Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Al-Shabaab oo cambaareysay afduubka Markabka Sacuudiga

Recommended Posts

Al-Shabaab oo cambaareysay afduubka Markabka Sacuudiga. WHAT a joke

 

 

Kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa cambaareyn kulul u jeedisay afduubka loo geystay markabka laga leeyahay dalka Sacuudi Areebiya ee saliida qeyriin sida.

 

 

 

War ay soo saartay al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdu ay ka xuntahay afduubkaasi isla markaana ay ku dabajoogto dadkii ku lugta lahaa falkaasi.

 

 

 

Afhayeen u hadlay kooxda al-Shabaab oo lagu magacaabo C/qafaar Muuse ayaa sheegay in aysan diintu qabin in la afduubto hanti Islaam uu leeyahay.

 

 

 

Kooxda al-Shabaab waxa Maraykanku uu ku xiriiriyay inay tahay koox argagixiso ah oo xiriir la leh shabakada al-Qaacida.

 

source horseed.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadihii oo ku darsamay shabaabka digniinta ay u jeediyeen in ay sii dee yaan markabka

 

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay inay la dagaallamayaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabka Shidaalka wada heysta

 

Sabti, November 22, 2008(HOL): Xoogag Islaamiyiin ah ayaa tegay Degmada Xarar-dheere si ay halkaas uga ugaarsadaan Kooxo Burcad Badeed ah oo la sheegayo in ay halkaas la soo galeen Markab Sacuudiga laga leeyahay oo shidaal aad u badan uu ku raran yahay.

 

Markabka Sirius Star oo uu ku raran yahay Shidaal dhan 2 Milyan oo Fuusto, isla markaana ay saaran yihiin 25 Shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Philippine, Saudi Arabia, Croatia, Poland iyo Britain ayaa la sheegayaa in ay kooxaha Burcad Badeedka ah la aadeen Xeebta Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

 

Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Degmada Xarar-dheere ayaa sheegay in Xoogagga Islaamiyiinta ah ee tegay Xarar-dheere ay ahaayeen kuwo si deg deg ah u rabay in ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay Markabka Sirius Star oo Sabtidii hore laga soo qabtay meel 480 Mile u jirta Xeebaha Soomaaliya.

 

Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo ah Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay dembi tahay in la af-duubto markab uu leeyahay dal Islaam ah sida Sacuudiga oo kale, “Sacuudiga waa Dal Muslim ah, af-duubashada Markab laga leeyahayna waxaa uu ka dembi badan yahay af-duubashada maraakiibta kale”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in Degmada Xarardheere ay hoos-timaado Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay wax ka qaban doonaan arrimaha Markabka Sirius Star.

 

Xiligii uu jiray Maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee lixda bilood ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay Ciidamadii Maxkamadaha ku guuleysteen in ay tallaabo ka qaadaan Kooxo Burcad Badeed ah oo qafaashay Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliya, waxaana 8 ka mid ah Burcad Badeedkaas oo la soo qabtay lagu xiray Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, inkastoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn wixii ay arrintooda ku dambeysay 8daas nin ee Burcadda ahaa.

 

Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Ilo u dhow dhow Maxaakiimta garabka Djbouti. ayaa waxay sheegayaan in ololo ciidan aruurin ah ay jiraan, oo la doonaayo in lagu weeraro ragga haysto markabka sacuudiga.

 

xagaas iyo xara dheere hadaba!!

 

warjiraaba cakaaruu imaamn sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Al shabab to storm hadheere and hobyo"

 

Maybe these guys are financed by saudi's. How else do they get weapon supplies?

 

The Ship owners are just better off paying the ransom, a fire fight for the tanker could prove disastrous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabab's willingness to free the saudi super-tanker on the basis of that it is a muslim tanker :rolleyes: proved the notion that Al Shababs is financed by saudis with the supervision of uncle Sam. I watched them on Al jazeera English last night they said they will free the super-tanker by themselves (will storm the tanker) if the pirates do not set the ship and its crew free without condition within the next week or so. Who are they? Was Malaysian ship not muslim ship? How about the Iranians? Hypocrites!

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's well known that jihadi organizations and saudi are opposite poles.

 

The last thing KSA would do is fund alshabaab whose leaders were all trianed in afghanistan.

 

It was Ciise Caddow (ICU) that said they will free the ship because it's owned by a muslim country, not Mukhtaar roboow, infact Roboow said they will free all the shops muslim or nonmuslim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this