmed Xaashi iyo xubno kale, ka dib waxa halkaa ka aloosmay xaalad cakiran oo dhalisay muran iyo is maandhaaf dhex maray masuuliyinta xisbiga KULMIYE iyo Saraakiishii HOggaaminaysay Ciidankaas, ka dib markii ay Taliyayaashii Ciidnaka hor kacayay ay sheegeen inay hawl galkoodani yahay amar ka sareeya una socdaan inay qabtaan Kumbuyuutarka kuwa dhabta la saarto ah (Lap-top) ee uu leeyahay Xoghaya guud ee Xisbiga KULMIYE Daa'uud Maxamed Geelle, isla markaana ay sheegeen inay doonayaan inay isaga iyo Kumbuyuutarkiisaba qaadaan.

 

Balse waxa arrintaas si weyn uga cadhooday masuuliyiinta KULMIYE oo iyagu is hor taagay ciidankaas inay kaxeeyaan Xoghayaha guud iyo Kumbuyuutarkiisa. Saraakiisha ciidanka hor kacaysay wakhtigaas uma ay sheegin masuuliyiinta KULMIYE sababta iyo sharciga ah ay ku kaxaynayaan Xoghayaha iyo Kumbuyuutarkiisa. Hase yeeshee intii uu socday is mariwaaga labada dhinac waxa saraakiisha Booliska ka soo yeedhay inay aaminsanyihiin in Kumbuyuutarka yar ee Lap-top-ka ah ee Daa'uud Maxamed Geelle leeyahay halka ay ka hadasho Idaacadda Radio Horyaal, oo muddo laba todobaad ah maqaalkeedu hawada ku jiray oo ay xukuumaddu sheegtay in ay tahay idaacad sharci darro ah oo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE oo si qarsoodiya uga hadashay Hargeysa gudaheeda. Waxaana halkaa ka caddaatay in sababta ciidanku u galalafay xarunta Xisbiga KULMIYE ay ahayd iyadoo laga baadhayay Idaacadda Horyaal.

 

Muranka iyo buuqa halkaa ka dhashay wuxu sababay inay xarunta Xisbiga ku soo xoomaan dad tiro badan oo uu dareenkooda ka muuqday inay ka soo hor jeedaan falka uu ciidankaasi uu ku galalafay xarunta Xisbigaas oo ku dhawaaqayay erayo taageero u ah Xisbiga KULMIYE kuna cambaaraynayay falka ciidankaasi ku fuluyey xarunta Xisbigaasi kuna tilmaamay khal khal abuur la mida hab dhaqankii guracnaa ee nidaamkii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre.

 

Intii buuqa iyo muranku ka dhex oognaa xarunta Xisbiga KULMIYE waxa halkaa Ergo ahaan u yimi xubno ka tirsan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaah Komishanka Qaranka iyo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo isku dayay inay dhex dhexaadin ka galaan intaan xaaladu faraha ka bixin.

 

Waxaanay qol kamid ah xarunta Xisbiga Kulmiye isugu keeneen Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo saraakiisha ciidanka hor kacayay si miyir qab loogaga wada hadlo iyaga oo xubnaha Komishanku isku dayay inay ka dul qaadaan ciidanka ku dul xeeran xarunta, qolada Kulmiyana ay is dejiyaan, balse arrintaasi wax natiijo ah kamay gadhin xubnahaa ka socday Komishanku, iyada oo ay labada dhinacba ay ku adkaysteen halkii ay kala taagnaayeen.

 

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo Cadho ka muuqato ayaa waxa ay yidhaahdeen bal ha la waydiiyo sababta ciidanku uu weerarka ugu soo qaaday Xaruntooda. Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska, Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo isaga dareenkiisa uu ka muuqday deganasho ayaa waxa uu ydihi: "Arrinta aan idinka doonaynaa waa (Kumbuyuurtarka) lap-top-ka ah ee Daa'uud Maxamed Geelle, cid xoog lagaga qaadayo, cid la jiidayo iyo cid la xidhayaa ma jirto ee ma noo dhiibaysaan, mise waxaydun dhex ugu dhiibi xubnaha Komishanka".

 

Ka dib rag ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, ayaa iyaga oo hadalkaa aan kala sugayn jawaabahana kala boobayaa waxay si cad ugu shegeen saraakiishaa booliska inaanay sina u dhacayn inay qaadana Xoghayaha iyo Kumbuyuutarkiisa toona, Guddoomiyaah xisbiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo, oo soo gunaaday mawqifka xisbigiisu ka taagan yahay arrintaas ayaa yidhi "Annaga oo askarta qiimaynayna Kumbuyuutarkana Lab-top ah aanu idiin dhiibaynaa ma jirto Komishankana u dhiibi mayno oo Sanduuq Doorasho maaha Lap-top-kani, idinkana diin dhiibi mayno. Labtop-kan annaga ayaa leh dariiq sharcia ah ilaa aad u martaana oo aad soo qaadataan Waaran Maxkamadeed oo sheegayaa waxa aad u doonaysaan mooyee majirto Lap-top aan qaadaysaan, maantana xafiiskayaga ayaad baadheen oo bilaa sharci ku gasheen, idinka oo bilaa Waaran ku baadhay oo aydaan waxba u reebin, arrintuna waa dacwad taagan oo rasmi ah, markaa in aad xoog ku qaadan iyo in aad sharci ku qaadan uun weeye labadubana way idiin furan yihiin".

 

labadan xubnood ee Komishankuna waxay halkan u yimaadeen inay markhaati ka yihiin waxa dhacaya. Xoghayaha Xisbiga KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle oo isagu goob joog ahaa markii Boolisku xooogga ku galay xarunta xisbigiisa ayaa isaga oo warbixin ka siinayaa wariyayaashii goobtaa joogay waxa uu sheegay in si lama filaan ah uu uga war helay Ciidamo Boolis ah oo ku wareegsan xarunta Xisbiga Kulmiye, isaga oo aarintaa faahfaahinayana waxa uu yidhi Xoghayuhu, "Galabta markii ay saacaddu ahayd 5:00-tii galabnimo ayaa aniga oo fadhiya Xafiiskayaga aan ogaaday in Ciidan Boolis ah oo hubaysani ay baadhayana qolal ka mid ah Xafiiska, dabadeed, waan soo baxay oo waxana ku idhi maxaa dhacay, ee aad u baadhaysaan xafiska xisbiga, ma haysaan Waaran Maxkamadeed oo baadhista idin oggolaanaya, Maya ayay yidhaahdeen Booliskii waxa ayna sii wadeen baadhistii oo meelkasta iyo qolkasta way baadheen, inay wax qaateen iyo in aanay qaadna ma garan karo, qasabna Ciidanku wuu ku soo galeen Xafiiska, tiradooduna way badnayn oo wax ay wateen saddex gadhi oo Toyota Lancuriser ah oo Ciidamo ka buuxaan."

 

Xukuumada ayaa iyadu dhinaceeda ka gaabsatay inay hadasho falkaa ciidanka Boolisku shalay Casarkii ku habsaday xarunta Xisbiga Kulmiye, ciidankaas oo ilaa sagaalkii habeenimo ee xalay ku gadaana xaruntaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, oo Jamhuuriya xalay Filifoon kula xidhiidhay ayaa diiday inuu haba yaraatee waxa jawaab ah ka bixiyo falkaa ciidanka Boolisku ku qaaday xarunta Xisbiga Kulmiye.

 

"Adeer, anigu hab yaraatee ka hadli maayo waxa jawaab ah oo aan idinka siinayaana ma jirto ilaa inta laga gaadhayo barito (Maanta), ee iyagu (Xisbiga Kulmiye), waxay idiin sheegeen soo qora". ayuu hadalkiisa ku soo af jaray Wasiirku.

 

Masuulyiinta Xisbiga Kulmiye oo xalay u fadhiistay shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan talaabadaa ciidanku ku fuliyay xaruntooda ayaanu ka soo bixin wax wari, waxanaya sheegeen in shir Jaraa'id oo ay maanta qaban doonaan ay kaga warami doonaan go'aankooda ku sabasan arrinta.

 

Waxaase ilaa xalay gaalaa baxayay ergooyin kala duwan oo kala socda, Komishanka Doorahsooyinka, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Odayaal kale, kuwaas oo isku dayay inay xaalad dejiyaan, ergooyinkaas oo xisbiga Kulmiye u tegay ayaa waxay ka codsadeen inay caadifadooda dejiyaan oo aanay cadho ku go aan qaadan, sidoo kalena ergadu waxa la sheegay inay xidhiidh la sameeyeen dhinaca Xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Maamulka Riyaale oo sheegay in ay mamnuuc tahay in Hargeysa ay ka hadasho idaacad aan taageersaneyn maamulkooda

Hargeysa

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Ismaaciil Aadan Cusmaan ayaa sheegay in maamulkoodu uu la dagaalami doono, cid kasta oo isku dayda in idaacad aan taageersaneyn maamulkaasi ay ka furaan degaanada Somaliland, wuxuuna sheegay in idaacad aan sharci aheyn oo taageerta xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo maalmihii la soo dhaafay ay warar ka baahinaysay gudaha Hargeysa, ayna Booliska Somaliland ku guuleysteen in ay shalay gacan ku dhigaan qalabkaasi laga dhageysanayey mowjadda SW-ga ayna isticmaalayeen xisbiga Kulmiye.

 

 

Wuxuu sheegay wasiirku in maamulkoodu idaacadda uu ka hortagay ay aheyd mid minjo xaabinaysay Qarannimada Somaliland sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in warar ka dhan ah maamulkooda laga baahin jiray idaacaddaasi.

 

 

Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Axmed Max’ed Max’ud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxyaabaha lagula kacay dhinacooda, waxeyna ku eedeeyeen maamulka Riyaale in uu mas’uul ka yahay hor istaagii ay ku sameeyeen idaacadda Horyaal ee ay isticmaali jireen xisbiga Kulmiye ee fariisinka ku leh deegaanada Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Axmed Siciid Cige, BBC, Oo Guddoomiyaha KULMIYE Ka Waraystay Baadhitaan Booliisku Kusameeyay Xarunta Xisbiga

Weriyaha BBC ee Somaliland u jooga, Axmed Siciid Cige ayaa waraystay Guddoomiyaha Xisbgia KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, isaga oo ka waramaya ciidan badan booliiska ah oo soo weeraray xarunta xisbiga KULMIYE, ciidankaas oo uu horkacayay taliyaba booliisku. Waa kan waraysigii oo aan soo koobnay.

 

 

[G. KULMIYE:]

 

Galabta markii ay 5tii galabnimo ahayd ayaa Xogyaha Guud xisbiga oo ku shaqaynaya xafiiska ayaa ciidan booliis ahi u yimid iyaga oo aan waxba u sheegin waarana wadan ayay xafiiska baadheen ... xoghayuhu wuxuu noo sheegay wax alla waxay qaateen iyo wax kale inaanuu kala ogayn xoog bay ku galeen xoog bay ku baadheen dabeedna way iska tageen.

 

 

Xoghayhu aniga oo guriga jooga ayuu igu soo wacay oo arrinta dhacday ee sheegay, waxaan ku idhi ogaysii gudidii fulinta [xisbiga] oo u yeedh xafiiskii aan imika isugu nimaadnee aniguna waan imanayaa ... Jidka waxaan kula kumay isagii [xoghayihii] dabadeedna booliis badan oo taliyaha qaybtu uu wato ayaa iskaaya soo dultaagay ... wuxuu yidhi waxaan doonaynaa inuu na raaco Xoghayaha Guud

 

 

"Waxaan idhi xoghayaha guud idin raaci maayo, xafiiskayagii baan tagaynaa sharci daraana ku baadheen arrintaana aad iyo aad baan uga xunahay waanan ka dacwoonaynaa

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Taliyaha booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha oo aan la xidhiidhay hadda waxay ii sheegeen in idaacadii ay taallo xaruntiina isla mar ahaantaana ay waydiisteen madaxdiina oo ay idin ku soo wargeliyeen in laydin baadho?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

Taasi waa war cusub oo aad adigu noo sheegtay weeye, wixii ay baadhayaan iyo xoog haday wax ku baadhayaan iyagay jirtaa, halkan reedhiyo yaalaa ma jiro sabab uu u yaalo oo aan ku qarinaynaana ma jirto

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Ma laydin soo ogaysiiyay laakiin, waaran ma la soo qaatay?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

... waaran lama soo qaadan, nalama soo ogaysiin, waa hadalkaagaa weeye, dabadeed waxaan idhi u tagi maayo Xoghaya Guud ee haddii taliyuhu doonayo isagu ha yimaado wuxuu naga rabo ha noo sheego ... haddii kale sharciga ha la raaco"

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Xoghayaha Guud miyaanuu u tagi karin booliiska maxaa ku jaban haddii loo yeedho?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

Xoghayaha Guud dembi uu galay ma jiro oo lama odhan dembi baad gashay oo lagu haystaa, maxaa loogu yeedhayaa haddii la doonayo in wax la waydiiyo isaga ha loo yimaaddo isagaa Xoghayihii Guud ah waa protocol, xisbiguu ugu sareeyaa ha loo yimaado wixii la sheegayo ha la waydiiyo

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Idaacadan [Radio Horyaal] KULMIYE miyuu ku lug leeyahay, Axmed...?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

... dadka dibeda joogaa KULMIYE ayay u badan yihiin, idaacadan dad KULMIYE ah iyo dad kale, cid waliba way ku jirtaa, waa idaacad aan taageersanahay oo 100% aan taageerayno

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Markaa horyaal KULMIYE ayaa ka dambeeya sow maaha?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

... anaga ha nagula hadlin afkii UDUB Axmed Siciid Cigow. Haddii KULMIYE ka dambeeyana waa mid xalaal ah, laakiin anigu KULMIYE ayaa ka dambeeya iyo kama dambeeyo midna kumaan odhan, waan taageersanahay 100%, suboorkayagana way haysataa dadka dibeda oo dhamina way taageerayaan waa wax umada, dadka iyo dalka u adeegaya weeye umaddoo dhamina aad iyo aad bay u soo dhawaysay. Midna waan kuu sheegayaa idaacadaasi meesha ay ka furantahay, sharciga internationalka ah ee dunida u yaala ayuu ku fadhiyaa [aya waafaqsantahay]. Waxaan soo ogaaday dunida waa la rejistargareeyaa idaacadaha iyo mowjadaha ay ka hadlaan mida ay qoladaasi noo soo sheegtay waxa weeye inaan Radio Hargeisa kaa caalamka u yaala ka rejiistergaraysnayn ...

 

 

[Axmed Siciid Cige:]

 

Guddoomiye wakhtigan aan arkaayo ciidankii weli way joogaan oo way idinku wareegsanyihiin idinkuna shir baad ku jirtaan maxaa go'aana markaa ...?

 

 

[G. KULMIYE:]

 

Markaan shirkayaga dhamaysano ayaan wixii go'aana aanu gaadhaynaa booliiskuna wixii la soo faray ha sameeyeen?

 

Source: Somaliland.org

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Printable version Email this to a friend

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

Ra'yi / Opinions

Somaliland Societies in Europe (SSE) Conference Launch

29/03/2005 -

 

Caqli iyo shuurada waxgaradka ayaa lagu caanamaalaa.

29/03/2005 - MOHAMMED FARAH.

 

YAABNAYE IDINKUNA MA YAABTEEN?

29/03/2005 -

 

WARBIXIN CIBITAALKA BURCO KU SAABSAN

29/03/2005 -

 

MADAXWEYNE DHAAR WAX KA WEYN OO LA RUMAYSTAA MA JIRTO

29/03/2005 -

 

RADIO HORYAAL IYO SIDA DUNIDA LOOGA MAQLAYO

29/03/2005 - Cali Cabdilaahi

 

Abaal dhaca Rayaale iyo Dareenka dadka reer Sanaag

29/03/2005 - Iimaan,Saleebaan

 

Deg Deg Haloo Sameeyo Huda Foundation

29/03/2005 -

 

Madaxweyne Talada Bir ku jar

29/03/2005 -

 

Faysal Xaal Qaado

29/03/2005 -

 

Liiskii Waxqaybsigii 1960 kii

29/03/2005 - 28.03.05.Moxamed Cali Ciise

 

CABUDHINTA SAXAAFADA IYO CAR-JUUQDHEH MAXAA KA DANBAYN?

29/03/2005 - Ibrahim H.Abdi Dualeh

 

 

 

 

 

 

 

 

Jamhuuriya Online Ed

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somaliland: Booliska oo galey xarunta Kulmiye

 

Axmed Siciid Cige

BBCSomali.com

 

 

 

 

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo markiiba tegay xaruntaasi ayaa sheegay in buuq xoog lihi ka dhex oogmay madaxda hogaanka sare ee Kulmiye iyo ciidanka boliiska, kadib markii saraakiisha boliisku isku dayeen inay kaxeeyaan xoghayaha guud ee KULMIYE Da'uud Maxamed Geelle laakiin ay diideen madaxda Kulmiye.

Dad badan ayaa ku soo xoomay xarunta oo ku dhawaaqayay SIILAANYO HA NOOLAADO. Ma suurtagelin in booliisku kaxeeyo Xoghayaha guud ee Kulmiye. Boliiska ayaa ka gaabsaday inay bixiyaan wax war ah oo ku saabsan sababta kelliftay baadhitaanka, hase-yeeshee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Ismaaciil Adan Cismaan iyo taliyaha guud oo boliiska ayaa BBC-du la xidhiidhay ayaa ku gaabsaday inay ka baadhayaan wax ay ku tilmaameen Idaacad sharci darro ah RADIO HORYAAL oo ay sheegeen inay taallo xarunta xisbiga Kulmiye.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo oo BBC -du wareysatay ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi mid la mid ah siduu hadalka u dhigay fadeexaddii Water Gate oo madaxweyne mareykan ahi ku dhacay. Wuxuu sheegay inay tahay baadhista lagu sameeyay xaruntooda mid sharci darro, isagoo caddeeyay in aan haba yaraatee la soo ogeysiin oo aan dariiqii qaanuunka loo soo marin.

 

Axmed Siilaanyo

 

Axmed Siilaanyo oo cadho ka muuqatay wuxuu beeniyay in wax Idaacad ahi taallo xaruntooda, hase-yeeshee wuxuu sheegay in dadka qurba jooga reer Somaliland oo sameeyay ayuu yidhi idaacadda HOYAAL ay u badanyihiin oo 90% ay yihiin ayuu yidhi taageerayaasha Xisbiga KULMIYE.

 

Si kasta ha ahaatee, isla habeenimadii isniintii ayaa ciidaankii boliiska laga qaaday xarunta dhexe ee Kulmiye. Waxaa la dareemayay dhaqdhaqaaq ay wadeen laba xubnood oo ka tirsan komishanka doorashooyinka si buuqa loogu dhammeeyo wada hadal, waxaa kaloo xarunta yimid dad magac leh oo deminta xiisaddaasi ka qayb qaadanayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this