Sign in to follow this  
Maaddeey

Qaraxyo ay saraakiil ku baqtiyeen oo AMISOM lala eegtay

Recommended Posts

Maaddeey   

Qaraxyo waaweyn ayaa goordhaw lala beegsaday ciidamada AMISOM ee xooga ku joogo magaalada Muqdisho xilli ay dhaq dhaqaaq ka wadeen inta udhaxaysa Villa Somaliya iyo garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho.

 

 

Laba qarax oo waaweyn ayaa laxaqiijiyay in ciidanka AMISOM lagula eegtay Iskool Bulisiyo degmada X/Jajab magaalada Muqdisho, Goob jooge ayaa SomaliMemo.Net u xaqiijiyay in uu Indhihiisa saaray Maydadka Ciidamada AMISOM oo daadsan goobtii qaraxu ka dhacay.

 

 

Sarkaal katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMemo.Net u xaqiijiyay in qaraxyadaasi ay ku dileen saraakiil ciidan oo watay ciidanka AMISOM ee qaraxyada lala eegtay.

 

 

Shabaabul Mujaahidiin waxay intaasi raacisay in qaraxyadan ay faah faahin dheeri ah kasoo bixi doonto saacadaha soo socda, wixi kusoo kordha kala soco SomaliMemo.Net Insha'alaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Allmuqdisho.com

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qaraxyo ku laysay ciidamo amisom ah oo ku sugnaa degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo laba qarax ayaa laxaqiijiyay in lala helay ciidanka amisom waxaana jira khasaara soo gaaray ciidanka laweeraray, saraakiisha shabaabul Mujaahidin waxay sheegeen in ay dileen in kabadan 7 askari oo qaarkood saraakiil ahaayeen.

 

Goob joogayaal Madax banaan ayaa xaqiijiyay in ay arkeen Dhaawacyada amisom oo taahaya iyo Maydad goobta daadsan waxayna rasaas aan loo meel dayin ku fureen shacab khasaara ayaana jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this