Sign in to follow this  
MoonLight1

DISTRUCTION of homes of the dead, homes of the living dead.

Recommended Posts

Shabaabka oo maanta soo faagay Qabriga Macalin Biyamaalow oo mudd 60-sano aasan.

 

 

Xarakada Alshabaab ayaa maanta maalintii saddexaad waxay mar kale qabuuro bur burin iyo faagis ka sameeyeen magaalada Muqdisho, iyadoo maanta dhulka ku daray qabrigii Macalin Maxamed Biyamaalow oo ka mid ahaa mashaa'ikhdii caanka aheyd ee dalka soomaaliya.

 

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka ayaa gudaha u galay Masaajid uu ku aasnaa Macalin Biyamaalow oo ku yaala degmada H/wadaag, iyagoo halkaas ku bur buriyay qabrigiisa iyo labo qabri kale oo ay ka soo saareen lafaha.

 

Sheekh Saciid Karataay oo Shabaabka u qaabilsan howlaha qabuur bur burinta ayaa saxaafada u sheegay in qabriyadan ay ahaayeen kuwo la caabudayay, waxaana uu cadeeyay in ay gebi ahaanba bur buriyeen.

 

"Wixii Ilaah qeyrkiisa ah, waan bur burinaa, qabuurtan waxay ahaayeen kuwo la caabudayay, waxaan soo saarnay lafihii ku jiray, waxaana geyn doonaa meel aysan dadka ogaan karin, si loo kala furo dadka caabudaya"ayuu yiri Mr Karataay oo intaa ku daray in ay sii wadayaan howlaha qabuuro faagista.

 

Culumaa'udiinka Soomaaliyed ayaa ku eedeeyay Shabaab in ay qabuuraha ay bur buriso kala soo baxdo Lafaha dad culimo ah, isla markaana ay u iibgeyso dalal kale waa sida ay sheegaane.

 

Xarakada Alshabaab ayaa Gobolada Jubooyinka Gedo, Bay iyo Bakool, Sh/Hoose iyo magaalada Muqdisho ka sameeyay howlo qabuuro bur burin ah, iyadoo ay cambaareeyeen culumaa'udiin iyo qeybaha bulshada oo sheegay in ay tahay mid Diinta Islaamka looga soo horjeedo.

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoysaskii Maamulka Gobolka Banaadir guryahooda ka bur buriyay oo xalay meel cidlo seexday

 

 

Qoysaskii maalintii shalay uu Maamulka Gobolka banaadir uu ka bur buriyay guryahooda ayaa xalay ku hoyday meelo cidlo, iyadoo dadkaas ay ku dhaceysay dhaxanta iyo dhadada.

 

Dadkan oo ah kuwo dan yar ah ayaa shalay Maamulka Gobolka Banaadir ka bur buriyay guryo gaaraya ilaa shan boqol oo guryo ay ka sameysteen cooshado iyo jiingado, xeradii Afisyooni.

 

Hooyo xalay ku hoyatay meel cidla ah oo la hadashay warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay waxyaabaha ka dhacay ama ay u geysteen maamulka gobalka banaadir.

 

Sidoo kale koox suxufiyiin ah oo booqday barta laga kiciyay dadkaasi ayaa waxa sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xaalad bani’aadamnimo taasi oo si aad ah u taabaneysa dadka aan garaneyn meel ay ciirsadaan.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu dib u dejin u sameynayo dadka barakacayaasha ah, iyadoo aanay muuqan tallaabo ay kaga dhabeynayaan balan-qaadkooda, waxaana dadkan ay yihiin kuwo kuleylka qoraxda aad u haya, iyagoo aanay heysan meel ay kaga gabaadsadaan

 

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

there is certain animal called Xabaalo_quf which diggs graves for food. alshabaab is Xabaalo quf in a human form.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this