Sign in to follow this  
The Zack

Alshabaab: Waan Khaldanahay

Recommended Posts

The Zack   

alshabaab-logo1_1.jpg

 

KN: Xarakada Alshabaab ayaa markii ugu horeysey qiratay suurtagalnimada in ay jiraan khaladaad ay galeen waxayna dadka ka codsadeen in ay saxaan, laakiin xiliga hadalkani lagu soo beegey ayaa markiiba guux weyn ka dhashay.

 

Afayeenkii hore ee Alshabaab Sheekh Muqtaar Roboow Abuu Mansuur oo haatan xil sare ka haya Alshabaab oo maanta dad aad u badan kala hadlayt salaadii jimcaha kadib masaajidka Abu Hureyra ee Xamar ayaa sheegey in ay jiri karaan khaladaad ay geysteen ka xarako ahaan dadkana looga baahanyahay in ay saxaan.

 

Intii uusan hadalkaasi jeedin ayuu dadka u sheegey in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay soo gabogabeeyeen qorshe duulaan dagaal oo uu sheegey in ay ku doonayaan in ay ugu soo qaadaan goobahan ay gacanta kaga hayaan magaalada caasimada ah ee Xamar, hadalka Abuu Mansuur ayaa u muuqdey mid uu kaga warqar qabo illaa heerka ay iska difaaci karaan weerarada uu sheegey ee kusoo fool leh.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this