Sign in to follow this  
Dhubad.

Imaamkii Masjidka Isbahaysiga oo gurigiisa ciidamado Ethiopian ah ay kalabaxeen

Recommended Posts

Dhubad.   

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Shalay iyo xalay ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya waxay guryahooda oo Muqdisho ku yaala ka kaxeysteen ilaa shan ruux oo qaarkood ay yihiin Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

 

Dadka ay Ciidamadaas kaxeysteen waxaa ka mid ah Khadiibkii Masjidka Isbaheysiga Islaamka Shiikh Cabdiraxmaan Cabdi Culusow (Shariifka) oo isagu mudadii burburka masjidkaas gacanta ku soo hayay.

 

 

Lama yaqaano sababta ay Ciidamada u kaxeysteen Shiikh C/raxmaan oo dhanka kale ka mid ahaa Macallimiinta Jaamacadda Al-neelain ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa loo maleynayaa in loo kaxeystay sabab la xiriirta in ay isku fiicnaayeen Mas’uuliyiintii Maxkamadihii Islaamka.

 

 

 

Seddex dhalinyaro ah ayaa iyaguna xalay laga kaxeystay Degmada Madiina, waxayna Faadumo C/llaahi oo deris la ah dhalinyaradaas ay sheegtay in ay kaxeysteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysnaa.

 

 

 

Sidoo kalena, habeenkii xalay ahaa waxaa isna gurigiisa oo ku yaala Degmada Kaaraan laga kaxeystay Wadaad lagu magacaabo Shiikh Cabdi oo ka tirsanaa culumaa’udiinka deegaankaas, isla markaana taageersanaa Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa dhowr jeer oo hore waxay guryahooda uga kaxeysteen dad rayid ah, waxayna labo nin kala baxeen guri ku yaala Degmada Huriwaa, halka ay 8 nin oo kalena ay ka kaxeysteen guri ku yaala nawaaxiga KM4, walow markii dambe la sii daayay 8daas nin.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^How do the TFG wants to govern if their masters(Ethiopians) are either killing or arresting innocent people (i.e. Culamada) ?

 

I can't wait until people revolt against the TFG and their masters...The current situation reminds the American invasion of Mogadishu in 1992, people were quite about it and in some cases welcomed the US army until they started behaving badly...and we all know what happened after that.!

 

So I predict in the next few months/weeks there will be an all out war against the traitors and their masters if the situation continous they way it is now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   
Protection should be afforded our sheikhs, imams, muftis, ulemas, iwm. Let there be among the young those who protect the most important men in our society. May Allah protect them, amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taliban:

Protection should be afforded our sheikhs, imams, muftis, ulemas, iwm. Let there be among the young those who protect the most important men in our society. May Allah protect them, amin.

Al-shabaab are doing that exactly, and the recent killing of the guy who was the head in Madiino District was about the transferring of three Culimo he gave to Lo' cali Jeele, and the Shabaab got him with the punishment he deserved, indeed.

 

That is the example we want, nothing less!

 

If you mess around with our scholars, death will suddenly visit you, that is price, awoowe!

 

Kheyr Allaha siiyo dhalinyaradaas, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this