Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Qaadisiya: The Info. Pulse of the Muslim Insurgency in Somalia

Recommended Posts

Duulaanka ay ciidamada Tigreega Masiixiyiinta ku qabsadeen dalka Soomaaliya ayaa lama filaan ku noqotey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ciidamadaas oo ay horkacayaan daba dhilifyo sheegta dal iyo diinba in aan wadaagno, ayaa si lama filaan ooga soo qul quley xuduudaha ay

 

Soomaaliya la leedahay dalka Itoobiya iyadoo haba yaraatee wax iska caabiyey aysan jiran. Qolyaha lagu tilmaamo Bulshada Caalamiga( the so called world community), United Nations iyo ururo goboleedyada ka jira Afrika sida African Union iyo IGAD, ayaa haba yaraatee waxba ka oran duulaankaaas gardarada ah ee ay Xukuumada Qowleysatada uu horkacayo Melles Sanaawe ku qabsatey dalka Soomaaliya.

 

Halkaas ayaa waxaa si dhib yar looga cabiran karaa in Shacabka Soomaaliyeed uu ku dhacay khiyaano caalami ah oo ay u dhanyihhiin dalalka xubnaha ka ah UN ka, khiyaanadaas oo mudo dheer laga soo shaqeeyey ayaa shucuubo kala duwan ay horey ugu soo dheceen qaar kalena ay sugayaan goortooda. Waa yaabe!!!Aawaye shuruucdii caalamiga ee loogu talo galey in dawladahu xurmeeyaan qaranimadooda, madax banaanidooda iyo soohdimahooda? Taas waxay Shacabka Soomaaliyeed si cad u tusaysaa in waxa lagu tilmaamo shuruucda caalamiga oo dhan ay tahay BUHAA-BUHAA iyo shimbiro yahow heesa, UN tuna tahay urur maqaar saara oo loogu talo galey in dhiiga masaakiinta uu u xalaaleeyo qowleysatada ay kamidka yihiin Israa,iil, Mareykanka, Itoobiyo iyo kuwo kaloo badan. Dastuurka aduunaka ka jira ayaa noqdey waayahan danbe mid isku badaley ninba ninka uu ka xoog badan yahay in uu booboo hantidiisa iyo dhulkiisa oo dilo ama xabiso. Jiritaanka Khiyaano Caalami ah ayaa waxaa marag u ah:

 

• Boobka iyo dilka ay Israa,iil ku hayso i. shacabka laga awooda badan yahay ee reer Falastiin, taas oo ay taagero buuxdo uga haysato Mareykanka iyo wadamo yurubiyaan ah ii. shacabka Lubnaan, Siirya iyo Joordan

 

• Boobka iyo dilka uu Ameerikaanku ku hayo dalal badan sida Ciraaq iyo Afgaanistaan,

 

• Boobka iyo dilka uu Ruushku ku hayo Shiishaan, Daagistaan iyo Ungasheetiya

 

• Boobka iyo dilka ay Hindiya ku hayso shacabka Jammu iyo Kashmiir Waxaa taas lamida dhibta ay Filibiin, Paakistaan,Indoniishiya, maleyshia, Boorma, Al-jeeriya, Turkiga iyo wadamo kale oo fara badan ku hayaan Muslimiinta ku nool Shacabka Soomaaliyeed ayaa isna maanta la’orankaraa wuxuu ku dhacay Khiyaanadii Caalamiga aheyd, maxaa yaaley (de facto) Dalka Soomaaliya xaaladan uu ku jirno waxa uu galey gumaysi cusub oo sharci daro ah (under new illegal occupation by Tigrai Forces).

 

Xad gudub yadaas oo dhan ayaa waxaa ka gaabsada wadmada badankood iyo UN ta amaba ka aamuseen. Waxaa xusuus gaara mudan in shucuubta ku nool wadamadaas boobka lagu haysto yihiin muslimiin amaba ay u badan yihiin. Markaa waxaan si fudud uga soo dhiraan dhirin karnaa qoraalkan in Khiyaanadan Caalamiga ay ku wajahan tahay Shucuubta Muslimka ah oo qura, goonina u tahay. Maxaa yeeley inta dalal aduunka boobka lagu haysto ama lagu dulmo sida kuwa aan kor ku soo xusney waa Muslimiin. Haddaba Khiyaanda waa inoo gooniye maxaa talaa?? Waa in shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan u diyaar garoobaan in ay u huraan xigmadooda iyo xeeshooda, maalkooda iyo naftooda sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen cadowgooda diineed, dhuleed iyo dhaqan ee soo jireenka ah ee uu hogaaminayo Kufriga Melles , ugana difaacdaan diintooda iyo dalkooda. Maanta oo Dalkeenii Soomaaliya uu galley xaalad xasaasi ah oo aan horey loo maqal aragna waa lama huraan in laga xureeyo gumeystaha Tigreega ee qabsadey asagoo kaashanaya Mareykanka iyo xulifadiisu.

 

Difaaca Dalka maanta waa daaruuri oo aanan doorasho lahayn Haddii aydan ka difaacan dalkiina iyo dadkiinaba Kufriga Tigreega, waxaa hubaala in ay idinkula kici doonaan boob, dil iyo anshax xumo fara badan taas oo ay horeba ugula keceen shacabka Soomaaliyeed. Ninkii garaad leh waa uu garanyaa waxa dhib ah ee ay u geystaan Muslimiinta Soomaalida u badan ee ku nool Kilinka 5aad ee ay gumeysato. Dhaca, kufsiga iyo dilka waxaa ay oogu dareen horumar la,aan dhinac kasta oo nolosha ah, ha ahaato waxbarasho, caafimaad, biyo galin IWM. Qofkii arkey ayaa garanayee Xukuumada Tigreegu waa dhiig yacab ‘xabaal geed saar mooyee geed qaad mele’ ah.

 

Ninkastoo soomaali ah oo isugu sheekeeya in Tigreegu ay isaga ixtiraami doonaan, waxaa hubaal ah in Tigree uusan Soomaali waxa uu doonaba ha ahaadee u kala sokeyn. Ee ay kula dhaqmi doonaan anshax xumada caadada u ah Kufrigaas Mulxidka ah. Ku quus qaado C/laahi Yuusuf haddii maskax wax garataa ay kugu taalo. Wuxuu fashiley dadkiisii iyo dalkiisii oo uu daba dhilif u noqdey Kufriga Itoobiya. Wuxuu soo hogaamiyey ciidamadooda oo dagaal lagu qabsadey dalkiisa laguna laayo dadkiisa kala qayb qaatey. Hayeeshee, waxay abaal uga dhigtey xabsigii Alanbakho. Gabo gabadii, Dalkii Soomaaliyeed taariiq mugdi ah ayaa ka dul curatey, duniduna badankeedu sidaas ayey raali uga tahay. Balse Shacabka Soomaaliyeed intuu Eebe talo saarto ha u talaabsado sidii cadowga dhulka Hooyo looga saari lahaa.

 

Diyaariye Maxamed (SHIFAA),

 

Source: www.qaadisiya.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this