Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo Mayor Sends Strong Warning To Somaliland

Recommended Posts

Cowke   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa fariin adag oo ay Warbaahinta u raacisay waxay u dirtay Maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haya ugu yaraan 7-Ruux oo Kaluumaysato reer Puntland ah oo lagu eedeeyey Fal Burcadbadeednimo ah & Burcad Badeed Soomaali ah oo si xawli ah uga qowlaysata Xeebaha gobolka Mudug ee Dawlada Puntland.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Col,Axmed Calisalaad Faarax oo ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayey amaanka guud ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay dhawaan shir uu ka qeybgalay oo kadhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,wuxuuna sheegey in shirkaasi uu ahaa mid muhiim ah islamarkaasna ay dhawaan wax ka qaban doonaan Burcad Badeeda kusugan gobolka Mudug.

 

Axmed Cali Salaad wuxuu sheegey in ay Burcada kusugan magaalada Gaalkacyo oo wadata gawaarida ugu qaalisan ay inta maandooriyeyaal soo cabaan ay wax u dhimaan amaanka gobolka Mudug iyagoo adeegsanaya Qoryaha fud-fudud & gawaaridooda oo ay xawli ku kaxeeyaan taasina ay keentay in habeenkasta ay magaalada ka dhacaan falal dilala,Weeraro,Dhaawacyo,israsaaseyn & khalkhalin guud oo amaanka wax loogu dhimayo ay sameeyaan wuxuuna sheegey in hadii aysan waxaas ka waantoobin ay la kulmi doonaan talaabo ay dib uga shalaayi doonaan falalka ay imika ku dhaqmayaan.

 

"Burcad Badeeda waanu ognahay inay isku soo gurtay gobolka Mudug oo ay dhamaan gobolada kale ee Puntland kasoo carareen,taasi masii socon doonto,ogaada Baddana Ajinabi & Ciidan reer Puntland ah baanu idiinka dhigaynaa dhulkana waanu isugu imaan doonaa..waadna ogaan doontaa waxaad nagala kulantaa..Masii socon doonto inaad gawaari inta xawli ku kaxaysataan aad magaalada Amaankeeda wax u dhintaan...Xaaraanta aad u canaysaana abaalkeeda ayaad heli doontaan"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug oo si adag ula hadlay Burcad Badeeda kusugan gobolka Mudug.

 

Gudoomiye Axmed Cali Salaad wuxuu fariin Adag u diray Maamulka Soomaaliland oo uu sheegey inay ka shaqeynayaan waxyaabo keeni kara isku dhac soo kala dhexgalay Shacabka labada Maamul kala dega,wuxuuna sheegey in si ay isugu dhuftaan ay ka shaqeynayaan islamrkaasna ay qabasadeen Kaluumaysatayaal reer Puntland ah taasina ay keentay in dadka reer Puntland ay ku jawaabaan qabsadashada dad & gaadiid u shaqeynayey hay'ada WFP.

 

"Waxaad qabasateen kaluumaysato reer Puntlandi ah,si aad shacabka labada dhinac isugu dhufatanaa gawaaridiinii ayaad dhulkeena keenteen,waxaasi maahan wax la akhrisan karo,annaga siyaasada dawladeena ayaa noo qaabilsan laakiin soodaaya Kaluumaystada aad haystaan,gawaaridiina in lasiidaayo ayaanu imika ku mashquulsanahay siideyntooda,WFP-na waxaan u sheegayaa inaysan wax gawaari ah oo Waqooyi laga leeyahay dhulkeena u soo dirin si aanu u xalino dhibaatooyinka hada taagan"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug oo sheegey inay imika ku mashquulsan yihiin soo celinta gawaari lagu haysto beesha garacad ee gobolka Mudug.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haya ugu yaraan 7-Ruux oo Kaluumaysato reer Puntland ah oo lagu eedeeyey Fal Burcadbadeednimo ah

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

you can see how the lawlesness and the culture of piracy runs through them he doesnt seem to understand that if people are arrested for a reason such as piracy they must go through judicary system.

 

they even hijacked the trucks providing aid for their starving.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this