Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president opens new airport terminal in Berbera

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Terminalka Labaad Ee Ay Dadku Ka Dhoofaan Ee Madaarka Magaalada Berbera.

 

 

 

Berbera (Ramaas) Okt. 27, 2010 - Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [saylici], ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xaruunta Gobolka Saaxil.

 

 

 

Weftigan oo u jeedadiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jaro dhismayaal dayactir lagu sameeyey oo ka mid ah madaarka caalamiga ah ee diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Berbera, waxa ku wehelinayey Wasiirada Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

 

 

 

Markii uu weftigu gaadhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera waxa uu xadhiga ka jaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Terminalka labaad ee garoonka diyaaradaha ee ay dadku ka dhoofaan oo isagu dunsanaa tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.

 

 

 

Md Saylici oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta furo Terminalka labaad ee madaarka Berbera, isagoo ugu mahadceliyey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo uu sheegay inuu aad ugu dadaalay sidii u furi lahaa Terminalkan oo aad ay ugu baahnaayeen dadka madaarkaas ka dhoofa.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [saylici], ayaa waxa kale oo sheegay in xukumada cusub ee Somaliland ay soo bandhigi doonto wax qabadkeeda marka ay dhammaadaan 100 cisho ee ay qabsatay, wakhtigii ay xilka dalka la wareegtay.

 

 

 

Wasiirka Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii uu arkay dadka ka dhoofa madaarka Berbera oo isku meel kaliya wada maraya uu go’aansaday inuu dayactiro Terminaalka labaad ee ay adeegsadaan dadka ka dhoofaya madaarka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu furitaanka terminalkani uu ka mid ahaa siyaasada xukumada cusub, maadaama oo xidhnaa mudo ku siman 20 sannadood.

 

 

 

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

 

 

 

Intaas ka dib waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu xadhiga ka Terminalka labaad ee madaarka Berbera. Sidoo kale waxa uu Md Saylici furay Tower weyn oo isgaadhsiineed oo laga hirgaliyey gudaha dakeda Berbera, kaasoo lagu ogaandoono wixii maraakiib ama doonyo ah ee soo gala biyaha Somaliland iyagoo meel aad u durugsan maraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasibado uu xadhigga kaga jaray Terminaallo cusub oo ay wasaaradda duulista hawadu ka fulisay madaarka magaalada Berbera.waxa kale oo uu xadhigana ka jaray ilaa shan goobood oo ka tirsan dekeda magaalada Berbera, goobahaasi oo ay ka mid yihiin wadada halbawlaha ah ee gasha dekeda oo dib u habayn lagu sameeyay , xafiisyo loogu talo galay hawl fududaynta adeegyada ay dekedu bulshada u hayso, kaagag ay maraakiibtu biyaha ka qaataan inta ay dekeda ku xidhan yihiin, dhismayaal dhinaca gargaarka degdega ah iyo weliba xafiisyo cusub oo la dhigay raadaalada wax lagaga arko dhinaca badda,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland C/raxman Saylici iyo Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayay oo markii ugu horaysay Booqasho ku Tagay Dekadda Berbera.

 

20101027073923.jpg

waxa maanta waftigan uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenku soo dhaweyntooda kasoo qayb galay wajiyo aan is arki kari jirin had iyo jeerna hadalo aan munaasib aheyn....... Daawo Sawiradda

 

5121474596_c09b3c0622.jpg

Berbera (GNS)Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyadda soomaaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Seylici) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho kuyimi xarunta Gobolka saaxil ee berbera. waftiga madaxweyne kuxigeenka oo ay kamid ahaayeen wasiirka wassaarada duulista hawda. wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka wasaarada warfaafinta C/laahi Jaamac (Geel jire) Marwada koowaad ee qaranka jamhuuriyada soomaaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aamina Waris) afhayeenka Madaxweynaha soomaaliland C/laahi Cukuse Madax barta koolka Madaxweynaha Mudane Maxamed Cimi (Ilkacase) Agaasimaha Guud ee wasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka bada C/raxmaan Cawil Xassan iyo mudanayaal katirsan Golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo katirsan xukumada soomaaliland

waxaana sidiiran ugu soo dhaweeyey deegaanka gobolka saaxil maamulada heer gobol iyo mid degmo.

 

 

5120869829_09fe358d01.jpg

 

Dekeda iyo dadweyne rag iyo dumarba isu jiray oo reer saaxil ah. booqashada waftigan oo ah tii ugu balaadhneyd ee masuuliyinta ugu sareysa hogaanka dalka kuyimaadan G/saaxil ayaa u muuqatay amaba la sheegay in ay ujeedadeedu tahay in xadhiga laga jaro wixii kafulay balanqaayadii ay xukumada madaxweyne Siilanyo ku sheegtay in kumuujinayaan waxqabadka ugu horeeya 100ka maalmood.

5121472330_6fa8c4e5dd.jpg

dhinaca kale ayaa waxa siweyn loogu soo ddaweeyey madaarka caalimiga ah ee berbera halkaas oo labadii bilood ee udanbeeyey uu kasocday dhisme dayactir. qalabeyn iyo dub u habeyn balaadhan oo laga waday oo laga waday qaybaha kala duwan ee madaarka sida Terminal cusub oo aad u weyn siwaanaagsana loo qalabeyey oo had iyo jeer dadka dhoofayaasha ahi ay kacaban jireen dhinaca adeega iyo terminalka oo cidhiidhi ahaan jiray waxa kale oo dayactir lagu sameeyey Ran wayga ay diyaaraduhu ka haadan qaybo kamida oo daad waxyeeleyey. waxaana saaka xadhiga kajaray madaxweyne kuxigeenka soomaalilan mudane C/raxmaan C/laahi ismaacil (Seylici) waxaana hadaladiisii kamid ahaa sidan"waxa farxad weyn ii ah in aan xadhiga kajaro waxqabadkii ugu horeeyey ee xukumadayadu shicbiga muwaadiniinta ee fiican codkoodna noosiiyey in aanu wax uqabano maanta tan aan xadhiga kajarayaa tahay tii ugu horeysay waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta heer gobol.Degmo.Deked iyo waliba shirkadaha madaxa banaan ee gacanta kageystay dib u habeynta iyo shirkada gacanteeda ku dhistay iyadoon faa.iido kadoonayn waanay ku mahad yihiin insha aalaahu anaguna xukumada ahaan wixii aanu idka balan qaadnay in aanu waxqabad iyo hurumar dhinac walba ah idiin fulin doono daacadnimona idiinku adeegi doono anagoo sida aanu intaba u fulinayno ku dhameystiri doono j/s/l dhamaantii waxaanu intaa kudaray in ay berberi waxqabadkii 100ka cisho ay iyadu ugu horeyso tahayna in lagaga daydo waxaanu raaciyey walaalahayaga mucaaradka ah waxaanu leenahay nataageera marka aanu wax wanaagsan qabano wixii talo ah ee aad nasiinaysana diyaar baanu unahay.

5121469090_1b12d9a9d8.jpg

waxa isna halkaa hadalkooban ka jeediyey wasiirka wasaarada duulista hawda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu sheegay kharashka kubaxay dib uhabeynta iyo dhismayaashaba lacag dhan (110.000)boqol iyo toban kun oo dollar isla markaa (25000)shan iyo labaatan kamida lacagtaa lagu dhisay madaarka ay bixiyeen shirkadaha diyaaradaha ee macaamilka laleh madaarka oo kala ah shirkada African Airways.Juba Airways iyo shirkada Naasha ee maamusha shaqalaha kahawl gala madaarada waxakale oo u amaanay Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee berbera cabdale maxamed carab oo uu sheegay in uu waxbadan laqabtay imikana uu balanqadaay in uu dhameystiro wadada isku xidha ran wayga iyo Terminalkan cusub waxakale oo uu wasiirku sheegay in mareeyaha dekeduna wax laqabtay dhismahana uu gacan ka geystay waxaanu yidhi waxan maareyaha isagana ku amaanayaa in uu gacan ka geystay dhismahan waanu ku mahad san yahay waxa uu wasiirku shegay in ay sii wadidoonan waxqabadkooda oo aanay halkaa kujoojin doonin. kadibna madaxweyne kuxigeenka iyo waftigiisu waxay u soo kicitimeen dhinaca dekeda waxaana uu halkaa maareyaha cusubi ku soo bandhigay waxqabad uu sameeyey intii uu maareynta ka ahaa dekeda oo kakoobnaa shan meelood oo uu madaxweynuhu xadhiga kajaray waxaanay kala ahaayeen dhismayaal cusub oo xafiisyo ah iyo xarumo biyo mareena oo ay maraakiibtu biyaha kaqaadan doonan oo la dhigay pep cusub shaqona ay ugu danbeysay wakhtiyadii dawladii maxamed siyaad bare iyo xarun caafimaad oo laqalabeeyey oo aan hore u jiri jirin iyo Xarun Raadal oo laga dheehan karo shay kasta oo kusoo xadguba biyaha bada ee jamhuuriyada soomaaliland iyo xarun lagu kordhiyey dhismaha dekeda looguna talagalay in lagu keydiyo baabuurta soo degta mustaqbalkana laga dhigo xarun lagu rogo koonteenarada sida uu maareeyuhu sheegay waxana xarumahaas oodhan madaxweynaha mid mid uga waramaayay mareeyaha dekeda Axmed Yuusuf Dirir waxaanu madaxwenuhu ku amaanay maareeyaha waxqabadka muuqda ee uu qabtay waxaanu yidhi waa wax lagaga daydo waxa uu qabtay maareyuhu waanan ku amaanayaa waxqabadka fiican ama muuqda ee uu qabtay isaga oo mudo yar oo kooban maamul ka ahaa dekeda.ugu dambeyntiina waxa hadal kooban saxaafada ku siisay xarunta madaxtooyada ee berbera marwada koowaad ee qaranka soomaaliland Marwo Aamina Waris Xaaji Maxamed waxaanay hadalkeeda ku bilawda sida" waxaan aad ugu faraxsanahay aniga oo maanta imi Gobolkaygii aan u dhashay oo ay wax badani iska bedeleen isbedelkii loo bahnaana uu kamuuqdo oo aan laxaqiri karin waxanan o mahad celinayaa dhamaan maamulka gobolka. degmada. maamulka dekeda iyo waliba dadweynaha reer berbera waxanan leeyahay soo dhaweynta aad nasoo dhaweyseen iyo isbedelka aad muujiseenba waa ku mahad san tihin waxaana aan aamaan gaara u soo jeedinayaa wasiirka wasaarada duulista hawda oo qabtay wax aan aad ugu farxay waanu ku mahadsanyahay iyo waliba maareyaha dekeda oo isna qabtay wax lagu diirsado iyo adeegyo aad loogu baahnaa oo dekeda aan hore uga jiri jirin waxa kale oo aan u mahad celinayaa bahda saxaafad oo iyaga qudhoodu hawl mihiima u haya bulshada.

 

haddaba waxa maanta waftigan uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenku soo dhaweyntooda kasoo qayb galay wajiyo aan is arki kari jirin had iyo jeerna hadalo aan munaasib aheyn kaga dhawaaqi jiray fagaarayaasha ololaha ee wakhtiyadii ololihii doorashada madaxtooyada aan filayna in ay sidan wax u dhacayaan qaarkood kamidina ay ka diga rogteena xisbigan talada wadanka haya imika ee kulmiye waxkalena ay isu sawireen iyaga oo ku biiray xisbigii udub ee xiligaa talada hayay iskana dhigaayay qaar xogo badan haya oo waxyeelayn kara siyaasada xisbigaa wakhtigaa ahaa mucaaradka hadana ah xisbilk xaakimka wadanka soomaaliland ah waxaana maanta xafladahan xadhiga lagaga jarayay waxqabadyada xukumada cusub ay kulmisay shaqsiyaad aad ugu kala fogaa siyaasada waxaana qaarkood wajiyadooda laga arkayay amaba aad ka dheehan karaysay jactad iyo firfircooni la.aan aan hore loogu aqoon. dhanka marwada ayaa waxa ay aad ula mubsuuday isbedelada siyaasadeed ee kadhacay gobolkan ay kasoo jeedo oo wakhtiyadii hore ay maamuladii joogeen aan laga axtiraami jirin oo aanay kala kulmi jirin wax ay ku faraxdo laakiin maanta ay ahayd mubsuud. waxaana maanta loo arkaayay marka laga yimaado marwada koowaad ee qaranka s/land in ay tahay inan timi gobolkeedii

 

Maxamed Ismaaciil Cumar (M.Biid)

Gabiley News Reporter

Berbera Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALILAND: Berbera airport gets new terminal

Comments (18)

 

BERBERA (SomalilandPress) — The port city of Berbera today welcomed a delegation lead by Vice President Abdirahman Abdillahi Saylici, Minister of Aviation Mohamud Hashi Abdi and Minister of Information Abdullahi Geeljire and the first lady of Somaliland Amina Mohamed Jirde.

 

The delegation first stopped at Berbera International Airport where the vice president opened an additional new terminal that was recently added to the airports departure terminals. Also at the ceremony Minister of Aviation Mohamud Hashi Abdi spoke about how this new terminal was part of the new government’s first 100 day initiative plan. Mr. Abdi informed the attendees of the opening ceremony that this new additional terminal cost roughly $110,000 dollars.

 

Vice President Saylici spoke after the Minister of Aviation, Mr. Saylici told the audience that he came to Berbera today to show the residents that it was not only a campaign promise when his party promised to improve the city of Berbera. Vice President Saylici went on to say, “I am very proud to see the fruits of our promise today come true in Berbera which is the mother of Somaliland”.

 

After opening the new terminal in Berbera International Airport the Vice President and his delegates went to the Port where they were welcomed by Berbera sea Port managing Director Mr. Ahmed Yusuf Dirrir. Mr. Ahmed Yusuf Dirrir informed the vice president that at his short period of time on the job he was able to build a new road that leads the port to the main road; also a new emergency hospital wing has been added to the port.

 

Currently Berbera has the main sea and air port for the country; and commerce transactions in the city have the main source of income for the somaliland federal governments. Residents of the city have usually complained the neglect of the sea port and lack of improvement its infrastructures. Since Gulf Countries started importing livestock from Somaliland, Berbra has become a major hub of business activities in the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

opened an additional new terminal that was recently added

It becomes more and more clear why places like Awdal, Sool, Sanaag are becoming more restive when all the focus is on the triangle.

 

But I know they will be focused on in the future right?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^why don't you advise the group from sool to focus on themselves rather. Why are you giving all the credit to the triangle clan, as if they're the only ones that can deliver? Stop putting yourself and shaming the people of Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this