Sign in to follow this  
Meiji

Mujaahideenta Soomaaliyeed in Gobolade Dhexe

Recommended Posts

Meiji   

Qasaarihii ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Wabxo oo sii kordhay iyo dhinacyadii ku dagaalamay oo guulo ka sheegtay dagaaladaasi.

 

Shabelle: WABXO

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo shalay ka dhacay deegaanka Wabxo degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud iyadoo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ay guulo ka kala sheegteen.

 

 

 

Kadib dagaalo xoogan oo shalay ku dhex maray xoogaga iskaashanaya ee Xarakatul shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam iyo ciidmada Ahlusuna Wal Jamaaca deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa isa soo taraya qasaarihii halkasi ka dhashay.

 

 

 

Inta la hubo 40-ruux oo isugu jira dhinacaydii dagalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhimatay dagaaladaasi iyadoo ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen in ka badan 60-qof kuwaasi oo dhaawacyadooda la kala geeyay cusbitaalo ku yaala deegaanka Dacda,Degmada Ceel Buur iyo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

 

 

Dhinacyada sida xun ugu dagaalamay deegaankaasi ayaa afhayeeno u kala hadlay waxaa ay ka sheegteen guulo iyadoo midba midka kale uu ku sheegayay in dagaaladasi ay ku jabiyeen.

 

 

 

Illaa iyo hada si dhab ah looma oga cida rasmi ahaan gacanta ugu heysa deegaanka Wabxo ee shalay ay dagaalada qaraari ka dheceen maadama halkaasi weli ay ka maqan tahay isgaarsiintii ka jirtay waloow wararka qaar ay sheegayaan in xaalada degaanka Wabxo ay saakay degan tahay.

 

 

 

Waxaa jiray dad ka barakacay dagaalada halkaasi ka dhacay kuwaasi u kala firxaday dhulka howdka ah iyo deegaanada ku dhow dhow si ay uga nabad galaan waxyeelo ka soo gaarta dagaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this