Sign in to follow this  
General Duke

Breaking news, Courts accept ceasefire offer...

Recommended Posts

Barking News:-

 

Horn afrik...

Maxakamadaha Islaamiga ee magaalada Muqdisho oo ku dhawaaqay xabad joojin rasmi ah oo sharuud la’aana si loo badbaadiyo dadka rayidka ah ee dhibaatada soo gaareyso. "Guddoomiye Sheekh Shariif oo arrintaas ku dhawaaqay"

Tue May 09-2006

 

BBC/NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

I think this new story barries all the questions raised against the courts of them not caring about the people. For the fact that it is the courts who have initiated this act of ceasefire or truce translates that they are deeply concerned over the death of the innocent civilians who have been caught in the crossfire in the recent battle which has taken more than 36 lives as well as the previous ones. This dicision of ceasefire was first reached by the courts although they have the ability and capability to continue the fight. The warlords would have never come forward for a ceasefire. My hats off to the courts for showing care of the civilian lives and therefore avoiding further conflict at the capital.

 

Thanks for the link Duke.

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Maxkamadaha oo ku dhawaaqay Xabad joojin

 

Shikh Sharif interview

 

Warlords alliance spokesperson

 

Marko 09 May. 06 ( Sh.M.Network) Midowga Maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho ayaa si cad ugu dhawaaqay xabadjoojin aan sharuud ku xirneyn oo oo ay ka galaan dagaal maalintii 3aad iyaga iyo isbaheysiga ku dhex maraya deegaanka Siisii ee W/magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca Isbaheysiga ay ka meermeereen in xabad joojin ay diyaar u yihiin.

 

 

Afhayeenka Isbaheysiga la d.A. Guutaale iyo Gudoomiyaha Midowga maxkamadaha Sheekh Shariif

Guutaale -- Sh.shariif

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Axmed oo u waramayay Shabakada warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin xabad joojin rasmi ah oo ay la galaan dhinaca Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada oo dagaal qasaaro geeystay ku dhex maraya maalintii 3aad magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu sheegay in amuurtaan ay ka dambeysay ka gadaal markii maanta kulan ay la qaateen qeybaha bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho, ayna ka codsadeen Maxkamadaha i xabadda ay joojiyaan, iyaguna ay aqbaleen, isagoo sheegay in dhinaca kale looga baahan yahay in iyana ay xabadda joojiyaan, waxa uuna tilmaamay in aysan gacmaha ka laaban doonin hadii xabad lagu soo rido.

 

Dhinaca kale Afhayeenka isbaheysiga la dagaalanka argagixisada Xuseen Guutaale Raage oo isna u waramay Shabelle ayaa ka warwareegay xabad joojin dhinacooda ay ku dhawaaqaan, balse waxa uu tilmaamay in xabadda ay istaageyso hadii maxkamadaha ay ogolaadaan in xabadda ay joojiyaan, isagoo ku tilmaamay xabad joojinta ay ku dhawaaqeen maxkmadaha in ay tahay rasaastii ay ku dagaalamayeen oo ka dhamaatay awgeed.

 

Amuurahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli dad weynaha Muqdisho ay ka dalbanayaan dhinacyada diriraya in xabadda ay ka joojiyaan shacabka ay ku dul dagaalamayaan, iyagoo tilmaamay in dagaalada qasaaro mooyee aanu wax faa'iido ah laga helin.

 

Dagaaladii 3da maalmood ka socday deegaanka Siisii oo sababay dhimasho ka badan 30 ruux iyo dhaawac aad u fara badan ayaan waxaan jirin guulo la taaban karo oo labada dhinac ay kala gaareen.

 

Shabelle Media Network, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haweeneey ka mid ahayd dadkii saakay ka qaxayay dagaalka ayaa waxa ay ku cataaweysay "
Hadii caruur iyo haween la laayo janada lagu galaayo aaqiro waa la wada tagi doonaa
."

 

Haweeneydaasi oo xambaarsaneyd hal cunug dhowr kalena gacmaha ku sidatay ayaa Shabelle mar ay wax ka weydiisay waxa ay ku dagaalamayaan labada dhinac waxa ay tiri "hogaamiyeyaasha dagaalka 15 kii sano waxa ay shaqeeysteen naartii ay gali lahaayeen, laakiin waxaan la yaabanahay wadaadada" ayay intaasi sii raacisay. [shabeellenews.com]

Maskiin. Soomaali hadaan wada nahnay naxariistii wax la dhaho naga tagtay.

 

Eebboow qabooji xaaladda. Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this